May Aheyn In Maanta Siyaasada Somalia Shacbiga Iyo Xisbiyada Somaliland Saameyn Ku Yeelato ,

0
Saturday September 07, 2019 - 10:22:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    May Aheyn In Maanta Siyaasada Somalia Shacbiga Iyo Xisbiyada Somaliland Saameyn Ku Yeelato ,

    In Ay Somaliland Saameyn Ku Yeelato Ta Somalia Mooyaane !!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In Ay Somaliland Saameyn Ku Yeelato Ta Somalia Mooyaane !!!

Waxa aan qarsoonayn oo muuqata in dawlada  federalka Somalia oo u taag la in ay amni ka dhaliso magaalada Muqdisho ay saameyn siyaasadeed Somaliland ku yeelato marka laga yimaado sharciyada qaanuuniga ah ee loogu aqoonsan yahay dawladii jamhuuriyada Somalia ee burburtay dawladnimadeedii , iyada oo la ogaa in dawladaasi ahayd laba dawladood oo isku tagey oo la kala Somaliland British Protectorate iyo Somaliland Italian colony oo maanta la kala noqday dawladnimadoodii iyo waxii ay isku darsadeen .

 

Taasi oo ah marka aad u fiirsato aragtida Dadweynaha ee baraha bulshada waxa ay la kala safan yihiin mucaaradka Somalia iyo Muxaafidka Somalia , hadiiba aan sii qeexo taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani waxa ay la safan yihiin dawlada farmaajo halka taageerayaasha xisbiga Kulmiye ay la safan yihiin mucaaradka dawlada farmaajo .

 

May ahayn maanta in ay saameyn inagu yeelato dawlad iyaduba dalkeedii iyo magaalo madaxdii maamuli kari la oo liicliicaysaa ee waxa ay ahayd hadiiba cidi saameyn siyaasadeed yeelanayso in ay Somaliland saameyn ku yeelato sida dawladaha kale ee Kenya iyo Ethiopia ay ugu leeyihiin saameynta siyaasiga ah oo taageeradooda iyo danahooga ugala soo dhex baxaan Somalia.

 

Arimahani waxa ay tilmaamayaan in saameynta Somalia Somaliland ku yeelanaysaa ay keentay hoos u dhac ku yimid siyaasada Somaliland oo heerarkii ay taagnayd hoos uga soo dhacday iyo Somalia oo awoodaheegii dhaqaale iyo dublamaasiyadeed isugu geeyay cabudhinta iyo cadaadinta qaranka jamhuuriyada Somaliland.

 

Hadii ay sidani sii jirto oo ay Somalia Somaliland faragalinta siyaasadeed iyo cabudhin diblomaasiyadeed ugu hayso , waxa ay sababaysaa in ay Somaliland ka abuurto xasilooni daro taasi oo khatar ku ah Geeska Africa iyo guud ahaan bariga Africa oo ay Somaliland ka mid tahay meelaha ugu nabadgalyada iyo dimuqaradiyada hogaanka u haya guud ahaan Africa  , walow ay dib u dhacyo doorashooyin xagal daaciyeen nidaamkii dimuqaradiga ahaa ee dalka ka hanaqaaday.

 

Waxa iyaduna Somaliland qalad laga galay iyo eex ku ah in iyada Somalia aduunku u cadaalad sameyn waayo oo ay u janjeedhsamaan dhinaca Somalia , arinkaasi oo tacadi iyo meel ka dhac ku ah rabitaanka iyo dawladnimada dadka reer Somaliland , waxaana ay tilmaamaysa in aan xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta reer Somaliland aan aduunku ixtiraamin ee uu iska indha tirayo ilaa maanta iyada oo dadka reer Somaliland 28 sanadood ka hor dawladnimadoodii kala soo noqdeen Somalia.

 

Waxa aan halkan talo uga soo jeedinayaa siyaasiyiinta iyo axsaabta siyaasada ee Somaliland oo aan leeyahay waa ayaan daro in Somalia oo maraysa halkii ay Somaliland maraysay 1990skii aynu siyaasadeeda daba galno halkii inaga Somali iyo Geeska Africa oo dhan la inaga daba socday ee la inagaga dayanayey dib u heshiisiinnta , dhismaha dawladnimo iyo nidaamka dimuqaradiyada oo aynu hormuud ka nahay ilaa maanta Geeska Africa.

 

Waxa aan arkayey in Somaliland wadahadaladii Somalia dib u ogolaatay iyada oo shuruudo ku xidhay , haseyeeshee waxa isweydiin leh wadahadaladii horeba way midho dhali waayeen oo qodobkii ahaa in Somaliland iyo Somalia caalamku dhexdhexaadiyo oo si siman loola macaamilo xataa muu suurto galin oo Somalia ayaa aduunku u janjeedhsamay xagooda taasina waxa ay gef ku tahay shacabka reer Somaliland iyo dawladooda .

 

Waxa hubaal ah in dadka reer Somaliland ka midaysan yihiin jiritaanka iyo waxwada lahaanshaha qaranimada Somaliland , laakiin xafiiltanka iyo xadhig jiidadka siyaasiyiinta ayaad moodaa in uu shacabka dhex keenay dood iyo in lala kala safto siyaasada Somalia , taasina maaha wax maanta dalkan iyo dadkan kumayaalka halyey u soo naf waayeen oo dhiigoogii u hureen anfacaysa iyo wax la filayey midnaba.

 

Fiirogaara: Somalia waa dal iyo dawlad soomaaliyeed oo inoola siman dawladaha jaarka ee Ethiopia iyo Djibouti laakiin aan qirsanayn in Somaliland iyo Somalia dawladnimadoodii la kala noqdeen oo wali ina tirsanaysa markaa in aynu ku milano maaha oo hore ayey umadani go'aan uga qaadatay , laakiin way jiraan shaqsiyaad iyagu isaga shaqo tagey Somalia oo aan cidna matelin.

 

Aragtidayda

Muhamed Dhimbiil

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...