Boqor Salman: Sacuudiga waa awoodaa inuu is-difaaco

0
Wednesday September 18, 2019 - 10:43:31 in News by
  • Visits: 1437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Salman: Sacuudiga waa awoodaa inuu is-difaaco

    Boqor Salman: Sacuudiga waa awoodaa inuu is-difaaco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqor Salman: Sacuudiga waa awoodaa inuu is-difaaco



Boqorka Sacuudiga, Salman Bin Abdulaziz ayaa maanta sheegay in dalkiisa uu awoodo inuu iska difaaco wax uu ugu yeeray "weeraradii fuleynimada ahaa” ee hakiyey kala-bar wax soo saarkii saliida dalkiisa, hase yeeshee waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay "si cad u wajahaan” kuwii ka dambeeyey.



Dowladda Sacuudiga ayaa ku celisay eedeynteeda ah in hubka Iran loo adeegsaday weerarka, hase yeeshee ma aysan yaboohin wax caddeymo ah oo taageereeya sheegashadeeda.


Hadalka boqorka ayaa waafaqsan kii madaxweynaha Donald Trump uu isniintii ku sheegay in ay u badan tahay in Iran ay mas’uul ka tahay weerarka.


Golaha wasiirada Sacuudiga ayaa sheegay in weerkii sabtidii uu halis geliyey ammaanka dunida iyo qeybinta tamarta dunida.


Trump ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu caawiyo Sacuudiga oo xulufo muhiim la ah, kadib weerarkii loo adeegsaday diyaardaha drone-ka, oo si aan horey loo arag sare ugu qaaday qiimaha saliidda caalamka.


Si kastaba, Trump waxa uu sheegay inuu sugayo go’aan "qayaxan” oo ku saabsan cidda mas’uulka ka ah weerarka.


"Ma doonayo inaan dagaal cusub ku lug yeelano, balse mararka qaar waad ku qasban tahay” ayuu yiri. "Kani waxa uu ahaa weerar aad u weyn, balse waxaa looga jawaabi karaa weeraar dhowr mar kasii weyn.”


Xigasho VOA


Loading...
Loading...