Waxa La Xushaa Inta Xun Ka Ugu Sii Liita Q.1aad (Abdi-Shotaly).

0
Saturday October 12, 2019 - 09:41:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxa La Xushaa Inta Xun Ka Ugu Sii Liita Q.1aad (Abdi-Shotaly).

    Umadani waa mid aan loo jid bixinayn, oo kolba daalin baa lagu salidaa xadhko goys ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Umadani waa mid aan loo jid bixinayn, oo kolba daalin baa lagu salidaa xadhko goys ah.
Ibrahim Gadhle ( Ihun), mar uu ka hadlaayey in aanay tani meel gaadhayn weligeed, wuxu yidhi " Dogob baan ka qaadaa, dudumaa la saaraa, dambas-kaan ka leexshaa, cagahay dab geliysaa, dhulka meesha dulinka leh, ka duwaan idhaahdaa, waxa loo dareershaa, halka ugu dugaag badan" Micnaha uu ujeedaana waxa weeye, markaan is idhaaho Somaliland badbaadi-ba, Bahalo aan u naxayn, oo dad-qaado ah, bay afka uga sii gacan gashaa, waana runtii oo waa inkaas ka wadda markhaatiya. ruux daacad ah oo ka murmi karaa ma jiro, in ay yey-debed yaal ahayd candhaddii ay afarta naas ku yaaleen-ba gooyeen. Maamulka askartu waxay shaqaala-hoodda ku soo xushaan qaab qabyaaladeed, oo beel kaste intay dhex maraan bay kala soo baxaan "Inta xun ka ugu sii liita " ( They always select the worst of the bad lot), " Ma doon-taan inta wanaagsan ka ugu wacan" The best of the good ones), waayo ma raabaan, ruux wax fahmaaya, oo ku odhanaaya joojiya khaladka, ee mid la adeegsan karo, calooshiisa iyo dhuunta wax geli mooyee, aan dalka iyo daka dan ka lahayn, lagu qadhaaban karo, baa calan uu u huwiyaa ummadda "Raggii ma adigaa ka hadhay", in ay sidaas tahayna, halkan hoose ila akhriya. Markaan yaraa baa waxan waayeelkii wakhti-gaas joogay ka maqli jirey " Dal xumaani kuma disho, ee dad xumaan baa ku disha" , waxa guriggii kadhex orinaaya " Xaafad-tooyadda" iyo inta ka sii daba ceeshta, bal nooca ay yihiin, ila eega, kuwa ummadda hor kacayaa, ee la leeyahay waa mansuuliin, heerka ay dadnimo, aqoon iyo garsho ka taagan yihiin.

(a) Ka la yidhaaho Mr Ma kash-bacay, kelyuu may kareen, kadab la'aan-taydda ( waxad u taqaan " Solteko" Weriye baa waydiiyey su'aal ah, Markaad meesha ka tagto maxaa lagugu xasuun doonaa? Wuxu ku jawaab oo yidhi " waxa laygy xasuusan doonaa " Bisad aan cel ka soo saarey" bal ka aqoon-taas leh Baa hargeysa u xil saaran, wadooyin-kiina waxay isu rogeen dooxii waaheen, oo urta way banafaysaa kudaafadda magaaladda, dhex taalaa, ka soo gudub kaas "Mr Ma Ksh-bacay"



(b) Waxa is dhaamaa ilaa imika ma hayno, ee mid-ba mid buu fadhiiso yidhiye, "Wasaaradda doqon ma waydo" isna xisaabta ku darsadda, kaas oo dadnimo iyo maskax, raganimo intaba hor illaahay ka taagan, Magac beeleed difaac la yidhi, oo kolba reer loo adeegsado, isaga oo ku gabanaaya wax loo macmalay, oo la yidhaaho War-faafinta iyo wacyi-gelinta (  Tii Wacyi-gelin ahayd baa iska badaye), kaas oo bahal beelaysan la yidhi ku cabudhi saxaafadda. oo loo dirtay in uu juuq dhawro uun ama  amaan madhan laga sheego, xidh-xidhay weriyaalkii Hadhwanaag, inta loo soo adeegsaday, dhawr Tv -na albaabadda isugu dhuftay, sabab-tuna tahay maxaad dadka runta ugu sheegaysaan. saw maaha rabi-khalaq wa-dalaq, inkaar baa ummaddii hasta'e.


(c) Haad-ba-haad kici oo haweeyaa hadhaye, bal isna ka la leeyahay waa sharci yaqaan, miyey-daan arag, kaas oo loo xil saaray, beelo gaar ah loona ibaaxeeyey, adoon eegin wuxu xaq ma yihiin mise maaha? khalad qofku ma galay mise ma gelin, weydiin waxa lagu soo oogay wxay yihiin run iyo been mid-koodna, oo uu yahay beeelaha uu maamulka askartu iskala coloobay, sharci iyo distoor aad ula baydhaa yaanu jirin ee ku shareer, oo isugu dar xadhig dheer iyo weliba ganaax, aynu ka xoolay-sano. ka aad u fiirsa-taaba waa federe kii hore madaxa ka qabsaday.


(d) Ka lagu magacaabo " Gafane", waxay iyaku ugu yeedhaan markay maldaha-yaan " Gaafaadhi" kaas oo isaga iyo Geenyo shaaximani, ay siddii gafanihii xoolaha dhiiga ka jiqi jirey, uga soo go'een colaadda dhiigu hibitiq-leeyahay ee Ceel-af-weyn, inta shaqadda lagu siiyey-na ay tahay is nacsii H.Jeclo iyo H.Yoonis, si aanay isugu foodin, oo kala irdheeye, dhex dhigana nacayb aanay marna isugu iman karayn.


(e) Duulkii inkaar qaba jinaa daasadaw tuma baa laga hayaa (Ihun) Tima-cade, adba waad fejiciye, kuwa la leeyahay ummad bay hogaan u yihiin, oo ay hor kacayaan, isna waxa ka mid ah, ka intuu dal dhan sii daayey iyo ciidamaddii, meel isla so taagay awel-ba musha-haaro ayuun bay naga qaadana-yeene, ha iska tageen, qaar kale-na ha raaceen uma baahnine ( Waa ka magaciisu yahay " Nuux ", 

 

Siddii habar-dugaag raq ku hirdamaaya, oo kala horor sanaaya, halkay il-daabaano ka arkaan. qaar ku haliilaaya baa ina boqno gooyey, weliba qaar inaga mid ahi, ay leeyihiin xaq bay ku socdaan, bal ka warama kuwa ina leh, sidaas baa maul wanaag ah, daacadnimo bay ku shaqayna-yaan. Waxan ku soo xidhay qoraalkan, Maamulka " Xaafad-tooyadu" kuma uu iman wax u faa'iidee dalka iyo dadka, xaq iyo wax qabasho, ee waxay ahaayeen xoog tag, hantidda ummadda in ay xantoob-sadaan, wixii dhimanaaya yeelka-doode. ma jirto wixii la odhan jirey xil-kasnimo, mansuuliyad, iyo wax baa la xeeriyaa,wax baa laga xishoodda, ee waxay ciyaara-yaan xeegaddii la odhan jirey " dhan walba u orod", bal in aad meel uun ka baxdo, laakiin la isla ogaa, oo haday sag-xadda daawaha ku eryayaane, idinku ummad yahay weli ma rajo baad ka qabtaan? Duulkan kakan, ee haan kaste far-dhaxadda ku murdiyey, faruhuna kala dheere. takfi iyo kutaana ka sii macna xun. 

La Soco Qaybta Labaad.

 * N.B  Dal Xumaani Kuma Disho, Ee Dad Xumaan Baa Ku Disha!

Qore:- Abdi-Shotaly

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...