Muuse Biixi Iyo Talada Dalka In Shisheeye La Rumaysto "Qaybtii 64aad"Qore Maxamed Xoosh

0
Monday March 18, 2019 - 19:18:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Talada Dalka In Shisheeye La Rumaysto "Qaybtii 64aad"Qore Maxamed Xoosh

    Taariikhiyan waxa la sheegaa in dadka reer Somaliland u dhaga nugulaayeen warka shisheeyaha "imikana Warbaahinta Dibeda "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhiyan waxa la sheegaa in dadka reer Somaliland u dhaga nugulaayeen warka shisheeyaha "imikana Warbaahinta Dibeda "

Shaki kama taagna in dadka reer Somaliland dhisteen Dawlad Dimuqraadi ah oo dawladaha bariga dhexe iyo afrika ku riyoonayaan in gaadhaan , Waxaase ka xumahay in dadkayga ilaa WARBAAHIN SHISHEEYE AHI u sheegto mooyee aanay iyagu rumaysnayn inaynu talaabo weyn qaadnay Amar alle waa kalsoonidii aynu isku qabnay oo dhexdeena luntay



Halkaa shacabku wuxuu kala mid yahay qof isagu aan waxba kala saarayn oo wax waliba iskugu mid yihiin keliya wax rumaysta marka qof ka buruud weyni u sheego


Warbaahinta Dawladaha shisheeye wey kala duwan yihiin oo runta wey u kala dhawyihiin waxa hormood u ah kuwa reer galbeedka oo qarniyo badan jiray oo si xirfad leh oo caadifadi ka maqan tahay wax u falanqeeya waxaase jira iyaduna mid galbeedka laga leeyahay oo xaqiiqada qarisa ama Agenda gaar ah wadata.


Waxaan aad ula yaabaa in la dhagaysto warbaahin ka soo baxda "Aljazeera iyo qaar kale" Dawlado aan xor ahayn , shacabkoodu aanu weli wax dooran, barlamaan ma leh, Xisbiyo ma jiraan, Nin keliya ayaa xukuma , Dawlado hoose iyo doorasha ma leh, warbaahin xor ah ma leh muwaadinku ma caban karo….


Maanta hantida iyo rasi-maalka dadkayga iyo dalkaygu waa KALSOONIDA aynu ku qabno Jamhuuriyada Somaliland waxaan dadkayga qaban in loo sheego sidaynu wadankeena u maamulaynu iyo cida aynu la xidhiidhayno iyo waxa inoo dan ah


Aljazeera Jamhuuriyada Somaliland waxay u taqaan Gobol ka mid ah Soomaaliyada aan dawlad lahayn,


Waxaad se ogaataan Muwaadinka Qadar u dhashay nolol fiican wuu ku noolyahay balse XORIYAD LOOMA OGOLA waxba ma doorto lama doorto, xisbiyo ma leh, barlamaan majiro, Nin keliya ayaa xukunta ilaa uu gaboobaayo, warbaahin madaxbanaan ma soo hadal qaadi karto warka gudaha….


Anigoo waxaasoo xoriyad iyo dimuqraadiyad ah dheer ninka yidhi waa xagii hadraawiye

"Nin Ku Yidhi Sinaan Mayno Adna Diid Sareyntiisa, Sadka Waad Wadaagtaane"

Maalinta aynu kalsooni buuxda isku qabno ayuu ictiraafku imanayaa, Imika kalsooni badan ayaa jirta balse ma buuxdo

Alla ayaa mahad leh

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...