Bandhigga Buugaagta Burco Waa Burjigii Hal-Abuurka Togdheer. Waxa Qorey. Mustafa Axmed Geedi-Xaas
Waxaan dareemaya in hibbadu tusaale u tahay nolosha guud ahaan .
Waxaan dareemaya in qorraalku iyo akhrisku yahay midka laga dheehdo
nolosha iyo humaaga qarsoon ee guud ahaan Aadamigga.
Bandhigga Buugaagta Burco(BBB2019) waxay ahayd rajadii jiilka maanta
ku nool burco iyo bandhigista hibbadooda nolloleed. waa Caymis lagu
wadaago Hal-Abuurnimo Qorraal iyo mid Sugaaneed.
Shaqsiyan waxaan kala socday Barraha Bulshada iyo warbaahinta labadaba.
Hadaba maxaa iiga baxay? Bal sawir maskaxeed aan ku xardho tusmada fahamkayga ee ku saabsan "BBB2019"
Sawirka goobtu waa madal wayn oo qurux badan ardaaga Golis ama
Barxada SOYVO oo lagu soo xidhay. waxa isoo jiitay dhigaalka quruxda
badan ee Bandhigga buugaagta burco ee lagu dhex xardhay midb-ka
qurxsan ee buluuga ah. Wuxuu u muqdaa bandhig si qorshaysan la
agaasimay. Ka qaybgalayshuna darreen ahaan waxa isoo jiitay marka loo
istaagay heesta Callanka ee dhulka hooyo "Samo ku waar, samo ku waar" oo
ahayd dhaxalkii uu inooga tagey abwaan Xasan shiikh muumin AHUN.
Runtii waxa goobta ka muuqday dhalinyarro leh hibo suggaaneed iyo hibo
qorraal, kuwaas oo ka koobnaa hablo iyo wiilal aan is leeyahay
gobollada kale waa ku dhif iyo naadir xaqiiqatan marka la fiiriyo
hibada ay soo bandhigaan.
Dhalinyarada burco waxa ku jirra wiilal iyo gaabdho sugaan-yahano ah
iyo kuwo leh xirfad qorraal oo sare, oo aan dhawr jeer oo hore
halacsaday dhigana-yaashooda sugaaneed iyo qorraalo kuwaas aan is idhi
hadii xuquuqdooda loo qiri lahaa waxay noqon lahayeen xidigihii qarniga
21aad.
Waxa iyaguna amaan muddan dhalinyarro ka shaqeeya arimaha bulshada burco oo mudan xusidood.
Waxaan akhriyay maansooyin ay leeyihiin hablo iyo wiilal reer burco,
habdhac eragyga iyo dhadhanka nuxurka iyo habraaca errayga waxan
xusuusta abwaanadii dhexe sida hadraawi iyo gaariye ama kuwii
bari-samaadkii Qamaan iyo salaan waa kuwa aan suggaantooda xiiseeyo ee,
markaa burco waa meel murtidu taallo, laba kamid ah abwaanadan aan
xusayna waa reer burco.
Waxan runtii aad uga xumaaday markii aan arkay inaan dhalinyarradeenu
helin dhiirigalintii madaxda gobolka iyo kuwa qarranka, Xataa walalaheen
hal-abuurka may helin dhiiri-galinteenii bulsho ee reer burco ee
ganacsato iyo nin gar-bood toonna.
Burco waxaa la hadhay madaxdii xukunka u haysay, Bal fiiri bandhigii
hargaysa waxa looga yimi dunida dacaldeeda. Cadaan iyo madoow xataa
waxa goobta joogay madaxda ugu sarraysa dalkeena, waxaan is leeyahay
waxa rumoobey habaarkii halgamagii Shiikh Bashiir AHUN.
Bal fiiri boorama waxa looga yimi dacallada dunida . Bandhiga waxa
dabada ka riixayey bulshada ree borama ganacsato iyo haayado wadani ah
iyo haldoorka reer Borama.
Yaa inala hadhay? burco waxa la hadhay madaxdii ay doorratay iyo
haldoorkii,ganacsatadii, waxaan leeyahay madaxdyadii waxaad hagrateen
ubaxii togdheer.
Bal isoo fiiri"! Bal waxad qiimaysaa wiilka ama gabadha dhalinyarrada
ah ee mudo dhawr sano ah qorraysay Buug sugaaneed ama buug qoraal ah oo
maskax muruq iyo dhaqaale galiyay sidii uu hibadiisa usoo bandhigo
lahaa, ee morraalku ka xumaaday markii uu waayo qof qiimo u yeella waxa
uu qorey, kadib markii uu wayay dhiiri-galintii madaxda iyo tii
bulshada gobolkiisa. Waa niyad jab wayn waxaanse hubaa in hal-abuurada
qorraal iyo suganneed inay macnawiyan yihiin kuwii la rabey in
xirfadooda Xiiso u yeelaan oo midowbaan horumarinta bandhigooda hibo.
Sowkii Abwaankii murti dhaadhiga ahaa ee Xaaji aden Af-Qalooc lahaa
AHUN "ilko wada jirkooday hilbaha adag ku goyaane,hadii inniba meel
taagan tahay adhax ma feentee."
Waxaan arkay dad reer burco ah, oo baraha bulshada ku buunbuninaya
Bandhigyadii hargaysa iyo borama , bandhiga burco ee buugaagtana
liidaya. Awel soow Maahmaah somaliyeed ma ahayn "Hashii Awar-keeda ka
Cararta ee awr kale u oloshaa way abaaho seegta".
Social media waa meesha macanaha loogu yeelo haldoorkaaga, ee
dhalinyarada hibada leh yaan la hagran. Miyaan bandhiga burco u qalmin
inaad u xusto sidaa aad u xusayasey ee laguugu waynaynayey bandhigyadii
gobollada kale. hadii aan dhaho bugaagta burco lagu qorro ayaa ka nuxur
badan kuwa kale sow sax maaha, ilaa burco waa meesha hibada u leh
sugaanta Somaaliyeed e.
Waxaan ku bogaadinyaa"BBB2019" dadaalka wanaagsan ee ka sameyeen
gobolka, waana abaal reer burco idiin hayso inta dhugashada lehi.
Waxaan idiin rajaynyaa inaad dadaalka sii wadaan, si sahan-kiina
Geeddigu ugu nagaado meel rays iyo ramaas qaboow leh oo aad ku furtaan
bahda wax qorta.
Wax qoristu waa dhaxal ka kaliya ee ummadi ka dhaxsho ummad. Taasi oo
dhaxal u noqota jiilasha soo socda , inagu jilashii inaga horeeyay
qoraal inoogma tagin ,waa sababta aan u garan laanahay halka aan ka
nimi, si aan u fahano halka aan u socono, waad ogtahay halka qallinku
diinta ka joogo.
Sawkii Abwaanka wayne ee Hadraawi isagoo tilmamaya muhiimada qalinka
lahaa "Muxuu qalinku sheekiyo, qubanah dharaartiyo hadba qodob la
yaabiyo, ma hadhooyin qorayaa"
Dhamaantiin guul ayaan iidn rajaynayaa insha allh hore u socda walalayaal.
Alaah mahad-leh
-Facebook. Mustafa Ahmed Geedi
-WhatsApp0659555532
-Waxa Qorey. Mustafa Axmed M Geedi-Xaas
Burco Somaliland
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...