Yaa Ka Dambeeya Xadhigga Hadhwanaagnews

0
Saturday September 14, 2019 - 05:35:26 in Articles by
  • Visits: 1739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Ka Dambeeya Xadhigga Hadhwanaagnews

    War jiraaba cakaaruu iman, baa hore somalidu ugu maah-maah-daye, dhaaxaan nin hana-qaad is biday, soo hogaan baraye, ha-yeeshee mid lax dukani abaar moog ah, geeriddii Nebiga (CSW) aan ogayn ilaa hadda, dhataqle ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War jiraaba cakaaruu iman, baa hore somalidu ugu maah-maah-daye, dhaaxaan nin hana-qaad is biday, soo hogaan baraye, ha-yeeshee mid lax dukani abaar moog ah, geeriddii Nebiga (CSW) aan ogayn ilaa hadda, dhataqle ah
War jiraaba cakaaruu iman, baa hore somalidu ugu maah-maah-daye, dhaaxaan nin hana-qaad is biday, soo hogaan baraye, ha-yeeshee mid lax dukani abaar moog ah, geeriddii Nebiga (CSW) aan ogayn ilaa hadda, dhataqle ah, oo badhaaci-naaya markuu afka kala qaado-ba, la yidhaaho af-dulaaq-darayo, baa kolba is uun ii soo hor mara, oo war-baahinta xorta ah iyo xoriyatul-qawlka loo adeegsa-naayo, maanta aniga oo aan ku dheeraa-naynin, baa iyaba waa yaabe, aan rabaa in aan wax yar ka idhaaho, Kaas aan magaciis kor ku xusay, ee hor-joogaha looga dhigay " Wasaaradda doqon ma waydo", oo ay ku sheegaan "Wasaaradda Wacyi-gelinta iyo war faafinta" waa duni aakhir-sabaane, kaas anbanaaya baa la leeyahay wax buu wacyi geli-yaaye.  Wax kale looma xidhan Hadhwanaagnews ee waa maxay u qarxinaysaa siraha hoose ee maamulka askarta iyo kaba qaadya-doodda isku xil-qarsadda, iskuna hoos nool, ku bahoobay tuuganimadda hantidda ummadda xaditaan-keedda. si kaste oo ay tahay, hadhwanaag maaha mid ay xayiri karaan ama joojin karaan, ee way sii laba-kaclay-naysaa, ummaduna way sii baraaru-gaysaa, aakhirkana way kici doontaa, marakay heer gaadho cadhadda dad-weynuhu.


 

 Karka dheriga maxaa ka keenay?, baa hore la isu waydiiyey, oo ay jawaabtii noqotay Kulayka, Askartii way soo ridatay oo ay adkaysan kari la'yihiin. Aan kuu bilaabo'e, sidda uu cinwaanka maqaalku sheegaayo, aan ku soo dhawaado'e, Xaajadda lagu xidhay Hadhwanaag maaha meel soke, ee waa la isu kaashaday, waa silsilad taxan oo ka dhaxaysa ka Baanka dhexe fadhataystayn, wasiirku sheega Af-dulaaq ee Reer Tog-dheer u bixiyeen " Xumbo-weyne iyo Geenyo Shaaxiamn oo isna u xil saaran in uu isku cajiimo waxa ay ku sheegaan "Arimaha Gudaha" iyo weliba Raggii ma adigaa ka hadhay oo naf la caarid ah, oo ku yidhi wixii wax sheega-ba ha la iga xidho, hadda ay dhigatay, saakuu isku cayn-taariyey Boorame markii ay si cad ugu googooyeen Somaliland, shirkii ay beesha Samaroon oo isu dhami bisha shan-teeddii ku dhawaaqday,  in ay gebi-ahaanba ka baxeen wixii lagu magacaabi jirey somaliland. Arintaas oo ku noqotay askarta gantaal wadnaha laga dhuftay.

 

Shicib-yahaw wuxu dalkii ku dambeeyey " Xero Askari", wax kalena kama socdaan, kan xidh, dig iyo debci, digtoonaw, dib-u-jeeso mooyaane, ma jirto xaal kale oo kala socdaa, oo aan ahayn ka shaqaysta. Sidda aan ku taab-taabtay xaga sare akhrisatw" Deebaaq rag waw karin jiree, nacas i daan-daansay, imsaan deldelay doqon xunoo, gaarka u danaysta, af-dulaaq darayo iyo qaar ka sii daran-ba, duuf-laalka ina kaahin, iyo askariga kalee dadka u haysta ( Waa ka kaas shaqo u dirtaye)" Waxa maamul loogu sheegayaa ummadda waxaas aan maqaal la qorey u dul-qaadan karin, ee awel-ba iyakoon maskax meesha ku haynin, oo la ogaa waxay yihiin, hadda markii raggii dalka xoraystay ay dhamaadeen kuwii u soo shahiiday, qaarna dayro ka yihiin sidda Mujaahidiinta dhabta ah ee " Ahmed MIre iyo Ibrahim Dhega-weyne", hadda kuwa magaca kula baxay ee uu hor boodaayo " Raggii ma adigaa ka hadhay", kuna sifoobay " Meel aar ka kacay atoor fadh-fadhiisay". baa akhristaw la yaabka jira ay kuwaas doobta ka ridayaan, ayaan darradda ina haysata. Wadan-kani waa mid aan loo il-bixinayn, ilayn halkii aynu ogayn baynu ka soo saarnay, oo uu misana gacnata uga sii galay kuwo kun jeer ka sii liita, oo Af-Weyne iyo qoom-kiisii ay u shir tegayaane.

* N.B  Saw Kulayka Maaha?  Karka Askarta Waxa Ka Keenay" 

Qore:- Abdi-Shotaly.
 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...