Janankii Boobay Awoodiyo, Jeegaano Laba Jeeraa,Jeenigayna Marshay.

0
Tuesday March 19, 2019 - 09:58:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Janankii Boobay Awoodiyo, Jeegaano Laba Jeeraa,Jeenigayna Marshay.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,(A.S.C.W.R.W.B) SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,(A.S.C.W.R.W.B) SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA


1-Jirabaad weeye aduunkuyo,Juniyo Julaay,

Jananki boobay awada,Jeegano laba jeera,

Jeenigayna marshen,Jidna loo socon waaye,

Jaleeco bal qiyaasa,dhamaan waa isku jaad.

2-Jibadii lixdankii,Jahbadeenii ka danbaysayee,

Jiniyo jaanku afduube,Jeer danbun la ogaday,

Inay jiidhay qabyaalad,Jacayla looba aroosin,

Jidgooyooyin jireennoo,Laysu jaakidhayey.

3-Jaarkii ruuxna ma doorto,Jibaarkaa kula beera,

Jabkeena duul ka shaqeeya,Jidh islaamba lahayn,

Jeldigoodu isdoorsho,Jirjiroole sidiisa,Sacadi jidhifaysta,

Jaho loogu hagaagiyo,Jidiyo ceel bal u saara.

4-Jirka soo gudgudye,Jibinti gurxantay,Jiifka fiinti gamayn.

Jiridii gunti buuri,Jeesaskii gobolka,Jacayalbay gelisayo,

Joogsan waa gurmadkoodi,Janjeedhayee guracnaayoo,

Jaanqaadkaa socodkoodee,Jilicsanba gees u maroora.

ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...