Nin is lahaa ka yaabi saaxiibtaa oo biyo hoostood guur uga dalbo oo ku dhintay biyo-cab: SAWIRRO
Nin Mareykan ah oo lagu magacaabo Steven Weber ayaa dalka Tanzania ku geeriyooday kadib markii uu is
Nin Mareykan ah oo lagu magacaabo Steven Weber ayaa dalka Tanzania ku geeriyooday kadib markii uu is lahaa ka yaabi saaxiibtaa oo biyo hoostood guur uga dalbo uu ku dhintay shil biyo-cab oo biyaha hoostoodo ah.
Film ay saaxiibtiis Kenesha Antoine ka duubtay xilliga ay dhacdadani dhaceysay ayaa waxaa lasoo dhigay baraha bulshada, waxaana ay ku sugnaayeen goob loo dalxiis tago oo lagu magacaabo The Manta Resort islamarkaana dalkaasi Tanzania ku taal, iyadoona dhacdadu dhacday 19-kii bishan September.
Dalxiis afar maalin ah ayay goobtaasi u tageen, balse waxa ay kala soo kulmeen shil uu mid ka mid ah lamaanaha uu naftiisa ku waayo.
Filmka ay saaxiibaddu ka duubtay Steven ayay ku leedahay waan ku guursanayaan malyan jeer kadib markii uu biyaha hoostooda uu kusoo bandhigay waraaq uu guur uga dalbanayo.
Safaaradda Mareykanka ee dalka Tanzania ayaa xaqiijisay geerida Steven Weber.
Loading...
Loading...