126 Arday Oo Ka Mid Ahaa Dhallinyaradii Shaqo Qaran Oo Si Rasmi Ah Uga Mid Noqday Ciidamada Dalka

0
Thursday October 10, 2019 - 08:38:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    126 Arday Oo Ka Mid Ahaa Dhallinyaradii Shaqo Qaran Oo Si Rasmi Ah Uga Mid Noqday Ciidamada Dalka

    Hargeysa (HWN):- 126 arday oo ka mid ahaa dhallinyaradii ka soo aflaxday Barnaamijkii Shaqo qaran,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN):- 126 arday oo ka mid ahaa dhallinyaradii ka soo aflaxday Barnaamijkii Shaqo qaran,

ayaa si rasmi ah shalay uga mid noqday

Dhallinyaradan oo isugu jiray wiilal iyo hablo,ayaa waxaa munaasibad lagu soo bandhigayay ka mid noqoshada ciidamada Somaliland oo ay si rasmi ah ugu biireen waxaa ka soo qayb galay abbaanduulaha koobaad ee ciidanka qaranka Somaliland sarreeye guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale,taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Xasan Cali Cawad,saraakiil ka socday talisyada booliska ciidanka qaranka iyo asluubta.

Agaasimaha barnaamijka Shaqo qaran Mxamed Xuseen (Mu’addinka) oo ka hadlay dhallinyarada shalay sida rasmiga ah uga mid noqday ciidamada qaranka,asluubta iyo booliska,ayaa sheegay in ay tahay fursad aad qaali u ah oo ay qayrkood dheeryihiin isla markaana aanay wax fudud ahayn in ciidamada laga mid noqdo oo saraakiil la noqdo oo qaran loo shaqeeyo.

Waxaanu sheegay in dhallinyarada oo ka kooban 126 arday oo ka soo aflaxay barnaamijki shaqo qaran ee uu aasaasay Madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi in ay yihiin 112 wiilal ah iyo 14 hablood oo dhammaantood ka mid noqday ciidamada Millatariga,booliska iyo asluubta.

Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi. Runtii waa maalin taariikhiya oo qiimo badan oo ku suntanaan doonta taariikhdiina maalintii aad ku biirteen ciidamada qaranka,waxaa laga helaa qaran fursad shaqo ama aad sarkaal ku noqoto,cidla lagama helo waa wax aad dheertihiin qayrkiin,saraakiishuna way idiinka warrameen ciidanka iyo qiimaha uu leeyahay iyo waxa uu kaga duwan yahay bulshada inteeda kale,waxa ugu wayni waa karaamada,aadamahana waxaa ugu wanaagsan ee uu helaa waa karaamada iyo sharafta,intiina maanta(shalay) halkan joogwaa waxa weeye 114 wiilal ah iyo 12 hablood oo u diyaar ah in ay ku biiraan ciidamada Somaliland eek ala duwan ciidanka qaranka,booliska iyo asluubta.”

Waxaa isna halkaa ka hadlay abbaanduulaha koobaad ee ciidanka qaranka Somaliland Sarreye guuto Cabdirisaaq,waxaanu yidhi. "waxaynu isugu nimi xaflad qaaliya runtii oo ah sababtoo ah waa munaasibad loo qabtay dhallinyaro aqoon leh oo digrii ah oo u diyaar ah in ay ku biiraan ciidamada kala duwan ee qaranka sida ciidanka qaranka,booliska iyo asluubta, ugu horrayn waxaan idiin soo dhawaynaynaa si mug iyo miisaan eh aqoon nagu soo biiraysa,ayaad tihiin waxaanu idiin soo dhawaynayaa mar labaad sida loo soo dhaweeyo saraakiil ciidan oo ciidanka ku soo biiray.waxaanan idiin rejaynayaa in aad noqotaan kuwo ciidanka iyo dalkaba wax ku soo kordhiya oo aqoon soo kordhiya,mustaqbalkuna maaha maanta ee waa in berry laga fekero.”

Waxaa isna halkaa ka hadlay taliye ku xigeenka ciidanka asluubta Somaliland sarreeye guuto Xasan Cali Cawad oo ka hadlay qiimaha askarigu uu leeyahay iyo wuxuu kaga duwan yahay bulshada inteeda kale iyo in uu yahay mid xilli kasta u taagan samato bixinta dadkiisa iyo illaalinta dalkiisa oo heegan ah shaqadaas oo uu tilmaamay in ay gaar u tahay askariga oo ah qofka naftiisa u hura badbaadinta dadkiisa iyo dalkiisa.

 


Loading...
Loading...