Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Oo U Hanjabay Hogaamiyaha Mucaaradka Oo Dalka Ka Maqan

0
Friday September 20, 2019 - 13:01:36 in News by
  • Visits: 1514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Oo U Hanjabay Hogaamiyaha Mucaaradka Oo Dalka Ka Maqan

    Waxaa uu hadalkan ka jeediyay xilli munaasabad duco ah lagu qabtay aqalka madaxtooyada ee magaalada Juba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa uu hadalkan ka jeediyay xilli munaasabad duco ah lagu qabtay aqalka madaxtooyada ee magaalada Juba.

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed ayaa ku hanjabay inuu sameyn doono dowlad isbaheysi ah iyadoo aan loo baahnaan doonin hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar waa haddii sida ugu dhaqasiyaha badan uusan dalka dib ugu soo laaban.

"Waxaan idiin ballan qaadaya in bisha Nofeembar aan sameyn doono dowlad isbaheysi ah waa haddii mucaaradka hubeysan aysan u diyaar u aheyn sameynta dowladda" ayuu yiri Kiir.

Waxaa uu hadalkan ka jeediyay xilli munaasabad duco ah lagu qabtay aqalka madaxtooyada ee magaalada Juba.

Heshiiska ay kala saxiixdeen dowladda iyo mucaaradka ayaa lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye ee shanta sanno ka taagnaa Suudaanta Koonfureed kaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof halka malaayin kale ay guryahooda ka barakaceen.

Toddobaadkii lasoo dhaafay waxay labada dhinac kulan ku yeesheen magaalada Juba, waxay sheegeen in horumar laga gaaray hirgelinta dowlad isbaheysiga inkasta oo ay jiraan arrimo dhowr ah oo u baahan in la xalliyo.

BBCSOMALI
Loading...
Loading...