Fanaanad Uu Baarlamaanka Kenya Ka Codsaday In Ay Dhar Asturan Xidhato

0
Friday September 20, 2019 - 13:09:19 in News by
  • Visits: 4023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaanad Uu Baarlamaanka Kenya Ka Codsaday In Ay Dhar Asturan Xidhato

    baarlamaanka waddanka kenya ayay qorshaheedu ahaa in ay khudbad u jeediso, waxaana lagu amray in ay lugaheeda qariso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

baarlamaanka waddanka kenya ayay qorshaheedu ahaa in ay khudbad u jeediso, waxaana lagu amray in ay lugaheeda qariso

Haweeney fannaanad ah oo goonno aad u gaaban xidhnayd ayaa amar lagu siiyay inay lugaheeda qaawan ay qariso,xilli ay damacsaneyd inay booqato, khudbadna ka hor jeediso aqalka baarlamaanka ee Kenya.

Gabadhan oo lagu magacaabo Akothee ayaa golaha sharci dajinta u dagtay si ay ula hadasho siyaaiyiinta, ayna ugu boorriso inay kordhiyaan dadaalka loo sameynayo sidii loo caawin lahaa dad tiradooda lagu qiyaasay hal malyan oo ay abaaro ba’an ku saameeyeen Gobolka Turkana ee ku yaalla waqooyiga-bari ee Kenya.

Qaar ka mid ah jaraa’idka ugu caansan waddanka, oo uu ka mid yahay wargeyska The Star ayaa shaaciyay sawirrada muujinaya dharkii ay horay u qabtay fannaanadda iyo sidii ay markii dambe isbaddalka u sameysay.

Sidoo kale waxay qudheeda barteed Instagram-ka soo dhigtay sawirradaas.



Loading...
Loading...