'' Kaftanka Maanta , Dark Jungle ''. W/Q: Axmed Nuur Guruje

0
Sunday September 29, 2019 - 10:08:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Kaftanka Maanta , Dark Jungle ''. W/Q: Axmed Nuur Guruje

    Sheekaba sheeko ayay keentaye , waxa la yidhi beribaa oday xikmad badan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekaba sheeko ayay keentaye , waxa la yidhi beribaa oday xikmad badan
oo la odhan jirey Muuse indha-yarre , guddi uu ku jirayna arrin lagga sugayay la waydiiyay inuu ka waramo halka wax u marayaan , dabeeto wuxuu ku jawaabay hal hayskan caanka noqday ee odhanaya '' Tallo waa iga gudcur'' .


Hadaba Waa halkaase aniga maanta kaftanku waa iga gudcur waxaanu igaga jiraa kayn madow ( Dark jungle ) sababto ah , siyaasaddii somaliland waxay iga gashay surin cidhoodhyoon oo aan ka saari kari waayay labba sababood labadaba .


1- Labba beelood oo shuraako ah , in ay shuraako sii ahaadaana ku adag .

2- Beel iyana meel gooniya taagan oo aan haysanin xulifo u dhiganta shuraakadda , tartana kula jirta .


Sidaa markay tahay laba siyadoo mid uun baa wax laggu xalin karaa , shuraakadda oo dhan kale uga wareegta , kaadhadhkana isku shaandhaysa ama kooxda gaarka u taagan oo jarre cusub degta , baabuur kalena soo fuusha .


Hassa yeeshee labadaa waddo midina ma muuqato , ciyaartu waxay socoto socoto oo socotana halkii 2017 ayuun bay saacaddu isa soo taagaysaa , halkaasna xanuunkeedu durba halkuu marayo waynu wada aragnaa

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...