Awoodda Saamaynta Halqabsiga Siyaasadeed: Dr. Galaydh.

0
Monday September 30, 2019 - 10:23:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Awoodda Saamaynta Halqabsiga Siyaasadeed: Dr. Galaydh.

    Siyaasiyiintu waxay isticmaalaan halkudhigyo iyo halqabsiyo siyaasadeed (Political Narrative).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiintu waxay isticmaalaan halkudhigyo iyo halqabsiyo siyaasadeed (Political Narrative). Halqabsiyadaas oo u jeedadoodu tahay inay ku jiheeyaan qaab-fikirka bulshada si ay u helaan bulsho hadafkooda taageerta.

 

Dr. Cali Khaliif Galaydh waa siyaasi iyo aqoonyahan ruugcaddaa ah. Wuxuu leeyahay astaamo ay adag tahay in hal qof laga wada helo. Astaamahaas waxa ka id ah, aqoonyahan, siyaasi, dhaqan yaqaan, aftahan, waa adkaysi badan yahay, waa nin dhiirran, waa dadaal badan yahay, waa ma quuste, waa khilaaf u joog, waa nin aargoosta, waa jab u joog, waa badow iyo ilbax isku dhafan oo hadba kuu la joogo la sheekaysan kara, iyo qaar kaloo badan.

 

Dr. Galaydh astaamihiisan tognaanta u badan inta badan dhnka siyaasadda kama midho dhaliyo.

 

"Senge qiimihiisii qurux buu ku doorsaday" Hadraawi.

 

Qormadan waxaan qalinka ugu qaatay inaan ku iftiimiyo sida Dr Galaydh u adeegsado halqabsiyada siyaasadeed iyo sida halqabsiyadaasi u beddelaan fikirka bulshada. Waxaan soo qaadanayaa laba halqabsi-siyaasadeed (Political Narratives)

 

1) LABADA MAAMUL EE HAREERAHA". Badhtamihii 2011 Dr Galaydh wuxuu degaannaduu ka soo jeedo ka bilaabay abaabul siyaasadeed oo la magac baxay Khaatumo. Si abaabulkaasi bulshada dhexdeeda uga tisqaaddo wuxuu dersay bulshaduu abaabulayo iyo qaab-fikirkooda. Waxa usoo baxay waxa ugu weyn ee lagu abaabuli karaa inay tahay in laga horgeeyo Somaliland oo dadkaasi ay u arkayeen inay degaannadoodii xoog ku qabsatay kana taliso. Dr. Galaydh isagu qof ahaan caqabadda ugu weyni ma ahayn Somaliland ee waxay ahayd Puntland, wayse adkayd in dadka lagu yidhaahdo cadowgiinna koowaad waa Punland. Dr. Galaydh wuxuu adeegsaday khibraddiisa siyaasadeed iyo tan aqooneed, waxaana u soo baxday inuu labada maamul isku selled/denbiil ku rido oo kay cadowga u yaqaanneen iyo kii kaleba kasoo qaado "dameer iyo labadiisa daan".

 

Dr Galaydh wuxuu si farshaxannimo leh u hal-abuuray odhaahda caanka noqotay ee "labada maamul ee hareeraha". Odhaahdani waxay xambaarsan tahay micne weyn. Nuxurka Dr Galaydh wuxuu ahaa inuu dadka ka dhaadhiciyo cadowga ina haysta (Somaliland) iskama xorayn karno ilaa aynu iska furfurno kan laba diblaha inoo haya ee gacmaha inaga xidhay oo aan ogolayn inaynu dhulkeenna xoraysanno. Fikirkaasi si fiican buu ugu hirgalay Dr Galaydh wuxuuna Dhulbahante badidiis ka dhaadhiciyey in cadowgooda koowaad yahay Puntland. Nasiib xumo ama nasiib wanaag waqtiga lagu jiro iyo duruufaha Soomaliya ka jira aawadeed uma suurto gelin Dr. Galaydh inuu Dhulbahante isagoo wata la galo Somaliland!

 

2) "SOMALILAND LA WADA LEEYAHAY". Dr. Galaydh markuu xaqiiqsaday inaan labada kornayl ee Hargeysa xukumaa diyaar u ahayn inay dhegeystaan heshiisyadii lagu soo xero-geliyey dhegahana ay ka furaysteen Dr Galaydh iyo Khaatumadiisii, wuxuu bilaabay abaabul siyaasadeed oo la baxay tabliiqii siyaasadda. Odhaahda tabliiqaas halqabsiga u ahayd waxay noqotay "Somaliland la wada leeyahay". Odhaahdani waxy noqotay halwqabsi xoog weyn oo lagaga hadaaqay dhammaan degaannada Somaliland iyo inta ay sheegatoba bari ilaa galbeed. Odhaahdani waxay dhinbiil dab ah ku noqotay labadii kornayl waa arrinta ugu weyn ee maanta welwelka ku haysa labadaas kornayl. Colaadda Ceel-afweyn, jabhadda Caarre, kacdoonada iyo colaadaha Awdal waxa Muuse Biixi maanta kaga welwel iyo walaac badan odhaahda "Somaliland la wada leeyahay".

 

Xisbiyadii mucaaradka ahaa, qabiilladii wax saluugsanaa, siyaasiga wax dhaliilaya, afmiinshaarka shaxaadka waaya, qofkii xil waaya, aradaygii deeq waxbarasho ka waaya, caaqilkii iyo isimkii dhabarka loo jeediyo, tuuladii ceel biyood loo qodi waayo, ganacsadihii cashuurta saluuga, qofkii qandaraas waaya, iyo qofkasta oo wax saluuga hadalkiisa wuxuu ka bilaabayaa ama gundhig u noqonaya waddankan dad gaar ah ayaa lagu naas nuujiyaa, looma sinna waxa loo baahan yahay "Somaliland la wada leeyahay".

 

Run ahaantii saluugga usinnaanta awoodda iyo dhaqaalahu weligeedba way ka jirtey Somaliland waana laga caban jirey, laakiin waxa cusub ee Dr Galaydh soo kordhiyey qof walbana carrabkiisa ku dhegtay si sahlanna loo wada qaatay nuxurkii oo dhanna xambaarsan waa halqabsiga micnihii oo dhan xambaarsan soona koobaya ee "SOMALILAND LA WADA LEEYAHAY".

Mohamoud Ibrahim (XAAJI).

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...