'' Kaftanka Caawa , Shimbirro Qalad ''.W/Q: Axmed Nuur Guruje
Sheekaba sheeko ayay keentaaye horaantii Lixdamaadkii waxaa ka dhacday arladan Somaliland
busaarad aad u balaadhan oo keentay in dadki waxba iibsan kari waayo
, meceeshadda oo qaaliyowday iyo dadka oo dakhligiisu hoos u dhacay darteed ,
dabeeto waxay dhacday in magaalooyinka looga baxay busaaraddaas awgeed ,
waxaana loo bixiyey Bakayle qalad .
Hadaba sabankan oo sidaa waagaas wadanka busaarad kululi ka jirto ayaa waxaa inagu bilaabantay in Tuule waliba intuu miidiyaha isa soo taago yidhaahdo shimbiraa nasoo weeray , ka dibna isa soo tubo isagoo shimbiro uu soo laayay sita .
Waar ilayn oo ilayn , Shimbiruhu ma waxay noqdeen diyaaradihii xabashida mise kuwii faqasha , waar shimbirana wax masoo weerarine , ragga haadka saruurad baa u gaysay maa la ina yidhaahdo , waa shimbarro qaladoo waa la iska xil qarsanayaaye .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...