Murashax Isaga Oo Xabsiga Ku Jira Gaadhay Wareegii U Danbeeyay Ee Doorashada Tunisia

0
Friday September 20, 2019 - 12:59:25 in News by
  • Visits: 1827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashax Isaga Oo Xabsiga Ku Jira Gaadhay Wareegii U Danbeeyay Ee Doorashada Tunisia

    Nabil Karoui, wuxuu horraantii bishan bilaabay inuu cuntada ka soomo si uu xoriyaddiisa dib u helo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabil Karoui, wuxuu horraantii bishan bilaabay inuu cuntada ka soomo si uu xoriyaddiisa dib u helo.

Musharraxa doorashada madaxtinimo ee dalka Tunisia oo gaaray wareegii ugu dambeeyay ee doorashada isaga oo ku jiro xabsi ayaa ku guuldareystay racfaan uu ka qaatay xukunkaas si loo sii daayo.

Nabil Karoui oo 56 jir ah ayaa xabsaga la dhigay bishii lasoo dhaafay kaddib markii loo heystay dacwad isdaba marin lacageed ah iyo musuq maasuq dhanka canshuur bixinta ah.

Ninkan oo meel ka gaaray xirfadda warbaahinta ayaanan loo ogoleyn inuu codeeo balse waxaa uu gaaray wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada la filayo inay Tunisia ka dhacdo bisha dambe.

Arbacadii garsooraha maxakamadda ayaa diiday inuu ka go'aan ka gaaro arrinta ninkan xiran maadama uusan isaga kaliya ah go'aanka laheyn.

Nabil Karoui, wuxuu horraantii bishan bilaabay inuu cuntada ka soomo si uu xoriyaddiisa dib u helo.

Kamel Bin Mascuud oo ah qareenka siyaasigan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in go'aanka ay si weyn uga hor imanaayaan isla markaasna ay dadaal u galayaan sidii loo sii deyn lahaa Nabil.

Nabil weliggiis, ma uusan qaban xil siyaasadeed balse waxaa uu sameeyay barnaamij tabarucaad ah oo uu kula dagaalamayo macluusha taas oo kamid aheyd ololihiisa doorashada.

Dadka dhaleeceeya siyaasaddiisa, waxay ku eedeeyeen in barnaamijkaas iyo telefiishiinkiisa uu ku fulinayay ololihiisa siyaasadeed.

Source: Bbcsomali


Loading...
Loading...