Waxa La Xushaa Inta Xun Ka Ugu Sii Liita Q.2aad ( abdi-Shotaly).

0
Sunday October 13, 2019 - 09:36:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxa La Xushaa Inta Xun Ka Ugu Sii Liita Q.2aad ( abdi-Shotaly).

    Weli waxaynu ku jirnaa siddii aynu ummada u tusi lahayn,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weli waxaynu ku jirnaa siddii aynu ummada u tusi lahayn,
in kuwa ina leh wax baan maamulaa, halka ay aqoon ka taagan yihiin iyo wax qabasho, waxan hore ugu soo aragnay isla cinwaankan (qaybihii 1aad) shan ka mid ah, cidda ummadda loogu sheegayaa mansuuli-yiin, waxay dadnima-doodu tahay guud ahaan iyo shakhsi ahaan-ba, wixii ay ka filayeen shacabku iyo wax yaabaha ay ku hawlan yihiin, iyaka oo daayacay xilkii loo egmaday, hadaba maanta waxan  ku hor keeni doonaa, qaar asal-kooddii hore ahaan jirey kuwa aynu nidhaahno culumo ( Kuwo diinta dadka ku hogaamiya) waa siday sheegan jireene, laakiin ay soo baxday in ay been-been u siteen waysadda iyo huuga culimadda, haddii aanay sidaas ahayn oo ay diintu ka dhab ahayd, waxa ay hadda walaaqayaan may ku kaceen, tuugo, siyaasad iyo munaafaqadi-na, waad og-tihiin halkay Diinta Islaamka ka joogto. noocan aan soo wadaa waxay yidhaaheen, diintii lacag lagu heli-maayo, ee "kitaab" ayuun baad akahrisayaa, salaad-na geb-taas uun baad haynaysaa, ee "Munaafaqadda, Siyaasadda iyo beenta baa ka dhaw, oo xoolo deg-deg ah lagu shaqaystaa ( Finka-cawdu-bilaa). Waa sidaase, bal kuwana ila eega aan hoos idiinku soo gudbin doono, iyakana, waxan rabaa in aan midh-midh idiin soo hor dhigo dhamaan, kuwa qudhun-saday maaumlka Hargeysa ee ay askartu hogaamiso. ee iga hooya Ummad yahay:-

 

(a)           Nin beriggii hore la baxay Sheekh Bukhaari, oo ummadda ka dhaadhicin jirey " Axaadiista uu Nebiggii ka werin jirey (Csw) Axaabiggii Bukhaari ( Ilaah raali ha ka ahaadee), oo ahaa kuwa ugu caalimsan culimadda jiidda Ceel-af-weyn, waa ka hadda la yidhaaho " Xildhi-baan Bukhaariye", baa markuu wax ku waayey " Nebiga ku Saliya (Csw) iyo Axaadiistii Bukhaari", Buu yidhi " Munaafaqadaa ka aayo wacan ka sheekaynta diinta", maanta waa milyan-neer, awela buuggii bukhaari, kitaab 30 jis ah, siyaajad buu sidan jirey, waxana loo ururin jirey Sekedda, bal hadda qiyaasa maan-tana xaal-kiisa, inta dabaq ee uu dhistay iyo hantidda uu haysto. Kitaabkii wuxu ka tuuray jar, ilaynwax ku cuni waaye, oo dariiqan baa ka baadhasho wacandhanka dhaqaalaha.

 

(b)           Bal Isna " Jano-ka-bood" ila arka ( Waa samaale ka la yidhaaho'e), Wuxu af buuxa ku yidhi "Been baa wax lagu cunaa, Kitaab-na wax baa lagu baryaa" isba mar buu sheekh-yadu kala weyne uu ahaan jirey " Imaam masaajid", oo wacyiga islaamka iyo tafiirka quraanka uu ka sii dayn jirey. oo dad uu tukin jirey wadaad u haysta, wuxu isna ina yidhi, dunidda waxa wax anfaca oo keliya, is waydaarinta, xaaraanta iyo tuugani-madda iyo adoo kolba geed is mariya, oo weji kale isu yeela, isku sheega munaafaqadda aaba-heed ahaadda, marna weji wadaad soo xidha, oo diinta iyo Siyaasad aad wax ku doonayso hadba isku salaxdo, dad-kana mid daacad ah, oo alle yaqaana iskaga dhigto, salaad aad dadka ku majaro habaabi-nysana gebtaa uun gura, isha iyo af-kana ka dhawr-sadda in aad waxa khaladan sheegto, weliba si wacan u soo xidha koodh aad u qurux badan, oo uu sudhan yahay Tayggii Qabyaaladu ( The tribal tie), Sidda keliya ee wakhtigan lagu ceeshi karaa, si fudud-na loogu xoolaysan karaa, oo mar-kiiba aad ka dhergayso hantidda ummadda, cid kugu qabsanay-saana aanay jirin, waxa weeye adoo " Kitaabka Xoora, oo isticmaala Siyaasaddii Kaaral-maarkis iyo liilan" laakiin haddii aad daacad-nimo iyo xalaal cun wax ku doonto, waxad ku fidi-gaysaa ( bakhti-yeysaa) xeradda gaajadda, Maanta " Jano-ka-bood" lacagta uu ahystaa, way xad dhaaftay, mana uu haysan markuu mu'adinka ahaa iyo sheekh beenaadka, allaw sahal xaaraan baa uu ka doorbiday iimaamnima-diiye.

 

(c) Balaayadu way sii kala subxaanalay-sataaye, kana maxaa odhan doon-taan tolaw iyaba waa yaabe. Ka la yidhaaho "Xidin" isna wuxu ka ahaan jirey " Macalin quraan Degmadda Ceel-af-weyn", wuxu xidhnaan jirey macawis iyo koofiyadda, oo wuxu iska urursan jirey " Hal-doolar" oo fadhiisinka ah ardayga malcaamadda lagu qoro, sekedda iyo isaga oo loogu yeedhi jirey, in marka reer Alla-baryo uu quraanka ka akhriyo halkaas, wax yarna waa loo tuuri jirey. aan soo koobee isaga oo xaal-kiisu sidaas ahaa, baa markii Madax-weyne Siilaanyo ku soo baxay doorashaddii 2010kii ( Illaah caafimaad ha siiyee), baa wuxu mar qudha ka dhigay,  Maareeyaha cudurka dilaaga ah ee loo yaqaano " Caateeye ama Aids-ka", isna waa ka isla mar-kiiba malcaamaddii albaabadda u xidhay, macawistii tuuray, ee lebistay suudh aanu weliggii xidhan, ilayn waa ma gudbe aan waxan soo marine, oo maamul garan-maayo, distoor, sharci, kitaab-kiina la iskala tegye, waa ka kiish dheer u toshay intii la yidhi, kiniin u sii dadka qaba cudr-kaas sare ku yaal Isaga oo intaas yar iska urur-sadda, baa labadan askarina meesha boobeen, oo ay ku magacaabeen " Maareeyaha hay'yadda Barakaca-yaasha", halkii buu isaga oo aan is lahayn-ba, waxa xil kuu dhiibaaya " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximan", uu mar kale yidhi " Caashaay Macaanaa" waxana uu ku ducaystaa " Illaahaw waa mahadaa" haddii aad Malcaamddii iga xidhay aan dhiisha foqorka sitay, oo aad siyaasi iga dhigtay, maanta aan ahay maal-qabeen weyn, oo laga dambeeyo, seko dambe aan la ii ururi-nayn, aan isku darsaday madxnimo iyo in aniga lay daba-fadhiisto jeebka ii buuxa.

                    La Soco Qaybta 3aad

* N.B Been Baa Wax Lagu Cunaa, Kitaab-na Wax Baa Lagu Baryaa!

Qore:- Abdi-shotaly

 

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...