Shilamadii Nalaga Dhacay, Sharciga Fasaxayo, Lama Sheegi Karoyidhi, Miidiyihii Shib Laga Sii
WAXAAN SALAAN KHAAS AH U SOO DIRAYAA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
SHILAMADII NALAGA DHACAY,SHARCIGA FASAXAYO,
LAMA SHEEGI KARO YIDHI,MIIDIYIHII SHIB LAGA SII,
SHOOKIBA LA GEEYO,HADHWANAG RUN LOO SHEEG,
SHACABKOW NASIIBKA,SHUUQSAY KII WAX XADAYO,
SHAWRBA DHEXMARAYO,SHURAKAABA LAGU YAHAY,
SHEEGAA MA DHAAFTIYO,SHAKIYOO DADKII BAQAY,
SHINKEEDAA U BUUXSAMAY,SHIRBADIYO CIYAARA,
SHAMARERTAY TALADI,SHARGUDBANE ALLAA JIRA,
SHANTA SANO SHAQAYSTO,SHANDADAHA KA BUUXSADA,
SHEEKHIIBA TILMAAMOO,SHANTUBA WAY KA SIMANYIIN,
SHAXDA DEGOO INOO JEEX,AYNU WADA SHUSHUBANEE,
SHUQULKU WAA MID SOO JIRAY,SHARAF BAY U HAYSTAN,
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEHAFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!