Sonyadii Shalay Iyo Sonyadda Maanta: W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar
Marka muddo xileedka sanad ka hadhsan yahay ayaa la dareemi jirey loolanka jira, waxaanu musharax waliba soo mari jirey lixda gobol si uu u sii kasbado ururada ay SONYO ka kooban tahay, waxaanay xaraaradeeddu cirka isku shareeri jirtay marka lix bilood ka hadhsan tahay.
Qofka musharaxa ah ugu yaraan illaa labaatan kun oo doolar way ka bixi jirey, tusaalahan casuumadaha dhalinyarada lixda gobol, safarada gobolada, Fee- ka bixinta ururadda iyo haday jiraan inay qaar shahaadooyinkoodu ka dhacsan yihiin oo lacagtooda ay bixin jireen qofka musharaxa noqonaya.
Loolankii sidaas ahaa ee adkaa ee dhalinyarada u ahayd tobabar iyo inay jiranjarooyinka siyaasadda ka soo galaan, waxaana saaxadda siyaasada iman jirey qof dhisan oo ururada bulshada ka soo shaqeeyey oo aan ku hafan siyaasadda caadiga iyo xilalka dawladnimo, haddase arrintii caynkaasi ahayd wax weyn baa iska bedelay.
Maxa is bedelay.
Shirweynihii dalladda SONYO waxa hadda ka hadhsan muddo laba bilood ah illaa hadda lagama dareemayo loolan adag iyo musharax si toos ah usoo bandhigay inuu u sharaxan yahay hogaaminta dalladda, waana markii ugu horeysay tan iyo intii la aasaay la dareemi waayo musharaxiin ku loolamaya.
Taasi waxay cadaynaysa in laga niyad jabay,dadkii sida dadbadan isku hayn jireyna meesha ka baxeen,isla markaana taasi ay keentay inay hoos u dhaco loolankii adkaa.
Halkaasi waxa inooga cad wax kasta hadii la horumarin waayo oo uu kor u sii socon waayo in laga xiiso dhacayo , figtii uu gaadhayna hadii wax lagu dari waayo uu hoos usoo noqonayo, isla markana qiimihii hore uu lahaa aanu yeelan doonin.
W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!