Kaba Tolaw Ma Halkaas Baad Ka Baxday (Abdi-Shotaly!

0
Monday September 16, 2019 - 17:14:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaba Tolaw Ma Halkaas Baad Ka Baxday (Abdi-Shotaly!

    Islaan la odhan jirey "Rubaabi", oo Burco joogi jirtey wakhti-yaddii aakhirkii lixda-maddii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Islaan la odhan jirey "Rubaabi", oo Burco joogi jirtey wakhti-yaddii aakhirkii lixda-maddii
( 1960s) iyo horaamiii todobaata-naddii (1970s), asal-kee-duna ka soo jeeday Yamanta Cadmeed, oo dhanka maskaxdda wax ka si ahaayeen, baa waxay hal hays u lahayd, ereyadda cinwaanka ka kooban yahay ee ah " Kuli-Shay Xaqnaa", oo micna-heedu yahay wax walba aniga baa iska leh, tusaale ahaan, waxay arkaysaa "Aroos laga ciyaaraayo" dabeed- inta ay isi soo hor taagto, bay ku odhan jirtey dadka ciyaaraaya, ka dareera ama booliiska baan idiinku yeedhayaa, waayo aniga bay ahayd inanta aroosadda ahi, laakiin ninka waa la iga qaaday, baabuur baa soo hor maraaya, isna aniga baa lahaa ee darewalka baa iga xoogay, aan soo koobo'e, wax kaste oo isheedu qabato, oo aduunkan dul saaran-ba, waxay ku sheegi jirtey in ay iyadu iska lahaan jirtey, laakiin si uun looga qaatay ama boobay, oo ay hadda hor-Illaahay ka taagan tahay, hadaba waxan u soo qaatay saaka islaan-taas ujeedadda ka dambaysa, halkan hoose ka akhriso muwaadin.

 

Beentii abid ugu weynayd shalay bay burco ka dhacday, Askariggii reer Xaraf, markuu wax uu ummadda u heego garan waayey, ee ay ku cadaatay, ka dhabaqday, tallo faro ka haaday, ee ay meeshii isku dhalaashay, baa wuxu la butaacay " Ilayn waa kaad ogayd ee markuu afka kala qaado-ba, dhataq ka siin jirey wax aan loo fadhiyine" malaha sidaas buu siyaasad u yaqaanaaye. uu inta uu makara-foon qaatay yidhi " Mujaahid Axmed Mire Iyo Geenyo Shaaximan" baa labadaba dagaalkii 27/may/1988kii, ay maskaxdda rasaasi kaga dhacday" saw wax laga xishoodo maaha? Beenta intaa le'eg. Horta Mujaahid Axmed mire waa la og-yahay, oo qudhaanjadda togdheer baa taariikh-diisa haysa iska daa dadka'e. Balse waa duni aakhir samaane, waxa is weydiisaan, horta ma soo galay dagaalka? oo halkuu joogay? Maba sooba galay Burco Geenyo Shaaximani? Haduu maalma-haas Burco isi soo dhex taagay-ba, oo lagu arkay-ba dhex-deedda daayo, wax ka sokeeya Balidhiig, way ku dhacday?. ee Asakrigu ha ka jawaabo. Waxa Intaa ii dheer, Mujaahid Ahmed MIre, buu is leeyahay wuu ku soo hor fadhiisan oo wuxu ku odhan doonaa Wax uu sheegto oo loola baxay Madax-weyne aan jirin, taasina waxay dhici kartaa marka aduunka uu rogo ilaahii lahaa. dadkii may dhamaan, ee way nool yihiin, Ibrahim dhego-weyne baa galay Hargeysa, oo naarta ka waraabiyey, Birjeex oo xurunta 26aad uhddii ama saldhiga ugu weynaa, waxa galay iyana (Ihun) Aadan Cade), oo waa kii indhaha uu kaga dhacay Waaqluhu, ee ku waayey aragiisii, ka dibna loogu jeexay Manchster-tan aan joogo aniga oo ah Abdi-shotaly. Raggii ma adigaa ka hadhay bal halka uu taagnaa geenyo shaaximani markay ku dhacday? ee lagu dhuftay, cidii qaaday, halkii la geeyey, dhakhtarkii ka daweeyey, ee rasaastii madaxa ka soo saaray, ha keeno.

 

 Waxa la yidhi " Kaba tolaw ma halkaas baad ka baxdaye" Socon mayso taariilkh gacan ku rimis ahi, oo la soo dhadhabaaye, ha ka jawaabo arimaha sare ku qoran. Xaajo-ba la yaab lehe, oo kolba derbi baa la isku qaadaaye, askartii maantana waxay la shir timi waa af-kala qaad, iyo been tii ugu weynyd, marka uu kaadhkii hore ka gubto, meel ay qabsato oo kale waydo, bay indho adkaanta siddii islaantii bacaado meel aan loo jeedin iyo wax aan jirin ay la yimaadaan. ilayn way shiday-saaye, oo geed ay cuskato ma laha'e. haday sidda islaan-taas kor ku xusan uu raggii ma adigaa ka hadhay, uu yidhi wax walba aniga baa iska leh. horeey labadda askari magaca  mujaahid nimo, oo aanay meela u soo mariin isku madbaceen, iyaka oo u jeedda beri baanu Xuduudda Itoobiya iyo somaliya u dhaxaysay ka talawnay, ilayn ri'yihii cadayska ahaa iyo dameerihii dadkii talaabay sii rarteen-ba, haddii ay hadlayaan, waxay odhan lahaayeen,waxanu nahay mujaahidiin, haddii wixii xadka dhaafay-ba ay sidaas ku noqonayaan, anaba waanu nahay sidda " Raaggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximan". waayo waxa-ba la is weydiin maayo maxaad ka qaban jirtay?, ee derejadda waxa lagu qaadanayaa waan talaabay. maxaa markaa xoolihii talaabay iyana loo odhan waayey Mujaahidiin, iyo waxar baa rasaasi madaxa ka dhacday (Ihun), ilayn sidda Geenyo shaaximan bay nafi ku jirtay, iyo raggii ma adiga aka hadhaye.

* N.B Kuli-Shay Xaqanaa"

Qore:- Abdi-shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...