Ciyaaryahan Hore Oo Shaaciyey Halka Ay Dhibaatadu Ka Haysato Kooxda Manchester United.

0
Sunday October 13, 2019 - 11:45:56 in News by
  • Visits: 1852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahan Hore Oo Shaaciyey Halka Ay Dhibaatadu Ka Haysato Kooxda Manchester United.

    Ciyaaryahan Hore Oo Shaaciyey Halka Ay Dhibaatadu Ka Haysato Kooxda Manchester United.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahan Hore Oo Shaaciyey Halka Ay Dhibaatadu Ka Haysato Kooxda Manchester United.


Ciyaaryahankii khadka dhexe uga ciyaari jiray kooxda Man United ee Marouane Fellaini ayaa ka hadlay caqabadaha haysta kooxdiisii hore.


Fellaini ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ee haysta kooxda Man United ay tahay badalka deg dega ah ee lagu sameeyo tababarayaashii ugu dambeeyey ee soo maray kooxdaasi.

Image result for marouane fellaini


Marouane Fellaini oo ka hadlaya caqabadaha ay wajahayso kooxda Manchester United ayaa waxa uu yidhi "Waxay keeneen mid ka mid ah maamulayaasha adduunka ugu fiican Jose Mourinho, wuxuu doonayey inuu dhiso kooxda, waana ay ceyriyeen. Ma fududa in la dhiso koox wakhtigaas, waxaad u baahan tahay wax kabadan laba sano.


Waxay keensadeen Moyes, waqti ma siinin. Waxaay keensadeen Van Gaal, waxay siiyeen labo sano waxaana bilownay inaan waxyaabo qaar qabano, wuxuu ku guuleystay koobka, laakiin intaas kadib waa ey ceyriyeen macalinkii maxaa yeelay waxay rabaan inaysi dhaqso leh u guuleystaan, waxaan u maleynayaa. Maamule sida Van Gaal farsamo ahaan waa mid aad u xoog badan oo qibrad badan lehna way ceyriyeen.


Laakiin markaad eegto inaad dhisto koox waxaad u baahan tahay waqti, hana badalin maamule laba sano kasta, sanad kasta. Haddii maamulaha uusan ku fiicneyn afarta ama shan kulan, waxay rabaan inay ceyriyaan.


Ma aqaano waxa ay ku sameyn doonaan Solskjaer laakiin, aniga ahaan, inaan ku guuleysto waxyaabo oo aa horumar sameyso, waxa ey u baahan tahay waqti. Mourinho, xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horreeyay, wuxuu sameeyay wax la yaab leh, wuxuu horumariyay kooxda, waxyaabo ayuuna ku guuleystay.


Fellaini wuxuu ka mid ahaa kooxdii Mourinho ee ku guuleysatay Europa League iyo League Cup, halka xidiga reer Belguim sidoo kale uu ku guuleystay FA Cup intii uu macalin u ahaa Louis van Gaal shantii sano iyo badhkii uu joogay United

Loading...
Loading...