*WAA MAXAY QARAN?by Hamse Sh Farah Nour

0
Sunday March 17, 2019 - 16:39:15 in Articles by
  • Visits: 1527
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    *WAA MAXAY QARAN?by Hamse Sh Farah Nour

    Hamse Sh Farah Nour

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hamse Sh Farah Nour


Qaran maxaa lagu yaqaanaa? Qaran waxaa lagu yaqaanaa Dowlad xuduud leh, calan astaan u ah, nidaam dhisan leh, haddey Baarlamaan tahay, haddey maxkamado tahay oo kor laga soo bilaawo ilaa shacabiga lagu yimaado taxan. Ciidamo ilaaliya nabad gudaha iyi dibbadaba, maxkamado xukunka rida iyo xasbiyo wax lagu ciqaabo . Qaranku intaasuu leeyahay . Qaranka sidaa u dhisan qabiilku ma oggola , intaa midna ma oggola. Marka waxa uu doonayaa qabiilku in tiisa iyo nidaamkiisa lagu dhaqmo, tan dowladnimada ahoo asiga ka sareysa ma oggola. Mar hadii Dowladi timaaddo Suladaan, Caaqil, Garaad iyo Ugaas waa kabaxeen meesha. Waxaa soo galay xoghaye degmo iyo xoghaye gobal (governor & commissioners), nidaamka hadii uu yimaado duqeydii talada waa lagala wareegaa, xeer jajabkii laga bixin qawaaniin ka wada dhaxeysa qarankoo dhan baa la dhigayaa.



Markaa xeerkii uu geedka la hoos fadhiisan jirey xeer ka sarreeya soo baxaa oo qaranka oo dhan lagu dhaqayo.


Dalkii ama deegaankii uu isagu dhihi jiray anaa kaligey daaqaayoo cabbaya dowladdu ma oggola, ee dowladdu dalka ay u taliso o dhan ayey ka mas’uul tahay, oo dadku waa u siman yahay . Taana qabiilku ma oggola, biyahaa waa loo siman yahay dowlad kastaba aha ahaatee min tii İslaamka laga soo bilaabo ilaa tan maanta joogta.


Qabiilka iyo dowladda waxaa had iyo goor ka taagnaa tanaqudaad. Tanaqudaadkaas sida annaguba taariikhdayada ku aragnay hadba qolaa gacan sarreeysay. Miisaanku hada meeshii uu u diillamana waxaa lagu garan karaa markii qabiilku dowladda ka sara maro ama holliyo oo gilgilo, waxaa yimaada calaamooyinka soo socda:-

1) *sharuucda qaranka oo daciifta oo aan lagu camal falin guud ahaan.


2)Ha’adaha Qaranka sida Baarlamaanka dowladda, maxkamadaha oo waxtar gaba, maxaa yeelay kuwa qabiilka ayaa taagan oo caaqilkii iyo suldaankii baa loo leexanayaa


3)Dagaalka qabaa’ilka ama qabiilada dhaxdooda oo bata.

4)Boobka xoolaha dadweynaha ama hantida qaranka iska leeyahay oo labadaba boobkooda la xalaaleysto.

5)Ku tumashada xuquuqda qofka oo caadi noqota.*

Waxaas oo dhan waxay keenaan, cadaalada oo ka suusha bulshada dhaxdeeda, dhaxalsiinsana Ummadaas fawdo iyo degannaansho la’aan joogto ah, dagaal, tuugo, dhac, boob.

Hadii haddaba qabiilku daciifo, intaa aan soo tilmaayay cagsigeeda ayaa imaaneysa.

Haddaba haddii qabiilku yahay kan eynigaas ah lagu yaqaanno, ayna caddaatay inuu si weyn madaxa ula soo kacay ama uu qasaayo waligii siiba waayahan dambe, ayna muuqato inuu halis geliyey minimadii iyo jiritaankii qaranka Soomaaliyeed. Maxaa habboon in shacab ahaan iyo madaxba in aynu qaadano?

Hamse Sh Farah Nour


 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...