Bissad Yar oo Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa Suuli ka Soo Saareen.

0
Tuesday September 17, 2019 - 09:17:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bissad Yar oo Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa Suuli ka Soo Saareen.

    Hargeysa (HWN) –Maalinimadii shalay ayaa Ciidanka Dab-demisku ka hawlgaleen yeedhmo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN) –Maalinimadii shalay ayaa Ciidanka Dab-demisku ka hawlgaleen yeedhmo
samatabixin taasoo sheegaysa in Bissad yar ku dhacday Musqul, Ciidanka ayaa isla markiiba ka hawlgalay iyadoo samatabixintaasi ay suuragliwayday in Bisadda laga soo saaro habeenimadii xalay Suuligaas, sidaa daraadeed Ciidanka ayaa isla saaka ku noqday goobtii ay ku jirtay Bissada yar.

 

Ciidamada Dab-demiska oo adeegsanaya agabka samatabixinta iyo badbaadada ee Xadhkaha, Sallaamada iyo Xirfado kale ayaa Hawlgal qaatay Laba Maalmood ku soo samatabixiyay Bisaddaas yar iyadoo noolna ka soo saaray Godka Maanta Abaaro 2:00 Duhurnimo.

 

Hawlgalada Samatabixinta Dadka,Xoolaha iyo Xayawaankaba ayaa Ciidanku muddooynkii u dambeeyay aad uga hawlgalay, iyadoo lagu soo samatabixiyay Dad,Xoolo iyo Gaadiid tiro badan muddadii ciidanku jiray.

 

Hawlgalkan ayaa waxaa ka qayb qaadanayay Labada Shift ee Habeenimo iyo Maalinimo iyo waliba Ciidanka Dab-demiska Degmada Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa.

 

Dhacdadan Bissada ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee Ciidanka Dab-demisku ku soo saaraan, iyadoo markastaba Ciidanku heegan u yahay diyaarna u yahay yeedhmo kasta oo ka timaada Bulshada.

 

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL

Hargeysa/Somaliland

990/Emergency Call


Loading...
Loading...