Shamis Qardajeex Oo Dhambaal Tacsiya Udirtay Madaxwaynaha Jabuuti Iyo Shacabkiisa.

0
Friday October 11, 2019 - 18:33:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shamis Qardajeex Oo Dhambaal Tacsiya Udirtay Madaxwaynaha Jabuuti Iyo Shacabkiisa.

    Shamis Qardajeex ayaa dhambaal Tacsiya udirtay madaxwaynaha dalka Jabuuti Ismaaciil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shamis Qardajeex ayaa dhambaal Tacsiya udirtay madaxwaynaha dalka Jabuuti Ismaaciil

Cumar Geele oo uu walaalkii Sacad Cumar Geele ku geeriyooday dalka Faransiiska.


Shamis Qardajeex ayaa sidoo kale shacabka Dalka Jabuuti iyo Ehelkii uu kabaxay marxuumkuba ilahay uga bariday inuu samir iyo iimaan kasiiyo, marxuumakana janadii Fardawsa uu geeyo, waxayna hadalkeeda ku bilawday "Dhamaan waxaan tacsi udirayaa reer Cumar Geele waxaanan ka tacsiyadaynayaa madaxwaynaha Ismaaciil Cumar Geele geerida ku timid walaalkii Marxuum Sacad Cumar Geele oo ku geeriyooday dalka Faransiiska, waxaan dhamaanba shacabka reer Jabuuti iyo Marwada Madaxwaynaha Khadra Maxamuud Xayd ka tacsiyadaynayaa geerida ku timid Marxuum Sacad Cumar Geele, waxaanan leeyahay ilaahay samir  iyo iimaan ha’inaga siiyo, sidoo kale waxaan ka tacsiyadaynayaa Xaaskiisii Siraad iyo Caruurtiisii iyo dhamaanba ehelkii uu ka baxay marxuumku.



Madaxwaynahana waxaan leeyahay ilaahay samir iyo iimaan hakaasiiyo walaalkaa " ayay tidhi


Sidoo kale waxay Shamis Qarda-jeex umahadcelisay safaarada Jabuuti ku leedahay dalka Turkiga oo ay sheegtay inay gacanwayn ka gaysatay geeridii walaalkeed.

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...