Maxaad Ka Taqaan Ururka-Kursi-Dilaalka Ah (Abdi- Shotaly)?

0
Tuesday October 01, 2019 - 10:01:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Taqaan Ururka-Kursi-Dilaalka Ah (Abdi- Shotaly)?

    Akhristaw bal hadda ma la socotaa, waxa uu ka hadlaayo cinwaanka kor ku qorani ee maqaal-kani,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhristaw bal hadda ma la socotaa, waxa uu ka hadlaayo cinwaanka kor ku qorani ee maqaal-kani,
waxay ay yihiin iyo ujeedadda uu bayaaminaayo.

Ururka-kursi-dilaalka ah ee lagu magacaabo Ucid & xisbiga calancasta kulmiye horta aqoon ma u leedahay xidhiidhka ka dhexeeya ?

 

Ururka-kursi-dilaalka ah ee Ucid wuxuu cid u yahay xusbiga calancasta jeegaanta Kulmiye, oo u isticmaala ujeedooyin-kiisa ku salaysan kala qaybinta Ummadda reer Somaliland iyo coaald dhex dhiga.  isku day inaad fahamto waxa loo samaystay ee jiritaan-kiisuba yahay iyo sababaha loo adeegsado, baan hoos kuugu qayaxa-yaaye ku soo dhawaw.



(a) Jamaal Cali Xuseen, waxa loo adeeg-sday Urur-kaas- kursi-dilaalka ah eeuu ku shaqaysto keliggii taliyaha Faysal Zaad, oo waxa la yidhi adigu iska dhig mid isi soo sharaxaaya, oo Jamaal Cali Xuseen meesha ka saar, waayo wuxu kala jebinayaa Beesha Awal, oo haduu isi soo sharaxo, askariga la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay" soo bixi maayo ee ku muran, anakuna haddii aanu nahay maamulka askarta Kulmiye, amar baanu ku siinaynaa Maxakamadda in aad adigu leedahay Urur-kaas ( Waa Faysal Zaade), oo awood baanu kuugu meel mari-naynaa, iskana qaado wax yar oo dilaal ah oo aad ku maamusho waxan aad ugu yeedho Ucid, si aad dadka ugu sheegto in gudoomiyaha musharaxa ka ahi uu adiga yahay, Jamaal Cali Xuseena iskaga tago, siddii baana ay u dhacday.


(b)  Faysal Zaad waxa kale oo lagu masruufaa loona xil saaray, haddii aad kala jebiso beesha Garxajis, oo ay kuu hir-gasho, gunaddii lagu siin jirey waa laguu kordhinayaa, waxana aad ahaan doontaa urur aanu gacan wadaag leenahay, oo arimaha dhaqaalaha, siyaasadda, qabyaaladda baanu hoos ahaan kaaga taageeri doonaa, shuruudda lagu xidhay-na waxay tahay ama laga rabaa, in uu la safatokulmiye, marka ay is af-garan waayaan Maamulka Xusbiga Waddani, dacaayadana nagula afuuf baa la yidhi, oo dheh Waddani Waa Somali weyn, markaas sharciga uu ku shaqeeyo ururka Faysal Zaad waa sidaas oo aan caad inaga saarnayn.


(c) Nin kasta oo ka mid ahaa calancasta kulmiye, wuxu ka dhigtaa salaan uu kursiga ku fuulo ururka-dilaal-kaas isku magacaaba Ucid, tusaale hadaan ku siiyo waxa isticmaalay Siilaanyo, imikana waxa iska wata askarta meesha ubocdeeddii haadda u waddhay ee " Raggii ma adigaa ka hdhay iyo geenyo shaaximan".

 

Ma la socotaa wuxu ku soo baxay ururka-dilaalka-Ucid dorashadii ugu horaysay markii ururada la furay? 

 

Ururka Faysal Zaad wuxu dilaalay oo boob ku cadeeyey Ururkii la odhan jirey "Sahan" Ururkan oo Dr. Gaboose madaxa ka ahaa, wuxu codad ka helay 6-da Gobol ee S/land,  halka uu urur-dilaalka-Ucid codad ka helay degmada salaxlay iyo degmada M. Haybe ee Hargaysa oo kaliya. Aan weliba kuu sii fasilee


Urur-dilaalka-Ucid waxa wata ama gala dadka la isticmaalo. Waa Ku Shubo lacagah, kuna shaqee kolba inta laguu dhiibo ( Pay as go).


(1) Ninkii ugu horeeyay ee Urur-dilaalka-Ucid u samaystay in uu isticmaalo wuxu ahaa (Ihun) Madax-weynihii hore Maxxmed X Ibrahim Egal.


(2) Mar labaadkii waxa isticmaalay Madax-weynihii hore Daahir Riyaale Kaahin.


(3)  Mar sadexaadkii  isna waxa isticmaalay Madax-weynihii ku xigay Ahmed Siilaanyo.


(4) Ugu dambayn,  Sanadkii 2017 Waxa Si badheedha ah u isticmaalay Askariga dhegaha xidhan, ilaa hadana ku shaqaysta, oo cad-quudheedka loo tuuraa ay ku keliftay, in uu u ansixiyo boobka foodkii beenta ahaa ee lagu shubtay, ilayn kama hor iman karo oo waa af wax cunay xishooye, ilaa imikana la hor taagan " Haaheey" siddii islaantii odayggii Cahdays Ciise kadaba nacamin jirtey.

 

Waxan ku soo xidhay qoraalkan isaga ah, Urur-dilaalka-Ucid, waxay shaqa-diisa koowaad tahay, una xil saaran yahay horeyso iyo dambayso-ba, in uu mar kasta dilaalo kala jebinta Garxajis, taas baanu ku cano iyo nabad maalaa, waayo waa qayrul macquul in ruux saddex jeer isi soo sharaxay, oo ku guul daraystay, hadana weli ummaddii " Uf" ku tidhi hor taagan, miyaanay la yaab ahayn, u qaadan waa, af-kala-qaad iyo waali aan sal iyo xad dabaala mid-na aan lahayn, in qofka cayn-kaas ahi uu mar afraad yidhaaho doorsho baan u sharaxa-nahay, waxase ka sii daran, oo wax aan ku sheego garan waayey, kuwa durbaanka been-beenta ah u garaacaaya, ee khiyaaliga ku maaweeliya, weli rajo baad leedahay ku yidhaaha, kolba doorshadda soo socota baad wax heleysaana ku akhriya, ilayn caqli ma lahee, saw kuwaasi ma sii waala-yaan, ilayn way og yihiin in cid rabtaa aanay jirine.  Maaha Urur tartan ku jira ama raba in uu wadanka wax ka noqdo, ee waa lugooyo garxjis loo samaystay,  ummadda caqliga lihi ma gasho ee waxa u ehel ah, kuwa ku ceesha ii-dhib aan hebel kaa reebee, kuwaa oo ah dha-dhamo doon sidda Ramaax.


* N.B Dhan-dhamo Dhuun Raacnimo Dhereg Ma leh.

Qore:- Abdi-shotaly.

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...