'' Kaftanka caawa , Buugaagtiibaa is dar-jabisay ''.

0
Sunday September 15, 2019 - 12:27:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Kaftanka caawa , Buugaagtiibaa is dar-jabisay ''.

    Waxa la yidhi wixii bataaba way is dar-jebiyaane ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la yidhi wixii bataaba way is dar-jebiyaane , xaafadeenan buugaagtii baa ku batay iyo qorayaashii markaasaay gaadhay in la isku qabado , bal ila eeg .

- C/laahi Suldaan Tima-cadde , waxaa lagga qoray labba buug , mid boobaa qoray midna nin kale .

- Xasan Ganey Buug baa lagga qoray .
- Gaariye laba buug baa lagga qoray , mid Guri-barwaaqaa qoray midna qoraa kale .

- Maxamed I Cigaal , Buug baa lagga qoray , waxaana qoray Xasan Cabdi Maddar .

- Sheekh Ibraahin isna Coomey baa ka qoray .

- Sheekh Madar isna Buug baa lagga qoray oo ina caqli baa ka qorey .

- Maxamed C Samatar isna Coomey baa buug ka qoray isago nool .

- Ugu dambayn waxaa labba Buug lagga qoray C/qays markaasaa labadii buug is duqeeyeen , sidii labadii buug ee timacadeba isu duqeeyeen .

Wuxuunaan is leeyahay Buugii Cismaan Hindi ayuun baa hadhsan iyo Islaantii ina Xirsi Cabane .

Sidaa markay tahay , saaxiibaday waxaan kula kaftamayaa , saaxibayaal halkaas waa buux dhaafiseenoo waataa qalimaddiini sidii baabuurta jidadka Hargaysa is cidhiidhidaye , maxaa idiin diiday in aad soo gaadhaan meelaha banaan ee aan cid wax qortaba lahayn sidda .

- C/laahi Qarshe .

-Xuseen aw Farax .

-Cabdi Iidaan .

iyo qaar kaloo badan , intaa isku dul daabacasaysaan sidii baloodhidii la isku dul iibsan jirey .



W/Q: Ahmed Nuur Guruuje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...