"Waxii Wax Loogu Qaban Lahaa Umadda Inyar Ayay Ku Koobnaatay Oo Iyagu U Isticmaalay Dano gaar ah" Eng. Maxamed Xaashi

0
Tuesday October 08, 2019 - 16:19:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxii Wax Loogu Qaban Lahaa Umadda Inyar Ayay Ku Koobnaatay Oo Iyagu U Isticmaalay Dano gaar ah" Eng. Maxamed Xaashi

    Hargeysa(HWN)-Siyaasiga caanka ah Eng.Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sabaabta mushaharaadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN)-Siyaasiga caanka ah Eng.Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sabaabta mushaharaadka

loogu kordhin waayay shaqaalaha iyo ciidamada dawlada isaga dabadii ku macneeyay in dakhliga dawlada ee sare u sii kacaaya ay masuuliyiintu u isticmaalayaan dano iyaga u gaar ah. Waxa uu ku dhaliilay masuuliyiintii xilka uga danbeeyay in aanay lahayn dareen lagu daryeelayo dadka isla markaasna wax lagaga qabanaayo dhibaatooyinka dalka ka taagan. Eng, Maxamed Xaashi ayaa sidan u sheegay barnaamijka Maamul Wanaaga ee tilifishanka HCTV, waxaanu isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi "Waxii isoo galay wakhtigaygii iyo kuwii iga danbeeyay waxan ay ku faanaan ee ay leeyihiin intaas ayaan keenay in lays barbar dhigo intee dalka iyo dadka gasha intee daaro lagu dhistaaa, dhibaatadu waxay noqotay inay madaxdu wax gaar ah qabsadaan ileen lacag la’lama iman markaan dalka soo galnee, waxii wax loogu qaban lahaa umadda inyar ayay ku koobnaatay oo iyagu u isticmaalay dano gaar ah, lacagta ha korodhee maxay u qabatay dadweynaha maxaa laga faa’iday, maxaa baahidii lagaga baxay in dib loogu noqdo oo la eego haayad waliba waxay qaadato oo la eego waxay kordhisay iyo sida wax loo qaato, anigu waxaan xooga saarayay daynta oo aan bixiyo, dadkoo aan wax u kordhiyo waayo waxa wax qabanayaa waa dadka dadkaas hadaan la daryeelina arintu ma soconayso, fikradaydu waxay ahayd in daacadnimo lagu dhiso maamulka.”



Maxamed Xaashi wuxuu intaas raaciyay " waxa is waydiin ah waxan oo daar ah oo la dhisay qaarbaaba la dumiyay oo qaar ka sii dhaadheer laga dhisaye miyaa loo baahnaa, waxaynu u baahnayn daryeelka dadkeena iyo sidaynu wax ugu samayn lahayn, waxaan rabay marka laga tago boqolkaas aan kordhiyay in laysku eego waxa shaqaaluhu qaadanayo iyo nolasha qiimaheeda oo loo qiyaaso waxa ay ku noolaan karaan.” Waxa uu sharaxaad ka sii bixiyay dhibaatadu halka ay ka taagan tahay" waxaad ka soo qaadaa warshadii sibidhka, aniga oo wasaarada ganacsiga ah ayaa la yidhi warshadii sibidhka ayaa la samaynayaa gudidii ayaan markaas ka mid ahaa, warshada waxaan anigu soo jeediyay in aynu inagu saamiyo ka iibino dadkeena oo si siman looga iibiyo dabadeedna waxa la yidhi hebel iyo hebel ayaa leh oo lagu naas nuujinayaa, siday ku baaqatay sidaas ayay ahayd, khasaaraha ay inaga gaadhay warshaduna sidaas ayuu ahaa,imikadan waxa la wadaa Cumaani iyo mid Kuwayti ah ayaa ka qaybgalaaya waa keegaagii oo aad leedahay ciday ila cun, inagu waaan bixin karnaa lacagta lagu bixin karo oo 40 milyan lagu qiyaasayo.”

Loading...
Loading...