Afeef Horaa La Yeeshaa Ama Adkaysi Dambe ( Abdi-Shotaly).
marka la idin leeyahay qun yar cagaha dhulka dhiga, oo dadka ka daaya boobka, dal-kana burburka ha laga joojiyo, dheg uma dhigtaan, ee xaal-kiinu waa dhaxal aanad lahanaw macaanaa iyo dhabaqsi lagu sare tago, marka la idinku soo qabtana, cabaadka baad ka wadhaan, oo war-baahinta baad ku waalataan, idinka oo been ka sheegaaya wixii aad fasheen, wax aan jirina ku meeraysta, iyo aniga baa awood leh oo waxaan doono samayn kara. Wax la isu qarinaayo baa iska-ba yar, ee bal halkay idinla gaadho sii wadda xidha saxaafadda, baraha bulshadda, youtube-ka, website-yadda, TV-yadda gaarka loo leeyahay, si wacan uga soo hor jeesta xoriytul-qawlka. Waxa kale oo la yidhi nin daad qaaday xumbo cuskay, marka runta la idinku qarxiyo, ee ceeb-tiina banaanka la soo dhigo, joojiya kolba derbi isku qaadka, aad ka warwaree-gaysaan siri-hiina la kashifay, ee hanti boobka ummadda, idinka oo kolba askari yar soo siiya laaluush ah, hebel baa wax iga sheegay ee ii qabta. Waxan idin leeyahay wax qarsooni ma jiraan, ee wax waliba waa daalac yaa shamis, oo wax la isu reebaayo baa iska yar, ee marna tag-tiina, marna tamar-tiin, akhristaw hora aloo yidhi, mid laga fadhiyi waayey, oo aakhirkii runtii ka hor timi sidda " Cali Baqdaadi" Afeef hora la yeeshaa ama ama adkaysi dambe, ee ha joojiyo bac-bacadda iyo kiis iska waalka waa lagu hayaa tuugada'e.
Waxa leeyahay Cali Baqdaadi, " Ma taqaanid beenta'e, runta
barasha-deedaa, bello kaa hor joogtaa" Maxaad oohinta la wadhaysaa, ee aad
kolba derbi isugu qaadaysaa, hal been ah lagaama sheegine. Hadaad is leedahay
xaqiiq-daad sacabka saari kartaa, been baad u sheegtay naf-taadda, ee
indha-haaga oo shan ah bay ku hor iman doontaa cadceedda oo duhur ah, inta aad
ka galgalan kartaana waa wakhti iska yar. Runtu beenta waw cadaw, oo wax kaste
oo la dafiraa iyaka baa iska soo baxa, oo xagga samadda baa laga nuuriyaa.
Maamulka iyo shaqaalaha Hadhwanaagnews, waa kuwo dal-koodda iyo dad-koodda u
daacad ah, xaqa ku adima, soo ban-dhiga wax yaabaha dalka ka socdda iyo
aragtidda dad-weynaha, dhibaatadda shicibka lagu hayo, boobka, xaq daradda ka
taagan wadanka, sinaan la'aanta, eexdda, kala sooca muwaadiniinta, waa
war-baahin u adeegta danaha ummadda, oo aan qof qudha iyo maamul kaaste oo wax
is moodda aan u joojin, xataa kan askarta daayoo aan weliggii mid-na ugu
habran, ee daaha ka qaadda anshax-xumidda maamulka askarta, ee ay hor boodayaan
Labadda askari ee la kala yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo
shaaximan" Iyo dhamaan dhuuni raac-yadda ay ku adeegtaan ee ummadda boqno
gooyey. waxa ay walaaqayaan caydhan siddii ayaxa, hantiddii dalku lahaa la kala
yaacay, waa la soo shaacinayaa, oo cid is hor tagai kartaa iska yar, ee waa
dagaal ka dhexeeya Inta dacadda ah iyo tuugta isu kaashatay xadista xoolahii
ummadan tabaalaysan in ay dhacaan, taas si walba looga dhergay.
Waxan ku soo xidhay qoraalkan, War la qabaa xiiso ma leh, ee waxan halkan
ku soo koobayaa Sababta ay isu raceen " Raggii ma adigaa ka hadhay, Geenyo
shaaximan iyo Taani baasto" kuwaas oo Baryo ula tegay, ina geele basalka
horjoogaha ka ah Djabuuti, oo u seedi ah labadda Askari ee Taani baasto iyo
Raggii ma adigaa ka hadhay. Wax la hayaa oo run ah, in ay waydiis-teen
Hub iyo saanad ciidan, oo ay ku yidhahaeen, waxanu rabnaa hub culculus oo aanu
Janaral Caarre Kaga saarno Buurta, balse nasiib darro, wuxu ku yidhi,
kaas ma hayo oo aniga baa u baahan, taangiga keliya baa ah $40 milyan, qoryaha
waaweyna buurta qaar maraaya ma aha, oo waa la idinka qabsanayaa. Sidaas awgeed
waxan idinku caawinayaa waxoogaa qoryo yar yar ah oo askrigu qaadan karo iyo
miino, iyo rasaas-tooddii, telefoonadda ciidanku kuwadda hadlo, wax intaas
dhaafsan ma bixin karo, oo maba haysto, waxa kale oo isna uu waydiistay in uu
ay u soo qabtaan "Axmed Geelle Arab", taas oo noqotay
"fartu-diidaye, ma fulaa-dhaqay" waa yaabe " Wadaadku faan
weynaa, ma sadexdan askari ee kor ku qoran, baa soo qaban kara Axmed Geele
Arab. Allay-lehe haday isku kartay, ha isku dhalaasho, waa kuwii diiday qun yar
fadhiista'e.
* N.B Runtu Beenta Waw Cadaw.
Qore:- Abdi-shotaly.
[email protected]AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!