Laba Dareen Oo Masaafo Fog Isku Jira.

0
Sunday September 29, 2019 - 10:23:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Dareen Oo Masaafo Fog Isku Jira.

    Indhaha intaan isku qabto ayaan isyidhaahda bal dareen qolooyinka muxaafadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Indhaha intaan isku qabto ayaan isyidhaahda bal dareen qolooyinka muxaafadka
ahi waxay dareemaan oo niyadaan galiyaan inaan muxaafad ahay, waxa isoo baxa "wax kasta waa sidii loogu talogalay, nimca fadhida, dhinac walba dalku wuu ka hagaagsan yihiin, dadku way ku wada qanacsan yihiin waxaan aad wadaan iyo sida dadka iyo dalkaba wax ugu qabanaysaa, marka kala qaadana waan waayaa wixii aan ku riyoonayey.

 

Mar kale mucaarad niyada galiyaa oo indhaha isku qabtaan si aan u dareemo waxa mucaaradku dareemaan, waxa isoo baxa "niyad jab, waxba ma yaalaan, dalku waa baaba’ayaa, waa la kala yaacaya, dadkii oo dhami way ka soo horjeedaan xukuumada iyo sida uu wax u waddo, dadku inagay ina wataan, hadii imika doorasho dhacdo 90% inaga helayna, dadkii way barteen dadkii beenta u sheegay, meesha waxba kuma hayo wuu is ogaaday inuu meel cidlo joogo”, marka indhaha kala furana wax ka duwan baan arkaa.



Hadaba labadda dareen wax aan ahayn bay dadku arkaan, dadkaana ka horeeya oo bartay dadkan indhaha isku haya ee mid waliba darafka kale joogo, markaasaan u mahad naqaa ilaahay mar haddii dadku midna ahayn labadda dhinac ee dantooda ka yaqaanaan qof wlba.

 

W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...