Djibouti Iyo Somaliland Xidhiidh Sokeeye Qodaxina Meesheed

0
Thursday September 05, 2019 - 11:50:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Djibouti Iyo Somaliland Xidhiidh Sokeeye Qodaxina Meesheed

    Ka sokow isku mandaqadda ay isku yihiin labada waddan Waa Jabuuti iyo Somaliland e,waxa u dheer asalka Somalinimada,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka sokow isku mandaqadda ay isku yihiin labada waddan Waa Jabuuti iyo Somaliland e,waxa u dheer asalka Somalinimada,
oo jabuutti in kastoo qoomiyado badan degaan haddana waxa Hoggaanka u haya Qabiilka Somali gaar ahaan qowmiyadda Ciise oo taagero ka haysatta Isaq iyo Samaroon sidaana hoggaanka ugu haysa Jabuutti,Somalida gaar ahaan qabiilka Ciise waxa ay degaan xuduudda labada dhinac Somaliland iyo Jabuutti,sidaas darteed marnaba meesha lagama saari karo walaalnimoda gacal iyo sokeeyeba la yahay iyo jaarnimada oo ah waxaan waligeed guurayn.

                            TAARIIKHDII HORE

Hase ahaatee waxay belo ka dhacday Xagga Siyaasadda,tan iyo intii ay xornimada qaadatay jabuuti 1977kii waxay la kowsattay xukumaddii Maxamed Siyaad barre iyo jamhuuriyaddii Somali wayn,xidhiidh qotta dheer ayay wada samaysteen Siyaad Barre iyo Madaxweynihii ka horreeyay madaxweynaha hadda talada haya ee Jabuuti oo la odhan jiray Xassan guleed Abtidoon,mararka qaarkood dad badani waxay u malayn jireen xilligaas xassan guuleed in Jabuuti ay xukun sharafeed uga amar qaadatto Siyaad barre,sidaas ayuu Ismaciil Cumar geelle ku dhaxlay,isaguna wuxu yidhi wax aan ahayn Somali wayn lay soo marin mayo,waxayna reer Somaliland u arkaan inay Jabuutti u xagliso xagga Somalia mar wal iyo meel kastaba.

Waxa xusid mudan halgankii Somaliland loogu jiray 1980s kii jabuuti aad iyo aad ayay uga soo hor jeedday taariikhda ayaana caddaynaysa kaalintii ay ku lahayeen Heshiiskii lagu shirqoolayay SNM 1988 kii,sidaas darted markii Somaliland lagu dhawaaqay,1991 si aad ah ayay uga xumaadeen waxayna markiiba marti geliyeen shirkii ugu horreeyay ee lagu soo dhiso Xukumad Somalia,waxana loogu soo cumaamaday Madaxweyne Cali mahdi,haddana yeelkeede illayn waa dad wada dhashay ee Somaliland iyo Jabuuti waa la wada socdaa uun,meelna la kala tagi waa siyaasaddina lagu heshiin waa.

Intii ka danbaysay ku dhawaaqiddii Somaliland ee 1991kii ,dhowr jeer Madaxweyne cigaal iyo Ismaciil Omar geelle way isku dhaceen oo xuduudaha way kala xidheen haddana socon wayday,inta badan Somaliland ayaa walaalnimada ku dhegan waxayna ku waddaa adkaysi iyo Samir bal inta wakhtigu is beddelayo,ama jabuuti ay indhaha hoos u soo celinayso.

Waxana aad mooddaa inay Somaliland u dhaqmayso sidii ninkii la odhan jiray Cadduur,ee iyadoo la garramayo wiil yar ul loo dhiibay ee la yidhi cadduur la dhac,ha xanaaqo oo meesha ha ka kaco e,hase ahaattee Cadduur oo lagu yaqaannay nin waayo arag ah,aftahan ah ayaa hadalkiisa sii wattay wuxuna lahaa qodaxi meesheed ee waxan halkaas kaga jawaabay!!!!markaas ayay yidhahdeen nimankii kale Cadduur dhow dhowdu umay dhicin.

   SOMALILAND IYO XIDHIIDHKA CAALAMIGA AH

Hase ahaatee adduunku waa is beddel badan yahay,oo waxa muuqatta in Somaliland wax badan u kordheen dhowaanahan xagga siyaasadda arrimaha dibadda ka dib markii ay Somaliland diiday ku day badan oo xagga Sucudiga kaga yimid,oo ay Somaliland iska caabiday ka dibna teedii ay noqotay sida kii xoolaha iyo safarkii Madaxweyne Muuse Biixi eeXajkaba,waxa kaloo hore u jirtay in shirkadda laga leeyahay DP world ee laga leeyahay waddanka Iimaaraadka carabtu uu maalgashaday  US $442 milion dekedda biyaha gunta dheer ee Ber bera,jabuuti waxay ka muujisay arrintan Hinaase aad u wayn,sababtu waa geeska Afrika oo ay u ahayd Deked gaar ahaan Ethiopia oo 95% alaabta kala soo degta Dekedda Jabuuti,waxa kaloo jirtay in waddanka Afrikada galbeed ku yaalla ee Guniea Conakry, iyo waddanka  Eritrea oo isaguna muddo go’doon ka ahaa ay xidhiidh dhow la yeesheen Somaliland.

Dhinaca kale Jabuuti ma ogola,waddan Somali ah oo madaxa la kaca,waxay isu arkaan maadaama ay Somalia noqotay qaran guul darraystay(failed State) inay iyagu xaq u leeyihiin in adduunku u dabo fadhiisto oo wax laga waydiiyo arrimaha Somalida,lakiin imika waxa muuqatta inay Somalilnd noqotay wax aan la qarin karayn.

                       SAFARKA MADAXWEYNE BIIXI

Isku soo wada duuboo wakhtigan,waxa la dhowrayaa indhahana lagu hayaa Safarka Madaxweynaha Somaliland H.E Muuse Biixi Cabdi uu ku tagay waddanka jabuuti oo martiqaad uu ka helay,lama oga inuu yahay wada hadalkii Somalia iyo Somaliland oo hakaday ama meeshaba ka baxay inuu daaranyahay iyo inay jabuuti siyaasadeedii hore wax ka bedelayso oo Haatan ay is daad raacin waddo,maadama ay aragtay in ilo u furmeen Somaliland oo aanay go’doon ku sii jiri doonin,iyo inay tahay iskaashigii badda cas,oo ka fursan wayday in Somaliland qaybteeda la siiyo lagana talo geliyo,Sidoo kale lama oga in laga wada hadli doono arrinkii Ganacsade Axmed Osman Geelle oo ah nin muwadin ka ah labada dalba.

 

                             SOO JEEDIN

Si ay ahaataba Dhinaca Somalilnd maanta waxa u furan inaan jilayc laga dareemin,ee ay ka badheedhaan oo ay gar naqsadaan  Jabuutiyey dad walalo ah ayaynu nahay, saluug ayaanu kaa tirsanaynaa ee is caddee,oo nala raadi ictiraaf xaq ayaanu u leenahaye,waxanu kaaga fadhinnaa inaad dhex noo noqoto anaga iyo Somalia oo Runta waad noo kala sheegi kartaa,idinka ayaa xog ogaal ah,haddii aad u hagar baxdaan waad dhamayn kartaan arrimaha dhex taagan Somalia iyo Somaliland,ee noo gar qaada haddi aanu khaldanay na qabta,haddi nalaga khaldanyahay noo hiiliya,waxanu idnka marti nahay inaad sharaftayada iyo meeqaamkayaga dhowrtaan,oo ugu yaraan aad ku dayataan sida ay Xukuumadda Guniea Conakry oo aanan waligayo kulmin noo sharfeen.

Allaa mahad leh

 

Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...