Masuul Xilal Ka Soo Qabtay Xukuumadihii Kala Dambeeyey Ee Kulmiye Oo ka Soo Muuqday Caleemo Saarka Madaxweynaha Jubbaland

0
Saturday October 12, 2019 - 17:09:44 in News by
  • Visits: 3631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Masuul Xilal Ka Soo Qabtay Xukuumadihii Kala Dambeeyey Ee Kulmiye Oo ka Soo Muuqday Caleemo Saarka Madaxweynaha Jubbaland

    Masuul Xilal Ka Soo Qabtay Xukuumadihii Kala Dambeeyey Ee Kulmiye Oo ka Soo Muuqday Caleemo Saarka Madaxweynaha Jubbaland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuul Xilal Ka Soo Qabtay Xukuumadihii Kala Dambeeyey Ee Kulmiye Oo ka Soo Muuqday Caleemo Saarka Madaxweynaha Jubbaland


Hargeysa(HWN):-Agaasimihii hore ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada somaliland Maxamed Cilmi Aadan ayaa ka soo dhexmuuqday munaasibadii lagu caleemo saarayey madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe).

Image may contain: 3 people, including Mohamed Aden, people sitting


Maxamed Cilmi Aadan oo xukuumadihii kala dambeeyey ee xisbiga Kulmiye ka soo qaybtay xilal kala duwan isla markaana haatan ka tirsan golaha dhexe ee xisbigaasi ayaa ka qayb galay caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyada oo aanay jirin cid kale oo somaliland ka soo jeeda oo ku wehelinaysay.


Maxamed Cilmi Aadan oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Nairobi oo uu ka tagay Kismaayo ayaa ka mid ah xubnaha xisbiga Kulmiye ee sida weyn u taageersan madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa ilaa haatana ka mid ah golaha dhexe ee xisbigaasi.


Xukuumada somaliland ayaan dhinaceeda ka hadal masuul ka tirsan xisbiga ee ka qayb galay caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland, waxaana ay bulshada somaliland ka sugaysaa inay cadayso talaabada laga qaadayo haddii uu dalka ku soo laabto.

Loading...
Loading...