Geeri Jooji-Yaan Ahay ( Abdi-Shotaly) .

0
Thursday October 03, 2019 - 09:56:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geeri Jooji-Yaan Ahay ( Abdi-Shotaly) .

    Saaka halkan waxan doonayaa in aan ugu jawaabo, nin magaciisa ku sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saaka halkan waxan doonayaa in aan ugu jawaabo, nin magaciisa ku sheegay


 Maxamed Cheers, kaas oo gudcur gudaaya, isaga oo aan indhaha kala haynin, waayo haduu wax arkaayo, oo dhaayo furan yahay, weliba magac beeleed ku sujuudda, hadana ku af-gobaadsadda Somaliland baan gaadh ka hayaa, misana meel kale isku qaadaaya iyo wax uu dembebeso, isaga oo had iyo jeer qaybta fekredaha Hadhwanaag, wax ku hoos qora maqaaladda aan anigu leeyahay, iskuna qanciya in wax run ah sheegaayo, kana raran dhinac, oo xaqa iyo cadaaladda, sinaanta aan u dagaalamaayo been ka sheega, isaga oo si beelaysan u difaacaaya maamul xumidda askarta " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximan", ka indha la' xukunal-qarqooshka baabi'iyey wadankii, ee albaabadda isugu dhuftay, kuwaas oo cuqdad iyo colaadda reer gaar ahi madax martay, qaarna haday cirka soo gujiyaan, oo ay xaar walaaqdaan, weliba loogu sacab tumaayo. Waxan waydiinayaa nin-kaas aan kor ku sheegay, mee dalkii wadda socday ee kulmiye uu u dhiibay illaah raali ha ka ahaadee " Madax-weyne Daahir Riyaale Kaahin"? Sawkan bari oo dhami u galay Puntland, ee weliba la yidhi inta hadhay-na ha dareereen., colaaduhu ka bilaabmeen Sanaag isla maalintii kulmiye la wareegay xukunka, ee ay labadda askari iyo ka gafane la yidhaahaa ( malaha Gaafaadhi baad ugu yeedhaaye),  ilaa imikana shicibka loo been guuraayo. Yaa dalkii xaraashay ee ajaanib u gacan geliyey? Yaa ummadda isku direy ee reer-ba-reer qaniin-siiyey? Yaa boobka ku cadeeyey? hadana afka boodhka soo amrsanaaya? Yaa Xaramka ku marmarsooday oo ku balamay in ay hoosta wax uga soo saxeexaan Wasiiradda Maaliyadda iyo Arimaha debedda ee somaaliya, misna dafiraaya?

 

Aan isu kaa sheego aniguye, been kuma maaweeliyo sidaadda iyo qabyaalad ummadda, intaan go' shaal ah huwiyo, af-kana wax kale kama sheego aan sal iyo raad lahayn, meel cad oo aan madmadaw lahayn baan ku bayaamiyaa, in aan u sare kacay sinaan, wax wadda lahaansho, cadaalad, ummadda oo aan loo kal eexan, qaarna hoosta la soo gashan, darna colaad hoose lagu wado. waxa aad ku soo malmaluuqdo qaybta fekredaha ( Comments-ka), ee aad ku difaacdo labadda askari ee ah bal sheeg meel qudha oo uu kaad u naagay-naysaa uu fal ( Operation) ka sameeyey wakhtiggii SNM, sawkii marka rag is galo Xarshin u laxoox doonan jirey, adiga oo sidaas ah hostana reer hebel ku wata, in aniga oo u diriraaya in ay wax noqoto somaliland, tidhaado waad duminaysaa waa arin afka ka weyn, ee ma adiga oo eexdda, kala eriga, is nacsiinta beelaha, hanti boobka dalka lagu hayo taageeraaya baa, aniga is kay soo dul taagi kara, iga walla in aanad u soo dhawaan karin mayd-kayga runtii.

Isku soo duub oo waxan anigu ahay ( abdi-shotaly ahaan), hoos ka akhri, oo jooji beenta:-

 

Inan yahaw gob baan ahay, Gob-gob dhaaftay baan ahay,

Gobi sii dhashaan ahay, hooyaday gobaad baan,

Gosha aan ku seexdoo, goga aan ka nuugoo,

Garays-keedda huwadoo, guudkay-gu qaadoo,

I Gar-daadisee garo, Abtigayna Gobanimo

Galad aan cid kale helin, b aa lagu guneeyoo,
Ku gar-gaaray Eebbuhu, geedkaa saraan ahay,

Halyey gaara baan ahay, geesi dhaatay baan ahay,



Ragu golahu leeyahay, gadaal layma eegee,
Ka gudoomi-naayiyo, gadh-wadeenki baan ahay.

Martidoo gab soo tidhi, Bakhayl baa ka gaabshee,

Ninka gogol u fidiyee, qala goola-shaan ahay,

Gar hadii ay noqotana, halka ay u go'ay-siyo,

Gobodaan abaaraa, guurtidaa ka talisee,

 Gardaradda shakaashiyo,  ka gunaana-daan ahay,

Markay gacan timaadana, guusha oon hadhsada'iyo,

Guduntii af weynee, wax garaacdda baan ahay,

Gacalkay isaaqana, guula- heen ha daayee,

Garab-kaygi weeyaan, weligay ma gaasirin,

Gurgursha-hoodi baan ahay, halkaan cadaw ka gawriyo,

Ayey igula guuraan, gacan-taydi midig iyo,

Gaashaanki weeyaan, ma geyaana kala sooc.

 

Goob-yaalka xaajadda, kolka gacal is diidee,

Inba gees u boodee, galka seefta kala baxo,

Gurmad weerar kiciyiyo, guluf uu is dhaafee,

Googaa-laysi ay tahay, kaan godobta talinee,

Xaqa gaw ka siiyee, kala siiya gashigee,

Guri nabadda dejiyee, Gacan-taysu saaree,

Ku guntadda Wanaagee, gawraca xumaantiyo,

Ninka kala guraayiyo, geeri jooji-yaan ahay.


Adna gaab yar baad tahay, Gocor aad u liitoo,

Garashiyo aqoon-tiyo, ka goblamay dadnimadoo,

Gunta hoos ka sii xiga, ima gaadhi karay-side,

Sidda galawga qayshiyo, giriyaale fulay iyo,

Ciyaw galab baroor-tiyo, guduri baad la nooctoo,

Waa gedaad u hadashaye, abidkaa galaydh-yee,

Isku tuur Gelge-limaa, Gar yaqaan adoon noqon.

Uba dhalan gedaan ahay, Xaqa gaw ka siiyoo,

Gawskiisa Caabudin, ma gabade ilaah diray,

Ka gadooodda xumahoo, gacantana an loo qoyn,

Nina aanu gani karin, calooshii u guuxaw,

Geeda-haaga iska daaq, gunadaadda iska guro.

 

 Waxan ku soo af-meeray, qoraalkan, Nin-kaas sare ku yaal ee isku

Magacaabay Maxamed Cheers, waxan leeyahay, abdi-shotaly, siddii

uu illaah ku sheegay qawl-kiisa ee ku cad " Kitaabka quraanka ah",

baan daacad u ahay Cadaaladda, adna nin aanu isku ahyb nahay baa

Kursiga ku fadhiya baad daacad u tahay, markaas baad weliba hadlaysaa,

Halkii aad iska dili lahayd ama aad xaqa ku adimi lahayd, af janjeedha lahayde,

 Tolaay dambe oo Isaaqaw aad ku tidhaahaa kuma hadhin, oo adiga baa kala dilay,

ee aan eegno aayaha dambe iyo halka ay dhigto adiga iyo inaadeerkaa Xaar mujaahid " waa " Raggii ma adigaa ka hadhaye.

* N.B Calooshii u guuxaw, Geeda-haaga iska daaq.

  Abdi-Shotaly,

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...