Wasiirka Khaarajiga Oo Sheegay Inaanay Soomaliya Diyaar U Ahayn Wada Hadalada Somaliland

0 in News by
  • Visits: 1574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Khaarajiga Oo Sheegay Inaanay Soomaliya Diyaar U Ahayn Wada Hadalada Somaliland

    Wasiirka Khaarajiga Oo Sheegay Inaanay Soomaliya Diyaar U Ahayn Wada Hadalada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Khaarajiga Oo Sheegay Inaanay Soomaliya Diyaar U Ahayn Wada Hadalada Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay inaanay dawladda Soomaaliya diyaar u ahayn wada hadal.

Wasiir Faratoon oo u waramay Geeska Afrika, wuxuu dalalka caalamka ku canaantay inay ka gaabiyeen aqoonsiga Somaliland, waxaanu ugu horayn isagoo ka hadlaya wada hadalada uu yidhi "Mawqifka aynu ka taagan nahay, weynu muujinay, oo qodobo ayeynu ka soo saarnay, weyna jiraan wadamo badan oo xiisaynaya in labada Dal wada hadlaan,balse ilaa hadda Somaliya ayaan u muuqan inay diyaar u tahay wada hadalada, waxaana jira Wadamo badan oo xaqiiqada og oo doonaya in Somaliland madax banaanideeda ku teegaraan, si aqoonsigeeda u hesho, inaguna dadaal baynu ugu jirnaa iyo inaynu helno aqoonsi caalamiya”.

Wasiir Faratoon oo ka hadlaya xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka ayaa yidhi "Adduunku wuu ka gaabiyey wixii waajibkooda ahaa oo ah inaynu ka helno aqoonsiga oo aynu xaq ugu leenahay,madaama aynu nahay dal jira, oo ka mid ah Caalamka, inagoo si kastaba oo aynu u muujinay qadiyadeena, habeen iyo maalinba waxaynu ugu jirnaa dadaal iyo orodba sidii aynu cid walba ugu qancin lahayn madax banaanideena, dawladnimadeena iyo inaynu Somaliya kala nahay laba dal oo jaara ah, oo kala nidaam iyo kala hadaf ah”.


Loading...
Loading...