Maxay Yihiin Howlaha Horyaalla Safiirka Soomaaliya Ee Mareykanka?
Cali Shariif Axmed ayaa horay loogu magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka.
Bayaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiir Cali Shariif uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga danaha labada dal.
Cali Shariif ayaa horey usoo noqday safiirka Soomaaliya u fadhin jiray dalalka Itoobiya iyo Faransiiska ayaa wareysi uu BBC-da siiyay waxaa uu kaga hadlay waxyaabihii ay ka wadahadleen.
"Waxaan ka wada hadalnay cilaaqadka Mareykanka iyo Soomaaliya oo sii xoogeysanayay iyo in uu Trump aad ugu faraxsan yahay dedaalka aan ku jirno dowlad ahaan iyo meesha ay wax inoo marayaan, diyaarna uu inoo yahay in uu ina garab istaago", ayuu yiri safiir Cali Shariif.
Soomaaliya oo kamid ahayd dalalkii uu Mareykanka ku daray liiska xanibaada ee laga mamnuucay inay soo galaan Mareykanka ayaa safiir waxaa uu sheegay in arrintaas ay qeyb ka tahay waxyaabaha i horyaala.
"Kama aanan wada hadlin arrintaas oo arrimaha guud iyo cilaaqaadka labada wadan ayaanu ka wada hadalnay, arrintan arrimahaas ayay soo hoos geli doontaa, ka shaqeynteed iyo waxyaabo kale oo fara badan oo cilaaqaadka labada wadan oo aan halkan u joogo ayay kamid tahay,", ayuu raaciyay.
Mareykanka oo haatan kaalin weyn ka qaata dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ayuu safiirka sidoo kale sheegay in qorshe dib u dhis ballaaran uu Mareykanka u smaeeyo Soomaaliya, taas oo lagu dhisayo dalka.
"Yurub markii ay dagaalka ka soo baxday dagaalkii labaad ee adduunka iyadoo dhan way burburtay, Mareykaka waxaa uu u sameeyay marshal plan oo Yurub lagu dhisay, sababtay na sida Yurub maanta ay u egtahay, marka waxa aan ka rabno dowladda Mareykanka iyo wadamada saaxiibada yada iyo hay'adaha soomaaliya caawinteeda ku mashquulsan waxaa weeye in Soomaaliya la dhiso", ayuu raaciyay safiirka.
Mareykanka ayaa safiir buuxa usoo magacawday Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe, waxaana safiirka uu sheegay in waxyaabaha uu haatan Mareykanka Soomaaliya ka caawin ay kamid tahay sidii Soomaaliya uu uga la shaqeyn lahaa deyn cafinta, taas oo sahli karta in Soomaaliya lacag la deymiyo, si ay u hesho lacag dalka lagu horumariyo.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa horay u ahaa safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, kahor inta aanan loo magacaabin xilka uu hadda hayo.
BBC