Qayladda Dad Muumini Dhayal Uma Qarsoonto (Abdi-Shotaly)!

0
Monday March 18, 2019 - 19:09:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qayladda Dad Muumini Dhayal Uma Qarsoonto (Abdi-Shotaly)!

    Heestan waxa leh oo ay murti-diisii tahay, illaah ha ka waraabiyo janadiisa'e fardawsa'e (IHUN) Cali Sugule Dun carbeed,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heestan waxa leh oo ay murti-diisii tahay, illaah ha ka waraabiyo janadiisa'e fardawsa'e (IHUN) Cali Sugule Dun carbeed,

waa hees qaaliya oo ka hadlaysa, waxa ku dhaca ama uu la kulmo, ruuxa hantidda ummadan masaakiinta ah ku takri falaa, ee aan if iyo aakhiro midna aan dan ka lahayni sidda askartan iyo caydha ku xeerani, ee siddii ayaxa ku dikaday dalkii iyo dad-kiiba, waa murti aad u qiimo badan, taas oo ahayd wakhti-yaddii ay Ina Catoosh ( waa kii la odhan jire C/risaaq Xaaji xuseene), markii uu ra'isal wasaaraha isku sheegi jirey kii majeerteen, wixii la odhan jirey Somalia, Aadan-cade-na oo ahaa ujeejeena uu madax-weyne sheegan jirey, wakhti-yadaas oo ahaa 1964-1967kii, laakiin muwaadin ay taagan tahay hadda, wax-yaabha uu abwaanku ku muujinaayo heesta, oo ay qaado Hibo Mohamed ( HIbo Nuura)


(1) Qayladda dad muumini,
Dhayal uma qarsoontoo,
Qadhaadh yimi macaankii,
Quud-sadaa xasuutee,
Nin agoon ku xady qalin,
Qayr kama macaahee,
.............................. .........
(2) Xaqu in aanu qaran jabin,
Quraankaa caddeeyee,
Dadkan qeybki kii cunay,
Yey ku maqantay qaanniye,
Rag baan qooma-miyo ciil.
Ayaamaa qadaynine,

.............................. .......................

(3) Shacbiy-adda quruumuu,

Qadarkay ururi-yeen,

Ninka qyadka saartee,
U qorsheeystay kelidii,
Wakhti ay ku qaraxdaba
Qaaxo kama fogaadee.

.............................. .........

(4) Annaa qawl leh kii yidhi,
’ Qallayl-kaad ku madhinoo’,
Qadar kugu maqnaa baa,
Kugu qoon dillaacee,
Qosolkii hablaha iyo
Maad mahadin Qaadkee,

.............................. ..........

(5) Wadaadda qabuuraha,

Qaxwe kula wareegoo,

Islaamaha qaraabadda,

Kolba qaar u yeedhee,

Illaahay wuxuu qorey,

Baajin waa quraan-kuye.

Waxan ku soo dabray maqaalkan heesta ah, ee aynu ka dhaxalay (IHUN) Cali Sugule, in arimaha uu ka hadlaayey goor-taas, aan sare ku soo sheegay, ay kun jeer ka daran tahay maanta, oo uu askariga cawarani xalaalaystay hantiddii ummadda, Qaarna ay uba haystaan in uu ka sii udan yahay, (CSW) Rasuul-keenii Maxamed ahaa. kuwo kale-na ayba caabudaan ( Calaashaan- isku reer baanu nahay), caruurtii iyo maataddii waxooddii ay u tashadeen caydh ku soo dareertay. Haddii aad akhrideen heestan, oo aad isbarbar dhigtaan, waxa uu abwaanku ku cadeeyey wakhti-gaas, iyo waxa imika soconaaya waad ii garaabi doon-taa. Su'aasha aan ku soo xidhayaa waxa weeye " Ummadu wax ma ku qaadanaysaa mise waaba ay sii boqri doonaan Tuugtan isi soo urursatay? Jawaabtu aday kuu taalaa, ee ama ka tali aaya-haaga, ama xabaasha sdigu isku rid.

* N.B Wakhti ay ku qaraxda-ba, qaaxo kama fogaato.

Qore:- Abdi-shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...