'' Kaftanka Maanta , Garxajis Miss Position Politics ''.

0
Monday September 16, 2019 - 09:03:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    '' Kaftanka Maanta , Garxajis Miss Position Politics ''.

    Siyaasadda Somaliland loolankeeda waxaa Udub dhexaad u ah Beesha Isaaq oo ilaa lixdankii isku eryanaysay ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasadda Somaliland loolankeeda waxaa Udub dhexaad u ah Beesha Isaaq oo ilaa lixdankii isku eryanaysay ,  kolba magacyadda ay doonto ha isula baxdee .


Sidaa markay tahay , Dhaqan ahaan Beesha Isaaq waagii horre xadhiga isku xidha dhaqan ahaan iyo xidhiidh ahaani wuxuu ahaa Beesha Garxajis , sadex sababood dartood .



1- Garxajiska oo ah beesha la degta guud ahaan Isaaqa oo dhan , qolo walbana la dhaqan .

2- Garxajiska oo ahaa hogaankii dhaqanka ee beesha .

3-Garxajiska oo hormood ka ahaa dhul-fidsigii beeshu ku jirtay, hormoodna u ahaa difaaca beesha .


Sidaa darteed , Abwaanaddii , Odayaashii iyo waxgaradkii Garxajis waxay ee uu ugu dambeeyey Xaaji Cabdi waxay isu arki jireen in ay Isaaqa odayaal u yihiin , in ay afhayeeno u yihiin in xil gaari ka saaran yahay .


Hadaba aragtidii sidaa ahayd , waxaa badalay Siyaasiyiin Garxajisa oo ku guul daraystay in ay fahmaan dhaqankii asalka ahaa ee Garxajis , kuwaaasoo ku guuldaraystay in raacaan sooyaalkii taxanaha ahaa.


Tusaale ,

Muuse Biixi markii Mogdisho la hadlayo e uu qiiroonayo wuxuu isu dhigayaa in uu yahay nin difacaya Somaliland oo ay ka goantahay .


Markii Siilaanyo snm isticmaali jireyna sidaas bay ahayd .


Nasiib darro , Siyaasiyiinta Garxajis waxay iibin kari laayihiin aragtiid Xasan Tarabi ee ahayd , ( Cadawgaanu kagga dayran nahay curubra reer sheekh ).


Waxay ahayd in ay keenaan siyaasad furfuran oo u sawiran in ay yihiin Cududii wadanka ilaalinaysay , ee lagaga baqanayay .


Si kastaba ahaatee , inta Garxajis beelaha isaaq la murmayo ee la tartamayo halkii ay ahayd in ay hogaamiyaan waxba u hagaagi maayaan , ilaa ay soo celiyeen aragtidii sooyaalka ahayd ee Garxajiskii horre ee ahayd Odayaynta Isaaq .


W/Q: Axmed Nuur Guruuje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...