Horta Yaa Denbiga Dhigay ( Abdi-Shotaly)?
(1) Haw malayn, hana u faddhiyin in somaliland intay sidan tahay
meel gaadho.
(2) Doorasho xalaal ah yaan loo fadhiyin inta Labadda Asakri isu gees iyo
gafuurayaan Somaliland.
Akhristaw sababaha aan
u cuska-nayaa labadan qodob ee sare waxa weeye:-
(a) Guuritdda oo
diyaar u ah, una rixinaysa, dabadana u lusha maamulka askarta, una samaysa mudo
kordhin markas kaste, ilayn iyadda bay dani ugu jirtaa oo aan sharci ku
fadhiyini, imisa iyo labaatan sano bay meesha iska sii fadhidaa, oo ay iska hor
keen uun wadaa? Taas oo arimaha lagaga hadlaayo aan dheg u jalaqsiin. Bal is
weydiiya mee buuggii la yidhi ha la gubo, ee Cabdiraxmaan uu ku caayaayey
hablaha? Xagee buu ku dambaysay? saw qawda maqashii waxna haw qaban muu noqon?
(b) Komishanka oo isagu, kaba soo jeeddda, maamulka iyo inta ku xeeran, madax-diisuna tahay, qaybaha u xagli-naaya, maamulka, ee ay keentay-ba xukuumadu.
(c) Golaha xildhi-baanadda oo Iyana lagu yaqaan:-
(1c) In dhuunta loo qooyo, xaal-koodu yahay, " Faro Aan Dufan Lahayni Wax Ma Duugaan", ku shaqeeya, kuna xidhan kolba inta
loo dhiibo.
(2c) Iyaka oo u badan, kuwa ku ab-tirsadda xusbiga dalka rogay ee kulmiye,
tirana ah 62 Xildhiba-yaal ) Xilkii loo egmaday dhibay), lagu hoogay wixii ay
ummadu u xil saartay.
Hadaba muwaadin sidaas
oo ay tahay arintu, baa weli been la inoo sheegayaa, oo dhalaan habaabis iyo
maaweello lala taagan yahay suuqyadda, la doonaayo in raqabadda lagu hor
dhigo, oo mar kale xawdda lagaa dhameeyo, laakiin " sir ma qabe allay sahal" Baa la yidhiye, arintu muwaadin kolba
waa adigu sidda aad ka yeesho iyo isha lagaa arko, haddii aad is garab taagato
mucaaridka, wax wali-ba sidda aad doonayso bay u dhacaysaa, haddii-se
maanlin kaste kaadhka lagaa marsado, wallee Somaliland baa khatar ku jirta ( oo
hadda aan jirin-ba), ee adiga iyo dadnima-daadda bay ku xidhan tahay. waa aad
arkaysaa, oo kaama qarsoona sidda ay askartu kuugu badhee-dheen, ee reer hebel
laguula dagaalamaayo, hadana la isugu kaa qarinaayo Somaliland baad wax
yeelaysaa.
Intaa aan ku idhi dabadeed, bal hadda beryahan, iskuma aan deyine, ku soo
dhawaadda in yar oo mudo sii horeysay aan tiriyey:-
Dalkii kala dareeyaye,
horta yaa denbiga dhigay?
Inta daran ka sii daran, ka u daran dad moodooy,
Ka-daraad dugsnaysaa, dirigaad hambuudhiyo,
Midkii diifta ku badaad, weli daba ordaysaa,
Duufaan qabyaaladi, dirxi hoosta kaga jiro,
Kuu dareershay subax qudha,daad raacdda kugu wadhay,
Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,
Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.
Dugaag kuu xareeyaad, markuu dumiyey daartii ( Somaliland),
Daaqaddii la sii baxay, uu ka goostay daahii,
Dalagaad lahayd liqay, kaa dudubiyey hantiddii,
Digo kuu karkari-yaad, door hore ku bi'iyaad,
Maan-tana dul joogtaa, Ayaan daran in aad tahay,
Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,
Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.
Dameeruhu ku dhaamaan, dulinimo adeys baday,
Weli aan dareemayn, door-yaankan baraddii,
Ku dikaday libtaaddii iyo doogta kugu taal,
Nabaradda damqana-yiyo, darib-taadda kii cunay,
Inu dadabta kuu galay, ruux damiina mooyee,
Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,
Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.
Miyey dedentay xaajadu, sawkaa dad-keeni,
Dibnii sheeko daayeen, daali-miinta madaxdda ah,
Kuli loogu daw galay, dantoo-duun ka raacdee,
Kolkuu dabinka kuu xidhay, dar illaahay kaa tegay,
Mar kala-na I dooruu, weli kaa dal-banayaa,
Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,
Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.
Digtoonaadda shicib-yahayaw, intaan deylo lala tegin (Somaliland),
Darib-taadda jiidh-kiyo, dabool-kaagga haragiyo,
Dibnaa eebo lagu goyn, u dareerin Xamar iyo,
Darxuma-daad ogayd iyo, waxaad diiday beri hore,
Maantana dib ugu noqon, delde-laaddii waaggii,
Duuduub u madhiyaayey, duhur lagugu kala tegin.
Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,
Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.
Waxan ku soo xidhay qoraalkan, horaa soomalidu u tidhi, " Durbaan adigu garaaco, ama mid ku xigaa ha kuu garaaco", shaqadda uu askarigu ku shaqeeyaa waa taas, oo aan biyo is marin. Maxaa lagu haystaa Mukhtaar Cali Aadan, Ka la yidhaaho Saylici buu u xidhan yahaye, wax denbi ah oo uu sameeyey ma jirto, ee maqaal aan qorey buu dad u direy, oo lagu eedeeyey wuu faafiyey ( waan iska kaa rabaa saw maaha). miyaan mid-mid dhaamaa meesha joogin? balse Saaka oo oo ay taariikh-du tahay 29/09/2019, waxa maxagamadda ( ta rafcaanku Ku sheegu), horena tiro uma laha inta la iska xidh-xidhay, ee rrer hebel u xidhan iyaka oo wax denbi ah samaynin, qaar waxa soo eedeeyey inaadeerkii oo yidhi wax-bay iga googooyeen, oo lagu xukumay una xidhan yihiinilaa imika mudo sanad ah, weli sheeko iyo shaahid miyada ku maqasheen, shicib-shicib u xidhan, oo reer hebel weeye loo haysto, oo ay is xigaan askarigga ( Raggii ma adigaa ka hadhay), kii lahaa weeye, Goboladda bari nin aqoon lihi kama kicin, baa askariga laf-tiisa amar siiya. waa dhuuni raacyo, lagu masruufo, kolba inta uu reer hebel ka soo xidho, iyo been uu u soo macmalo, sharci meesha ma yaalo., ayaantii timaadaba denbi cusub baa loo siisameeyaa, oo aan hore u jirin ba alagu sii kordhiyaa, marka wixii hore u socon waayaan.
* N.B Dulinimo adays baday, iyo doogta kugu taal!
Waxaa Qoray Abdi-shotaly,
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!