Waddani Oo Xukuumadda Ku Cambaareeyay Xayiraada Iyo Xadhiga Hadhwanaag Ee Guddoomiyaha Baanka

0
Wednesday September 18, 2019 - 17:12:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddani Oo Xukuumadda Ku Cambaareeyay Xayiraada Iyo Xadhiga Hadhwanaag Ee Guddoomiyaha Baanka

    Hargeysa ( HWN) Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu si adag uga hadley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa ( HWN) Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu si adag uga hadley
xayiraad ay xukuumada Somaliland ku soo rogtay shabakada Hadhwanaagnews iyo waliba laba saxafi oo shabakadaas ka shaqeynaayey oo xukuumadu xabsiga dhigtay Cabdiqani Cabdillaahi Axmed (Asbaroo) iyo Cabdirisaaq Good Nuur, waxaana dacwad ku soo oogay guddoomiyaha Baanka Cali Ibraahim Baqdaadi.

 

Gudoomiyaha garabka dhalinyarada  xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq Dhamme ayaa waxaa uu  cabudhin iyo cago jugleyn uu ku sifeeyey xayiraada ay xukuumadu  ku soo rogtay shabakada Hadhwanaagnews waxaana uu yidhi  " Waxaanu runtii ka xunahay oo aanu u aragnaa cabudhin iyo cadaadis in lagu hayo saxaafada Somaliland gaar ahaan shabakada Hadhwanaagnews  oo la xayiray laba wariye-na laga xidhay oo runtii amarka lagu xidhay iyo awooda loo adeegsadey-na ay tahay cabudhin , kadib markii warar ay qoreen uu dhibsadey gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland , Waa Nasiib daro iyada oo aan dacwad la qaadin gar maqal la sameyn sidii uu sharcigu qabey in shabakadii la xidho , isla markaana lagu daro oo xabsiga la dhigo laba Wariye ee Cabdirisaaq Good iyo Cabdiqani Asparo  kuwaas oo aan wax waaran ah loo goosanin markii la xidhaayey " ayuu yidhi

 

Sidoo kale gudoomiye Maxamed Sadiiq ayaa ku baaqey in shabakadaas deg  deg xukuumadu xayiraada uga qaadey isla markaana ay sii  deyso labada saxafi ee ay xidhay

 

" Waxaanu ku baaqeynaa  in shabakada Hadhwanaag  oo runtii ah shabakad weyn in xayiraada laga qaado shaqaalaha la xidheyna xoriyadooda loo soo celiyo " ayuu hadalkiisii ku soo koobay Maxamed Sadiiq Dhamme Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee xisbiga Waddani


Loading...
Loading...