Ceebay Tacaal Fadeexadda Al-jazeera Kashiftay ( Abdi-shotaly).

0
Tuesday March 19, 2019 - 17:02:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2090
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ceebay Tacaal Fadeexadda Al-jazeera Kashiftay ( Abdi-shotaly).

    Dhaaxaan jalaadaye dheg baan jalaq la ii siine, baa ka mid ahayd eryo mutiyeed hore loo tiriyey, Hadaba Waxan halkan idiinku soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaaxaan jalaadaye dheg baan jalaq la ii siine, baa ka mid ahayd eryo mutiyeed hore loo tiriyey, Hadaba Waxan halkan idiinku soo
gudbinayaa maanta, maqaalkan oo ka sheekay-naaya warar shaaca qaaday, oo habeen hore uu sii daysay, TV-ga caanka ah ee ka soo baxa Dalka Dooxa-Qadar, Barnaamij-kaas oo uu ku qaadaa-dhigaayo anshax-xumaanta hunguri, ee maamulka askrta xusbiga Kudhmiye iyo sidda ay dalkii u iibiyeen, iyaka oo ku jira fadhataysi aan la soo koobi karin, gacantana u geliyey Tuugta Carbeed ee la yidhaaho Imaaraadka. Mudo badan baan halkan ka soo gudbinaayey, sidda uu xaalka u dhacay, laakiin ummdda reer Somaliland, waxan is weydiiyey ma yihiin muwaadiniin dhab ah mise maaha? Hadaan anigu isu jawaabo " Ma Nihin Muwaadiniin, ee diinteenu iyo mabda'eenu, rasuul-keenu, iyo illaah aynu caabud-naaba waa reer hebel, haddii aanay sidaas ahayn, maxaa khalad loo qaban la'yahay, ee marka qof reer kale ka soo jeedaa, oo aan hayn ka kursiga boobay uu u difaacayaa?, isaga oo si wacan uga dheregsan halka xaal maraayo. qaar baa odhan doona hoosta qabyaalad ku haysta, Abdi-shotali diintii buu ka baxay ama wuu dambaabay, iyaka oo laf-toodu ah munaafi-qiin doonaaya in ay reer hebel ku maalaan ummadda waxoodda.

Somalidu waxa la yidhi been way sheegtaa, mase maah-maado'e, waxay yidhaaheen " Ninka soo joog laga waayo, soo jiif baa laga helaaye" wixii la dafiraayey ilaa 2010kii baa hadda cadceedda oo duhur ah, oo hadhku labadda gondood joogo, nina aanu dafiri karin ummadda horteedda, si mina-laahiye is keenay. Wuxu al-Jazeera kashifay qudhunkii la isku huursanaayey, sidda wax loo kala sariftay, ninba intuu qaatay, cidda sidda tuugani-madda ah loogu xaawishay. cidda denbi-gaas ka mansuulah, oo ay yidhaaheen, waxay yihiin:-

a) Baashe Moorgan oo uu siilaanyo Sodog u yahay, ahna ninka soo sameeyey xidhiidhka tuuga-nimadda ah ee dalka lagu dhacay.

(b) Xaaji musuq ( Waa beenaalaha la yidhaaho Maxamuud Xaashiye), wax ka xaaranti-maysanina aanay jirin, weliba sidaas ku doonaaya in uu kursiga isu soo sharaxo, hadiiba ay ka degaan askarta hunguria iyo xoolo boobka u ban baxay, inkaste oo aan la filayn in ay kursiga baneeyaan, hadaan qori caaraddii lagaga kicin.

((c) Askariga jaahilka ah, iimaanka la' ee la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo ka uu rasuulka u yahay ee Geenyo shaaximani. oo ul iyo lug-ba isugu taagay, siddii ay u boobi lahaayeen doorasho ku sheegtii macmalka ahayd.

( d) Ka la yidhaaho jano ka bood ( Waa Samaale'e), oo isagu ah kii la yidhi " From butcher to suldaan is very high jump" oo micana-heedu yahay " Hilible ilaa suldaan waa boodo weyn", waxan uga socdaa isaga oo ah iimaam buu yidhi siyaasi beenaale ah baan noqqnayaa" oo Kitaabkii inta uu xooray, ka doortay xaaran uu cuno.

(e) Siilaanyo Illaah caafimaad ha siiyo'e, baa waxa la soo hor taagay, guriggii loo dhisay, isaga oo aan ogayn, markaasuu yidhi "Gurigani muxuu ahaa? oo uu waydiiyey kuwii la socday oo uu ka mid ahaa Beenaale xaaji Musuq ( Maxamuud Xaashi), Waxay ugu jawaabeen waa gurigi-gaaggii, inta uu yaabay baa waxa uu yidhi " Oo maxaa lay lahaa ma jiro musuq-maasaq xoolihii ummadda lagu boobay?", Waxa laga ganciyey markuu yidhi gelimaayo, waxa kuu soo direy lacagta lagu dhisay inamadaadda." iska daacad buu ahaa, oo markii uu xanuun alle ku yimi, baa haad iyo habaqle-ba la bilili-qaystay meesha. ( Illaah caafimaad ha siiyo).

Waxan ku soo xidhay qoraalkan, Al-Jazeera waa idaacad iyo TV madax banaan oo caalamka u soo ban-dhiga, wax yaabaha qarsoon ama sidda khaldan loo isticmaalo, beenta la isu hoos geliyo, ummadaha la boobaayo, sidda maamul-Goboleedkan Somaliland, waa war-bahainta daaha ka rogta, oo ka sheegta xaqiiq-dda, debedana u soo saarta ceebaha la dedaayo, sidda tan dekedda Berbera iyo saldhiga laga siiyey Imaaraadka khaayimiinta ah garoonka diyaaradaha ee Berbera. Waxay si tafatiran hal-hal ugu qeexday, in ay imaaraadku dhalka dhaxal wareejiyeen, oo ay rabaana in ay dhamaan la wareegaan ilaha dhaqaale, iyaka oo laaluush aan yarayn kaga iibsanaaya, kuwa markaa sheegta in ay wax maamulaan, kuwaas oo ah ragga aan sare ku soo carrabaabay, oo ah khaayimiin isu baxday, dal-kana ka fara-qabsaday,iyaka oo 99.9% ay dadkii lahaa ay bakhti-yayaan, bal aan is waydiino'e , Tuuga Maxamuud Xaashi xagee buu ka keenay aqlaka uu ka dhistay Hargaysa? Waa ka-ka soo hor-jeedda ka Siilaanyo. Samaale sidee buu guriga u dhistay? Xahee buu ka helay lacag-taas?,1000 guri ee uu sheegto askariga ku amar ku taagleeyo meesha, ma aabihii buu ka dhaxalay?. Baashe moorgan waa milayan neere ma cirkaa rabbi uga soo riday? Waxan ku soo dabray maqaalkan, oo aan si weyn ugu mahad naqayaa TV-ga caalamiga ah ee Al-Jazeera, oo kuwii is diidsiin jirey runta, reer hebel ugu sacab tumaayey askarta iyo jeegaanta, indhaha kaga dhuftay xaqiiq-ddii dhabta ahayd, ee imikana weli miyey dafirayaan?.

* N.B Beeni Basar Daranaa, Beriba Waa La Baabi'ine!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...