"Wada Socodka Cadalada iyo Dhalaha Mamul"... W/Q. Cabdale Gaaxnuug

0
Sunday September 08, 2019 - 18:08:58 in Articles by
  • Visits: 1264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Wada Socodka Cadalada iyo Dhalaha Mamul"... W/Q. Cabdale Gaaxnuug

    "Wada Socodka Cadalada iyo Dhalaha Mamul"... W/Q. Cabdale Gaaxnuug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wada Socodka Cadalada iyo Dhalaha Mamul"... W/Q. Cabdale Gaaxnuug


Caddaaladda waa shay laynagu faray diinta Islamka Allena (s.w), wuxu ugu jecel yahay xaakimka cadaalada u sameeya umada, waxayna horumarisaa oo dardar gelineysaa dhaman wax-qabadyada wadajirka ah ee bulshada. In kasta oo dadka qaarkii ay ogyihiin in kalmada sharcigu shacabka ay u adeegto isla ujeedooyinkaas, dad aad u tiro yar ayaa garanaya sida gargaarka sharci ee madaniga ah, uga dhigo dowladda mid wax ku ool ah, hufnan iyo caddaalad ah.
Image result for cabdale gaaxnuug



Caddaaladda dowladdu waxay ka shaqeysaa caawinta dadka iyo mas'uuliyiinta maxalliga ah inay ku kasbadaan ku dhaqanka kalmada sharci ee madaniga ah, si ay u gaaraan siyaasadooda iyo yoolalka barnaamijkooda, u suurageliyana dadku inay helaan wax tar celinta cashuurta ay bixiyaan sida guryeyn, daryeel caafimaad, nabadgelyo, shaqooyin, iyo baahiyo kale oo badan aasaasina ah.

Dhanka Dhaqalaha xeel dheerayashu waxay ku doodayaan in horumarku u baahan yahay inuu dib ugu laabto isla xisaabtanka isku-duubnaan hay'adaha dawlada iyo habraacyada hufnaan leh, keenina kara caddaaladda dhaqaalaha ee dunidan casriga dimuqraadiyadda la jaanqadaya, iyada oo loo marayo "ka-qaybqaadashada dhaqalaha bulshada", waxa kaloo ina baaraysaa sida kor loogu qaadayo dhaqaalaha wada shaqeynta sinnaanta lagu ballaariyo, saldhigga dhaqdhaqaaqyada dib-u-habaynta maaliaydeed ee jira iyadoo la sii xoojinayo ka go'naantooda isbedel aad u fog.

Haddii dhaq-dhaqaaqa dhaqaale wadaagga, uu door ka ciyaaro ka-leexinta bulshada hannaan dhaqaale ee ugu weyn, waa inay noqotaa mid siyaasadeed. Tanina waxay ka dhigan tahay in laga ilaaliyo iskaashiga guracan ee wax wada qabsiga cid gaara quudanayso, lagana hor tagaayo curyaaminta kobaca ilo dakhli , si loo helo isbadal dheeri ah iyo qaababka aasaasiga ah ee wadaagga dhaqaalaha adduunka.

Doodaha aduunka lays kugu tusaaye faaidooyinka wax wada qaybsiya casriga, ayaa waxa ka mid aha Robin Hahnel "Iskaashiga iyo dimoqraadiyada ma xakamayn karaan hunguri iyo tartan cid gaara sidii aasaaska abaabulka nolosheena dhaqaale iyo kaalin muhiim ah ka qaadano soo nooleynta dhaqanka maamul”.

Robert Pollin oo ku takhasusay dhaqaalaha iyo isku duwida, kana faalooda Machadka Cilmi baarista Dhaqaalaha Siyaasadda (PERI) "mabaadi'da caddaaladda, dhaqaalaha iyo cilladaha la taaban karo ee xagga raasamaalnimada iyo isku dayada kala duwan ee dib-u-habeynta ama baabi'inta, way ka fog yihiin dhallanteedka misaaniyada beenta, waxayna u tahay tilmaan bulshada wanaagsan ee hogaankeedu danaysto, wuxuuna bixiyaa fikrado fara badan oo ku saabsan sida loo tago halkaas xitaa haddii aadan si buuxda ugu qanacsanayn, waxay kaa dhigeysaa inay shacabka dhibani ka fikir waayo aayahooda mustaqbal”.

Doug Henwood "hogaanka caadaysta cadalada iyo dhaqalaha wada socda, wuxuu jeexaya wado cusub, isagoo cadeynaya aragtidiisa ku saabsan dhaqaalaha ka qeyb galkiisa iyo muhiimad ahaana muujinaya sida horumar looga gaari karo himilada fog ee laga dhaxlayo isweydaarsiga nidaamka midnimada dawlada iyo muwadininta ee hadda jira aduunka, waana mid natiijo u ah ka adkaanshaha burbur laakinse dhalinaysa dhisida bulsho wacan”.

Thomas E. Weisskopf "madaxwaynaha fahmayaa isku-xidhka caddaaladda iyo dhaqaalaha waxay dhiirigalinaysa kalsoonida bulshada arkayso, saamiga khayraadka wadan ka lagu horumarinayo oo aan la kala xigsanayn, taasna sababaysa firfircoonaanta muwaadinta si dhab ah, u daneynaya abuurista dhaqale caddaalad ku dhisan ".

Ilene Grabel "Dawlada waxa fure sahlan u noqonaya samaynta Caddaaladda iyo Dhaqaalaha ka soo burqada awooda wax soo saar iyo ururinta dakhlida dalka, oo shaqale hami leh qabtan, oo taariikhda siyaasadeed ku qoranta,dabarka difaacaya dhalleeceyn ballaaran ee ku saabsan kaabayaasheeda khayraadka, waa abuurista himilo, rajo iyo suurtagal u ah horumar la wadaago”.

Bulsho dhaqaalo ahaan cadaalad ku dhisan, waxay loo u dajisan siyaasado horumariya sinaanta iyo cadaalada dadka oo dhan. Mana hirgaliso shuruucda iyo siyaasadaha cid gaarka ah diirada looga faaiaynayo lunsiga hantida dad waynaha, ka hortaga gacmaha qaldan baabi’intooda waxa kaw ka ah muwaadiniinta dalka dhaxalkiisa difaacid iyo dhaqashada lexjeclaba,hogaanka rumeeya helida cadalad dhaqale waa horyaalka umada ka saaraya hanfiga kulayl naf go’o keeni kara , una badalaaya barwaaqo dareen farxadeed oo umad wada noolata hesha.waana astaamaha caadilku ah u baahan yahay in uu lahaado siyaasado keenaya cashuuro caddaalad ah oo habboon, waana ta Somaliland manta ka idlaatay!!!
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...