Is Barkanaanta Anshaxa Iyo Masiibooyinka! Qalinkii: Axmed Cali Kaahin. Q/1aad.

0
Sunday October 13, 2019 - 09:49:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is Barkanaanta Anshaxa Iyo Masiibooyinka! Qalinkii: Axmed Cali Kaahin. Q/1aad.

    Hadalka Culimada laga soo raro (haddii umad dhaqan keedu tago way tagtay ummadaasi)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadalka Culimada laga soo raro (haddii umad dhaqan keedu tago way tagtay ummadaasi)

way ku daysay jiritaan haan. haddaan soo koobno. Dadkeenii hore dad dun leh oo qab iyo qadarin soomaalinimo madaxa la taagaya.

Quraanka umada la rogaa ka buuxa dhacdooyin koodii iyo sababtii oo kaliya ahayd in Rabbi swt. Ay caasiyeen hawadoodana raaceen. Ka dibna dabarkaa looga dhigay dhaabad lagu hakiyo kibirka iyo xumaanta.

Hab kooda dhaqan, iyo diimeed kuna faana kooda. kana faana ka Saan Caddaalaha oo macno habaar u ee kaa. Markay ninka Cad tilmaamayaan, oo hadda kuwooda liita waxa xun laga hiigsado, halka inta fiican indhaheenu arag.

Saan caddaale waa tilmaan liidid iyo quudhsi ninka cad dhaqankiisa iyo midab kii saba taasi oo ahayd han sare. in waxaad tahay markaad qadariso lagu qadarinaayo, qiimana yeelanayso balse haddaad huwan tahay kaad la tartamayso dhaqankiisa liidid iyo lahaansho uun buu dareemayaa ninkaad jilayso wixiisuS.

Waana nooc adoonsi casriya oo carbisan kaliya  shaasha’daha  la soo mariyo casharada sumaysan ee saamaynta xun ku reeba bulshooyinka ku bahaloobay hiigida iyo u hayaamida hanaanada halawsan ee haadaanta dul hee’haabaya.

Madaxwayne Diigool waxa uu umadiisa faransiis u sheegay in barigii Jarmalku qabsaday in aan xoog lagu muquumin faransiiska balse mushkiladu ahayd (in dhalinteenu, ay tumanayeen.)oo baararka ee meelaha lagu caweeyo, ee baashaalku cirkaa marayay, aadna u shidnaa. Maxaad u malayn umad islaamoo loo diidayna xumaan oo dhan dhawrsanaan na tahay astaantoota.

Sida Sunaha noloshu ku sugnaatay Aayada Quraan ahna  ku cad (ummad Rabbi swt. Ma Badalo haddii aanay iyagu is badalin.) Dhamaan dhaqanada iyo dhacdooyinka inaga soo fula sammaan iyo xumaan waa kuwo baanka inoo yaala, qaybna la inagu qaadi karo haddii aanaynaa u noqon xaga Rabbi swt. 

Sida Aayada kale ku cad (xumaantii waxay ka soo daahirta Arlada iyo Badda waxay gacmaha dadku kasbadeen). Hadda Dulqaadka iyo deeqda iyo galada Rabbi swt. Wax badan inaga dhaafayaa. Si joogto ah.

Balse waxa jira heer la gaadho in dambiyada qayb dadka loo ciqaabo markay dabarka goostaan, daacadnimo iyo dadnimadana duleeyee diinta iyo dariiqa toosan ka durkaan haddaan toobad dariiqa dib loogu noqon. Si dhibaataa loo awdo, biriigaa loo qabtaa markay is qaban waayaa Sheekh iyo shariifna laga simaa abaal marinta iyo edbinta.

Haddii dootna la wadda badbaadin waayo dagitaanka waa loo wadda siman yahay.Dulqaadka Rabbi swt. Haddaad hal khayr samayno waxa uu inoo libin laabaa ilaa todobaatan jeer halka haddii dambi galno aan la qorin lana dhawro toobad keeno.

Sidaa daraadeed marka xuska iyo jacaylka iyo waynynta Rabbi swt. Laga mashquulo aduunyo iyo raaligalinta iyo dharginta nafta waxa dhacda in badan la inoo diteeyo dhibaatada if iyo aakhiro. Taasi oo dadkeenu khubaro ku yihiin dhibaatooyinka laga dhaxlo xummaanta iyo ka fogaanta adeecida rabbi. Marka la xasuusto Dulcad iyo Daroor wixii inageeyay may ahayn ciyaar.

Dhalinta hadda joogtaa haddaad tagto meelaha lagu caweeyo ama lagu qabto waxa loo yaqaan showyada, waxaad dareemaysaa kaaf iyo kala dheeri, barigii ilaahay Swt, inaga kala daadiyay waxa la gaadhay heer aad u liidata oo is qaawin iyo kibir in bariiska loola baxo jay iyo wax aan dhaamin,

Halka diraca wilkuna ahaa huga dadka qaar. Balse balaayadii way camimtay cidkasta. Arlada Rabbaa swt. Leh in lagu caasina ciqaa buu udhigay, amarku waa adeecid iyo ajiibid.

Manta haddaan dab idhaah ma afkaa I guban, waxaa heer gaadhay jahliga diiniga ah iyo u ban bixida dhalinta qaar heeso iyo is qaawin runtii xattaa dadka qurbuhu ka xishoodaan. waxay xidhaan dhalinteenu wiilal iyo gabdhaba, iyo qaab is qurxin xadka ka baxsan oo xataa wiilasha aad la yaabayso. Waana dariiq halisa oo hore ummadani u eeday.

Xataa noocyada dharka makala yaqaanaan nin aqoon dheer u leh tolmaha dharkaa yidhi waxaan arkaa dad ku labisan dharkii kiniisadaha oo waan yaabaa waar dharka qaarba goob iyo goley leeyihiine wax walba ha isku jufina.

Dumarku waa sharafta iyo karaamadeena, haddii way wanaag sanaadaan waa karaamo sharaf, in dumarku wanaaag sanaadaan waa wanaaga ummada oo dhan. Ummadana hooyada mustaqalku u wacnaataa waligood badhaade iyo bash bash bay ku reeyaan. Haddii Rabbi swt, idmo waxa xiga qaybta 2aad.

Qalinkii Axmed Cali Kaahin.                                   


[email protected]


HA HILMAAMIN XUSKA RABI.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...