Raysal Wasaaraha Itoobiya Muxuu Ka Yidhi Abaal Marinta Nabada Ee Uu Ku Guulaystay?

0
Sunday October 13, 2019 - 11:47:46 in News by
  • Visits: 1521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Muxuu Ka Yidhi Abaal Marinta Nabada Ee Uu Ku Guulaystay?

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Muxuu Ka Yidhi Abaal Marinta Nabada Ee Uu Ku Guulaystay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Muxuu Ka Yidhi Abaal Marinta Nabada Ee Uu Ku Guulaystay?


Raisul Wsaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay abaalmarinta nabadda ee Nobel ee la guddoonsiiyey uu keligii lahayn oo ay leedahay qaaraddan Afrika oo dhan.

Image result for abiy ahmed


Abaalmarinta Nabadda ee la guddoonsiiyey Dr Abiy waxaa looga fal celiyey siyaabo kala duwan. Goobaha sida gaarka ah looga dareemayey waxaa ka mid ah magaalada Abu Dubai.


Dhismayaasha waaweyn waxaa lagu sharraxay calanka dalka Itoobiya oo xalay oo dhan laga dheehanayey dhismayaasha intooda badan waxaa sida oo kale meela badan la sudhay sawirka Amiirka Imaaradka Carabta Amiir Maxamed bin Zayed iyo Ra'isul Wasaare Dr Abiy Axmed. Wuxuuna amiirka boggiisa Tweetarka soo dhigay farriin hambalya ah oo afka Amxaariga ku qoran.


Farrinta hambalyada uu Amiir Maxamed bin Zayid uu u diray Dr Abiy waxay u akhrismeysaa sidan: "Saaxibkeey Ra'isul wasaare Dr Abiy Axmed Abaalmarinta nabadda ee Nobel uu ku guuleystay aad baan ugu faraxsanahay. Ra'isulwasaaruhuna rajada nabadda uu gobolka ka dhaliyey abaalmarintaasi waa uu mudan yahay".


Dr Abiy Axmed waa qofka 11-aad oo qaaraddan Afrika ka soo jeeda oo Abid ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel.


Abaalmarintan oo marki 100-aad la bixiyey waxaa ilaa iyo hadda ku guuleystay 107 qof iyo 27 hay'adood.


Haddaba dadka qaaraddan Afrika u dhashay ee horay ugu guuleystay abaalmarinta nabadda waxay kala yihiin:


1. 2008 - Denis Mukwege - Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo

2. 2015 - 2015 Nashnay Dialog Quartet - Tunisiya

3. 2011 - Alen Johnson Sarlif - iyo Leimah Gibowi - Liberia

4. 2005 - Maxamed al-Baraadici -Masar

5. 2004 - Wangari Matai - Kenya

6. 2001 - Kofi Anan - Ghana

7. 1993 - Nelson Mandela iyo FW Diclark - Koonfur Afrika

8. 1984 - Dezmond Tutu - Koonfur Afrika

9. 1978 - Anwar al-saadaat - Masar

10.1960 - Albert Lutuli - Koonfur Afrika


Dr Abiy Axmed Cali Muxuu ku mutuestay Abaalmarintaasi?


Waxaa la bogaadiyay dadaallada nabadda ee uu garwadeenka ka yahay ee gobolka iyo kaalinta uu ka qaatay iskaashiga caalamiga ah.


Heshiskii nabadeed ay wada gaareen Itoobiya iyo Eritrea ayaa lagu soo afjaray dagaalkii 20-ka sanno socday oo u dhexeeyay labada dal.


Guddiga Norway ee u qaabilsan abaalmarinta Nobel-ka ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in Abiy Axmed uu ku muteystay "nabadda uu la galay dalka ay collaada mudada kala dhexeysay ee Eritrea".


Guddiga ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka ay arrintaa ka ciyaartay Eritrea.


" Nabadda kama timaada hal dhinac oo kali ah. Markii uu Abiy Axmed gacan nabadeed fidiyay, madaxweynaha Eritrea ayaa isagana ka soo jawaabay doorna ka qaatay in heshiis nabadeed oo rasmi ah ay labda dal kala saxiixdaan".

Loading...
Loading...