Somaliland Waa Dal La Xaraashay ( Abdi-Shotaly)?

0
Monday September 09, 2019 - 14:41:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Waa Dal La Xaraashay ( Abdi-Shotaly)?

    Somalidu wax-yaabo badan oo aan dhicin bay wax kula baxdaa, inta badana ay murti ku samaysaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalidu wax-yaabo badan oo aan dhicin bay wax kula baxdaa, inta badana ay murti ku samaysaa
ama ay ku tilmaantaa aragtiyo kala duwan, iyaka oo ujeedo ka leh markaas taagan, kuna dabaqa kolba xaalka wakhti-gaas ay ku jiraan, sidaas awgeeed akhristaw nin baa waxa laga hayaa, tani weligeed-ba ma waydo mid qar iska xoor ah iyo kolba meel isku qaad, oo maalin-ba meel bay ka qabsa-taaye " Maantana ma aakhiro bay u sii foorartaa" waa tan fakh-fakh-ddii ka dhamaataye. Ujeedo iyo haatan waxan u soo qaatay, sarbeebta kor ku taala, waxa ay tahay ee ku qarsoon, arin uu daaha ka qaaday, maamulka uu hor joogaha ka yahay Ina Geela Basal ee Djabuuti, kaas oo u seedi ah " Raggii ma adigaa ka hadhay",Somaliland waa dal haad iyo habaqle-ba u jabay, oo caydhinka lagu dhameeyey, oo askarta meesha ka xoogsataa, ay ayaan-ba xubin jarto siddii neef la qalay, in ay sidaas tahay-na waxa ka markhaati ah adiga oo muwaadin ah, iyadda oo aanad meel kale-ba ka doonin "waase haddii aad daacad u tahay dal-kaaga iyo dad-kaaga" oo aanad sheeko beelaysan ugu sacab tumayn, xaaraanta la walaaqa-naayo, sinaan la'aanta, cadaalad darradda, boobka, qabyaaladda maamulka asakrtu ku ceesho, xadhiga loo adeegsado in gaar ah, ee kala sooca iyo eexdda ku salaysan.

 

Nin indho la'aan ku dhashay, baa wuxu maqlaa in badan, Sakaaro baa la soo dabay galabtana, oo hilib-keeddii baa la inoo karinayaa, dabeed wuxu yidhi, sakaaro way i waashaye, mana aan arage, ee bal i taabsiiya inta ay wuxu le'eg tahay, waxa hilibkan leh inta aan la qalin. Markii la taab-siiyey ee uu gacanta ku wareejiyey madax ilaa dabo, baa waxa uu yidhi, wax-ba inooma hadhin, ma xayawaankii ka waa-weynaa oo dhan baynu dhamaynay, berina duqsiga bay cuni doonaa. isku soo wadda duuboo ummad yahay, "Wax aan daliil lahayni inaga hadhan" haddii aad qaadanayso iyo hadii kale-ba. Waxa tahay runtii oo aan biyo is marini "markii laga soo hoyday Baddii, garoonaddii, dekeddii, dhulkii oo dhan" Baa hadeer Shidaalkii Dalka" Waxa qandaraas lagu siiyey "Ina Geele Basal", been bay idiin soo maluuqeene, ma jirto maamul la wareegay Shidaalkii dalka iman jirey, ee waxa lagu qarinayaa, oo Keenaaya Odayga Keliggii taliyaha ah ee Qaba inaadeertii ( Waa ka jabuutiye), isaga awggii baa looga qaaday qandaraaskii muwaadiniintii haysatay. waxana qandaraas hoose lagu sii siiyey oo ka wakiil ah, Ninka kale ee ay ilmaadeerka yihiin, kaas oo ah leh shirkadda la yidhaaho ( Cable Tv) ee badda laga soo jiido.

 

Waxan ku soo af-meeray qoraalkan isaga ah, waxa shidaalkan ku shuraake ah, Ina Geele Basal, Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Mulkiilaha Cable TV. Arinkan waxa cadeeyey, Wasiirka ganacsiga maamulka Ina Geelle Basal ( Waa ka Jabuutiye), isaga oo mudo dhawr bilood ah horteed yimi Hargeysa, oo guriga loo yaqaano Xaafad-tooyadda, ay isku arkeen Labadda askari, halkaasna lagu qaybsaday shirka, laguna kala wareegay gacan ku hayntii Shidaalka dalka soo gala, iyadda oo lagu dhaqaalay-naayo xaafad gaar ah, loona miidaan deyeyn wadanka khayraad-kiisa. ugu dambayn shicib-yahaw. Tani rajo ma laha iyo wax laga sii sugo, maalin-ba ta ka damabysa, jeex baa la sii ruqayaa, oo la sii wareejinayaa,  Waxa iyana mudo aan weli bil gaadhin, gacanta ka baxay, oo uu Nuut Taani Baasto, si toos ah u wareejiyey Gobolkii Sanaag, Badhan iyo Ciidan-kiisii, inta kale e goboilka ka hadhay-na colaad baa ka socota la dhex dhigay, Awdal iyana waad maqlayseen, oo way cadaysatay in ay khadka ka baxday, Isaaqna isaga baa is gawracaaya, iyadda oo aan meel kale-ba looga iman, Hawaddii dalka waxa la wareegay Somaliya, Iyaka laf-toodda baa ku dhoofa Baasaboorka Somaliya, oo Hargeysa dhex-deedda baa xafiis uga furan yahay. bal markaa ha is weydiiyeen kuwa ummadda u sakhiraayaa, waxan macaan jecesha ah, ee ay inoogu sheegaaya wax dawlad la yidhaaho baa Hargayesa ka jirta, Waa been aan sal iyo raad mid-na aan lahayn, oo ummadda lagu hanaq goynaayo, wayse isi soo gabtay, iyaddii oo aan meel kale-ba laga soo gelin.

  * N.B Maalin-ba Meel Bay Ka Qabsa-taaye Maantana Ma Aakhiro Bay U Sii Foorartaa.

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...