Ha Noqon Aalad Riyooyinka Rumaysa. Qalinkii: Axmed Cali Kaahin.

0
Thursday September 05, 2019 - 11:05:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha Noqon Aalad Riyooyinka Rumaysa. Qalinkii: Axmed Cali Kaahin.

    Dhamaan aadamuhu waxay jecel yihiin in ay noqdaan dad dhaqaale ahaan madax Banaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhamaan aadamuhu waxay jecel yihiin in ay noqdaan dad dhaqaale ahaan madax Banaan. Balse inta badan nolosha, dhaqdhaqaaqa, Iyo fikirkooda. Waxa Jaangooya oo habeeya dad kale oo ay gacanta ugu jirtaa taasi oo sababta in farxada iyo rayraynta nolosha ku leeyihiin tabayaan wax kamida.


In qofku si madax banaan isagu is shaqaalaysiiyo waa shaqada ugu farxada badan dunida balse maaha shaqo hawl yar hir galinteedu. waxay martaa marxalado kala duwan kuwaasi oo dadka qaar albaabka is ku filnaantu wuu soo dhaweeyaa. halka qaar kale furistiisu ku adkaato mudooyin badan. halka kuwana markay daynwaayaan oo ayna daalin mar uun deeqda rabbi u balaqanto.



Waxaad arkaysaa qof haduu dhagaxaan ka ganacsado lacag ka samaynaya halka qaar ndahab keenay aanay waligood hore u hinqanayn iyaba waa qayb Rabbiye swt. balse haddana waxaa nolosha sunaheeda lagu arkay in cidii daali waydaa ee samirka miciinsataa ka biyo Keento jibo kasta. Taasi oo ah sirta furmida albaabada kala duwan ee nolosha la waajaho.


Taasi oo nin khal iibinayay ka iib batay kii malabka iibinaayay, waxa uu waydiiyay waar anaaba malab iibinayee waa sidee . waxa uu ku yidhi anigu carab malab leh baan kalka ku iibinayaa adna malabka carabkii khalkaad ku iibinaysaa sirta waa qaabkaaga suuqgayneed.


Dhamaan dadka shaqaalaha ahi waxay jecelyihiin in mar uun shaqo ay u madax banaan yihiin mar uun yaqleeshaan. balse labadaa qolo waxa u dhexeeya xadhig yar oo lay idhaa ficilka ama hawlgalinta oo qabo hawshaa waayo qofksataa waxa laabtiisa ka buuxa tobanaan mashaariic kala duwan oo cajiiba bals mid hal mashruuc calooshiisa ku jirtao uun baa ugu dheereeya taasi oo ah ka hawlgalida ama ku dhaqaaqida oo qaacidada madaxbananida iyo hawl kasta. Waayo yididiiladu waa maalka fuqaradu ku nool yihiin dooxyada dhexdooda. Halkay sheeda ka sheedaalinayaan ragga buuraha saaran.

.

Dadku way wadda riyoodaan waa meesha salaanka hawl kastaa ka bilaabmo waxa uu maraa ilana 7 xaaladood oo kala duwan. Ku dhaqaaqidaana hogaan u ah iyo joogtayn hadaanad lahayn waligay meel Gaadhi maysid waxa kaliya oo ay dadka gaarka u shaqaystaa ku dheeeryihiin kaliya waxay ku riyoodaan way sameeyaaan talaabooyinka kale ee loo baahamyahayna way raaciyaan.


Nin maraykan ah oo bilaa camalaa shaqo u doontay shirkad weyn oo maraykana ka dib Markii waraysiga laga qaatay waxa loo sheeegay in ay banaan tahay Shaqo kaliya oo ah nadiifinta musqulaha shirkada. Lagana doonayo email boosta electroniga ah in uu leeyahay si jawaabta iyo wixii kale loogu soo diro. Balse waxa uu u sheegay in aanu emal lahayn.


Markii uu ka soo baxay shrikadii ayuu fikiray. Lacag yar oo uu haystuu ku iib saday khudaarta Strowbery ga layidhaa kartoon yar. Xabad xabad buu uga iibiyaa dadkii suuqa marayay. Markiiba waa laga dhamaystay. Wuu wadday ilaa uu kartoomo u badallay wuu wadday shirkad yar. Hadana xaafadii buu qabsadaay strobwry ilaa gobolkii hadda waa mulkiilaha shrikadaha ugu wayn ee qaybisa starowberry ga maraykanka.


Mar uu shir caalamiya ka galay, markii shirkii dhamaaday waxa loo sheegay in warbixinaha email loogu soo diro uu sheego. Waxa uu yidhi hadalka caan baxayhadii email lahaan lagaa waxaan noqon lagaa suuli maydhaha shirkadaha heblaayo. Waxaan kasoo xigtay oo sheekadaa buug ka akhriyay Garyaqaan Xasan faarax.


Gabogabadii hadii aad dareen santahay in aad leedahay hibo hal abuur shaqooyinka gaarka mid ka mida dhaqaadh oo samee. Waayo waxa jira kuma aan riyadoodu ku dhexdhimato aman la dhinta.

Waxa bishiii mushar loo qaato dad baa maalin ku shaqeeya. Waxaand neefsan hawo ka fiican tan hadda aad qaadato balse awawgay Xuseen Badal dardaaranadiisii waxaa ka mid ahaabakayluhu intuu bur ku jiro ayuu bur kale diyaarsadaa. Taa macnaheedu waa shaqdaada ha tuurin balse bur kale oo ku qaadi kara markaad diyaarsato aayar ku wareeg. La isma tuuro oo murugaad u dhiman. Shaqo aanad aqoon u lahayna ha galin


Haddii kale waxaad ahaan qof qof kale ku gaadho riyadiisa oo riyo rumeeyewanaagsan baad noqon. Inagooon ka tagayn sunada rabbi oo ah in dadku wadda noolyihiin madax iyo mijo. Waxa iyana jirta imisaad qaatadaa maahee waa imisaad kaydisaa. It’s not How much you earn but how much you save.

Waxaad arkaysaa mid toban jeer ka mushar badan mid kale balse ka musharka yari ka hanta iyo nolol roon yahay. Soomaaliduna kaydsiga ma taqaan. Kaydsiguna waaba ilbaxnimada casrigan ee baananka loo sameeyay dunida. Dhari looma noolaado iyo dhuuni. Noloshu way socotaa markaa waa in aynaan ka hadhin oo la soconaa.


Qalinkii Axmed Cali Kaahin.

[email protected]

HA HILMAAMIN XUSKA RABBBI SWT.

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...