Dawlada Iiraan Oo Ku Hanjabtay Inay Jawaab Ka Bixinayso Weerar Loo Gaystay Markab Ay Leedahay

0
Sunday October 13, 2019 - 11:43:12 in News by
  • Visits: 1644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Iiraan Oo Ku Hanjabtay Inay Jawaab Ka Bixinayso Weerar Loo Gaystay Markab Ay Leedahay

    Dawlada Iiraan Oo Ku Hanjabtay Inay Jawaab Ka Bixinayso Weerar Loo Gaystay Markab Ay Leedahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Iiraan Oo Ku Hanjabtay Inay Jawaab Ka Bixinayso Weerar Loo Gaystay Markab Ay Leedahay


Afhayeen u hadlay dowladda Iran ayaa sheegay "weerarka fuleynimada" ee lagu qaaday markab saliidda qaada oo ay Tehran leedahay loo adeegsaday gantaal, Iran ay jawaab kulul ka bixin doonto.

.


Wakaaladda wararka ee Iran IRNA oo soo xigatay afhayeenka xukumadda Tehran Cali Rabiic ayaa sheegtay Markabka weerarka loo geystay ee Sabit inuu marayey Jimcihi biyaha dalka Sacuudi Carabiya.


Tani iyo bishi May ee sanadkan waxaa gobolka ka dhacayey weerarro loo geysanayey maraakiibta saliidda qaadda oo ay leeyihiin waddama kala duwan.


Iran waxa kale oo ay sheegtay iney baaritaanka ay ku waddo weerarkaasi uu gabagabo marayo natiijada ka soo baxda iyada oo ka duuleysana ciddi weerarkaasi ka dambeysay ay jawaab waafi ah siin doonto.


Sargaal sare oo ka tirsan laamaha amniga Iran wuxuu sheegay iney hayaan muuqaal muujinaya weerarkaasi sida uu u dhacay iyada oo muuqaalka lagu arkayo laba gantaal oo markabka lala beegsaday.


"Guddi arrintan baaro ayaa loo saaray waxayna guddiga warbixintooda ku saabsan weerarka lagu qaaday markabka saliidda qaada ee Iran waxaana loo gudbin doonaa madaxda ugu sarreysa ammaanka dalka Iran," ayuu yiri Cali Shamkhani oo ah xoghayaha hay'adda ammaanka ugu sarreysa dalka Iran.


Wakaaladda wararka ee Sacuudi Carabiya SPA waxay sheegtay ineysan ku faraxsaneyn weerarka lagu qaaday markabkaasi inkasta oo Markabka weerarka loo geystay ay gacan siiyeen ciidamadeeda badda.



Source"-BBCsomali
Loading...
Loading...