Ramaax Oo Ka Dayriyay Xaaladda Ay Somaliland Gashay

0
Monday September 23, 2019 - 08:27:50 in News by
  • Visits: 2352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ramaax Oo Ka Dayriyay Xaaladda Ay Somaliland Gashay

    haddii ay tahay xaga nabadgalyada, waa dabaqadii dhexe ee dalkan dhaqaalaha u ahayd, ayaa ugu badna dadkaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

haddii ay tahay xaga nabadgalyada, waa dabaqadii dhexe ee dalkan dhaqaalaha u ahayd, ayaa ugu badna dadkaas

Xoghayaha Arriamha Guddaha ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu sheegay inay sharciga, shuruucda iyo dastuurka dalka ay jabinayso, isla markaana ay sabab la’aan u xidhayso Xildhibaanada iyo Saxaafadda, waxaanu sheegay in 1500 qoys oo ka tirsan Dabaqada dhexe oo u dhashay Somaliland inay dalka ka guureen oo dalka Turkiga ay guryo ka iibsadeen.

Xoghayaha Arriamha Guddaha ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Runtii waxyaabo badan oo aad uga naxdo ayaad arkaysaa, oo aan hore dalka uga dhici jirin, marka aan ku idhaahdo maanta Hargeysa 1500 oo qoys oo ka guuray oo dabaqadii dhexe ah oo u guuray Turkiga, oo qurbo ajaanib ah, hijrada intaas leeg aniga micno gaar ah ayey ii saamaynaysaa, haddii ay tahay xagii dhaqaalaha, haddii ay tahay baqdinta dadka gashay, haddii ay tahay xaga nabadgalyada, waa dabaqadii dhexe ee dalkan dhaqaalaha u ahayd, ayaa ugu badna dadkaas maanta guryaha ka iibsanaya Turkiga, ilaa iyo 1500 oo guri oo Hargeysa ah oo sanad walba oo qofku ku isticamaalayey marka ugu yaraado konton kun ilaa boqol kun oo doolar oo uu magaalada dhex galinaayey runtii markuu ula guuray qurbe, dhaqaale ahaan siday inoo saameynayso”.

Mar uu ka hadlaayey xaalada Ceel-afweyn, Suxufiyiin iyo Xildhibaano la xidh-xidhay ayaa yidhi "Waanu dareensanahay, xaalada nabadgalyo ee ka soo noq-noqonaysa Gobolka Sanaag, khaasatan Degmada Ceel-afweyn, waa masuuliyad saarnayd Xukuumadda, oo ay ku guuldaraystay, dhaliishadeena ay leedahay, dhana aanay isku dhaafi karin, ku xad gudubka xuquuqda Saxafaada ha noqoto, waxaad arkaysaa wariyayaal badan oo ka haajiray dalkii, qaar dambi lagu soo oogay oo dambilayaali wey jiraan, oo ku qaylo darsanaya, haddana runtii ma fiicna waxyaabaha muuqda, haddii ay tahay Xildhibanada ugu dambeeyey ee Boorama lagu xidhxidhay, haddii ay tahay kuwii ka horeeye ee Gabiley lagu xidhay, haddii ay tahay kuwii ka horeeyey ee Oodweyne laga soo xidhxidhay, xitta waxay ku tusinaysaa haddii uu qofku khalad galo, qaabkii loo wajaihi lahaa in aan loo wajaajahayn, oo aanay Xukuumaddu u wajaahayn ee ay ku tumanayso Sharciyadii, Dastuurkii iyo Qaynuunkii dalka u yaalay, aad mooda inay Xukuumad ahaan ay baalmarsan tahay, waxyabaahas ayaan runtii keentay in dadka warwar weyni galo”.

Ramaaxo oo ka hadlay Dalwadda hoose Hargeysa ayaa yidhi"Xukuumadda maanta ka dhisan Dawladda Kulmiye, ee uu Madaxweynuhu hogaaminayaa, wey ku guuldarstay haddii ay tahay Dawladdihii hoose iyo haddii ay tahay Wasaaradihii iyo Hay’addihii kale ee Dawliga ahaa inay gutaan waajibaadkii ay u hayeen dadka, waa nasiib daro in Hargeysa dhexdeeda markaad soconayso waxaad arkaysaa inay waddo waliba daloosho, Gadiid badana bay Dawladda hoose leedahay, waxayna Gaadiidkeedii ka kiraysan yahay Waddada la dhisayo ee Berbera Burco, Berbera Hargeysa, ayuu gaadiidkoodii ka shaqeeynayaa waana nasiib daro, iyado magaaldii xaqa u lahayd ay u baahan tahay, meelaha qaarkood ayey ceel ka dilaaceen, lawadh ciido oo lagu shubo ayey u baahnaayeen, xil gudusho la’aantaasi aanay xilkoodii gudunaynin, iyagoo sharci daro ku fadhiya, haddana shaqadii ay umadda u ahayeen anaay qabanaynin, kaligood dhaliil kuma ah ee Xukuumaddana waa ku dhaliil, Xisbiyada Mucaaradkuna waa inay ka hadlaan oo ay sheegaan”

 


Loading...
Loading...