Mucjisooyinka Cirka iyo Hawada Sare

0
Monday September 23, 2019 - 08:41:17 in Articles by
  • Visits: 1936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucjisooyinka Cirka iyo Hawada Sare

    Habeen madaw oo cirku bilaa daruuryahay samada ma eegtay? Ma aragtay samada oo wada dhalaalaysa, xiddigaha ifayaa qurxiyeen, qaabkooduna sida ciirta yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habeen madaw oo cirku bilaa daruuryahay samada ma eegtay? Ma aragtay samada oo wada dhalaalaysa, xiddigaha ifayaa qurxiyeen, qaabkooduna sida ciirta yahay.
Habeen madaw oo cirku bilaa daruuryahay samada ma eegtay? Ma aragtay samada oo wada dhalaalaysa, xiddigaha ifayaa qurxiyeen, qaabkooduna sida ciirta yahay. Waxaad dheehanaysaa cirka oo guud ahaan ba ay xiddigo dabooleen. Xattaa, waxaad arkaysaa waran-cireed gees-ka-gees cirka dhexdiisa u jarmaadaya isagoo ilays xooggan dabada ka sii daynaya. Rumayso ama ha rumaysan! Tani waxay ina tusaysaa quwadda Eebbe, iyo hab-xidigeedka cirka "Galaxies". Boqolaal sano hortood, Somalidu waxay isticmaali jireen qaab dhismeed ay xiddigaha qaar u magacaabi jireen, Awrka-cirka, Laxaha, Xiddiga-Woqooyi iyo Nin-la-gigay. 


Kumanaan sano hortoodna ciryaqayaanadu waxay sahamin iyo magacaabid ku wadeen abla-ablaynta hab-xiddigeedka cirka "Galaxies".  Hadaba, habka xidiguhu isku raacraacsanyihiin, qaab ahaana ay inoogu egyihiin, uguna magac bixinay, saynisyahanada ku xeeldheer hawada sare waxay ku qeexeen, "Waxay ka koobanyihiin koox xiddigo ah oo cuf-is-jiidad xooggani ka dhexeeyo, hawo, iyo walxo saxaro ah oo isku tegay yagleelan.  Waxa uu nuugaa am soo kaahaa tamar ilays oo inagu soo gaadha hab mawjadeed (waves) iyo kaahid" Tobanaan sano hortood, saynisyahanadu waxay aaminsanaayeen in hab xidigeedka ay kamid yihiin dululaatiga madaw ee barbar ah xiddigaha ilayskoodu soo kaahayo. 

Si kastaba ha ahaate, innagu mucjiso ahaan ayeynu u aragnaa hab xidigeedkan, sababtoo ah,  markasta oo cirka iyo hawada sare aynu aqoontooda sii barano waxaynu ogaanaynaa awoodaha Alle ee aynaan dhaadanayn ama inaga qarsoon, xiddiguhu waxay cirka u yihiin qurux. Shayaadiinta waxay ku yihiin madaafiic Alle ku soo gano, dadkana waxay u yihiin tilmaan iyo in ay jihooyinka iyo xilliyada ku aqoonsadaan. 

Sadam Osman Kaabash 
Biomedical scientist
Hargeisa, Somaliland
Degmada: Maxamed Mooge.
Tell: 0636994999
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...