(Q 20aad E Barnamijka Hogaan Iyo Horumar Hogaamiyha Wanaagsan Iyo Wax-Barashada Q: 3AAD)

0
Monday September 30, 2019 - 10:05:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1019
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Q 20aad E Barnamijka Hogaan Iyo Horumar Hogaamiyha Wanaagsan Iyo Wax-Barashada Q: 3AAD)

    Gulaystayaal sida aynu wada ognahay Sanad walba waxa Qalin jabiya arday aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gulaystayaal sida aynu wada ognahay Sanad walba waxa Qalin jabiya arday aad
u badan o dalka wax ka baratay o dhalin yaro u badan laakin nasiib xumo shaqo mawada helaan si lamida inta yar e istidhaahda wax abuura o hal abuurnimo la kalaya waxaa hor yaala caqabado aad u badan o tiro beela o baahan siyaasad dawladeed o saxan si wax lo soo kordhiyo isla markaan horumar loo sameeyo.

Hadaba caqabadaha Haysta dhalinyaradaas waa:



1-      Shakhsigan qalinjabiyay waxaa ka dhadhacsan in qof magic leh sida wasiir ama suldaan amaba cid kale in ay tahay qofka shaqo gayn kara isaga oo awood u leh in u meel walba yacnii albaab walba galo ka dib xogtiisa iyo waxa u baratay iyo xirfadaha u leyahay so bandhigi kara si u dabaqo waxa u bartay.

2-      Dheerin galin la”aan jirta dhinaca dhalinyarada iyo in ay dhalinyaradu  xaga horumarka isku duubneen o qaar ba dhinac u jeedan.

3-      Nidaamka khaldan ee jira e ku dhisan eexda iyo cadaalad darada e dalkena ka jiraa waxay hoos u dhigtay dhalinyaro wax soo baratay kuwaas o ugu danbayn tahriiba.

4-      Qorshe la”aan jirta siiba xaga ardayda o ma jirto dadkaa badanaa wax qorshesan marka u jamacada dhameeyo waa dhalinyaradu sida ay U badanyihiin.

5-      Deganka oo aan ardayga waji fiican ku qabileen sababto ah dalkeena fursadaha ayaa aad uga yar marka aynu is barbar dhigno dawladaha geeska Africa.

6-      Ardaygii o iskoobaya yacnii aan ku fakeren in u meelo kale shaqooyin ka raadsado sida magaloyinka waa wayn ee geeska Africa sida muqdisho Nairobi addisaba iyo jabuuti.

7-      Waxaba xaqiiq In u is niyad jabiyo niyad jabkuna dhibka u nolosha kaga jiro waynu garanaynaa.

 

Ugu danbayna waxa jira qodobo kale o fara badan oo dadka samayn ku leh o shakhsiya O sigaara u samenaya.

Hadaba Hada wakhtigan aynu joogno wa wakhtigii isbadalka dhabta ah e ay hogaamin lahayen dhalinyaradu waxbaratay dalka inaga un bu ina sugayaa dhalin yarooy.

ALLA MAHAD LEH ALLA MAHAD LEH ALLA MAHAD LEH

BY: Mohammed Adam Hassan

Engineer and Politician Researcher And writer

Hogaan IYO Horumar.

DOORO HOGAAMIYE WANAAGSAN OO HORUMAR KEENI KARA IYO ISBADAL DUNIDANA INA GAADHSIIN KARA.

E-MAIL:  [email protected]

TWITTER: HON MOHAMED ADEN HASSAN.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...