Xarunta Dhaqanka Hargaysa: Xarunta Sharka iyo Shaydaanka W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
Thursday September 05, 2019 - 10:57:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Dhaqanka Hargaysa: Xarunta Sharka iyo Shaydaanka W/Q: Cali Cabdi Coomay

    In loo hiiliyo diinta iyo dhaqanka suubban ee Islaamku waa shay waajib ku ah qof kasta oo Islaam ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In loo hiiliyo diinta iyo dhaqanka suubban ee Islaamku waa shay waajib ku ah qof kasta oo Islaam ah.
Xarunta dhaqanka Hargaysa waxa sannad kasta lagu qabtaa wax loogu magac-daray ‘Bandhiga Caalamig ah ee Buugaagta Hargaysa’. Waxa se bandhigaasi ka xoog badan shakhsiyaad kala duwan oo ka yimaada caalamka. Shakhsiyaadka gaalada ah ee aamisan dhaqanka QOOMU-LUUDKA ayaa beriyihii u dambeeyey ku soo fara badanayey ka qaybgalka bandhigyada buugaagta.


Dhaqanka QOOMU-LUUDKU wuxuu caaqiido diimeed u yahay shabakada shaydaanka ee maanta ugu awoodda badan adduunka. Aayadda 5aad ee suuratul Calaq ee Qur’aanka Kariimka ah waxa ku cad Alle ‘swt’ inuu addoomadiisa baray cilmiga iyo dhaqanka wanaagsan. Diinta la’aanta reer galbeedku waxa ay dib u soo noolaysay dhaqan xumadii hore ee halaagay qoomkii Nebi Luud ‘cs’. Kiniisad ku taalla Demark ayaa markii ugu horraysay sharciyeysay guurka lamaane isku jinsi ah, oo nuxurkiisu ahaa inay laba nin is-khaniisaan laba naagoodna is-farafareeyaan. Aakhirkii waxa ay maraysaa in la arkay Baadari khaniis ah ‘Gay Bishop’. Abwaan Abshir Bacadle AHU ayaa tixdan dareenkiisa ku cabbiray:

= Dumarka yaan la kala xigin miyaa xuquuqul insaanku?

= Ragga xaas halaga dhigto miyaa xuquuqul insaanku?

= Xalwada diid, xaarka foqo miyaa xuquuqul insaanku?

Haddaba shakhsiyaadka ka soo aflaxay xaurmaha fisqiga iyo dhillaysiga dalalka reer galbeedka ayey xarunta dhaqanka ee Hargaysi inoogu soo casuuntaa mashruuca bandhiga buugaagta Hargaysa. Waxa aynu mid mid u soo bandhgi doonaa shakhsiyaadka aamisan dhaqanka QOOMU-LUUDKA ee lagu soo casuumay bandhigaddii buugaagta Hargaysa:

= Sannadkii 2015-kii waxa xarunta dhaqanka Hargaysa lagu soo casuumay JUDLY KELLY oo ah habar u dhalatay dalka Ingiriiska oo madax ka ah laba urur oo la kala yidhaa WOW iyo SOUTHBANK CENTER. Labaduba waxa ay ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa dhaqanka dheddig dhillo ‘Lisbian’oo nuxurkiisu yahay inay is-faraxumeeyaan dadka isku sinjiga ahi. Habartan JUDLY KELLY waxa ay si cad u sheegtay inay gabadh ay dhashay oo la yidhaa CAROLINE ay sannadka dambe u dhisi doonta gabadh kale oo ay saaxiibo ahaayeen. Aroos weyna loo sameyn doono xagaaga dambe.   Waxa ay xarunta dhaqanka Hargaysa kulan gaar ah kula yeelatay dumar reer Soomaalilaan ah, waxa ay kala hadashay ma cadda. Faahfaahin dheeraad ah eeg lifaaqan . https://voiceofsomalia.net/2015/08/08/hargeisaa-british-lady-that-lobbies-for-same-sex-marriage-is-attending-hargeisa-book-fair/.

= Sannadkan waxa ay xarunta dhaqanka Hargaysa soo casuuntay gaal madow oo la yidhaa DONALD MOLOSI una dhashay dalka Boostiwaana. Wuxuu u ololeeyaa dhaqanka Qoomu-luudka ama inay is-faraxumeeyaan dadka isku sinjiga ahi. 28/8/2019 wuxuu gaalkani xarunta dhaqanka Hargaysa ku soo bandhigay filim la yidhaa ‘ WE ARE ALL BLUE’. Waxa se weli maqan nuxur ahaan wuxuu filimku xambaarsanaa. Qoraal u soo dhigay bartiisa Tuwiitarka bishii Juun ee sannadkan ayuu si cad ugu sheegay inuu u ololeeyo dhaqanka Qoomu-luudka.

Dr. Jaamac Muuse Jaamac guddoomiyaha xarunta dhaqanka Hargaysa oo warbaahintu wax ka weydiisay ninkan Qoomu-luudka ah, ayaa ku af-gobaadsaday ‘ In aanu ogeyn in ninkani u ololeeyo dhaqanka Qoomu-luudka’. Marka laga tago kuwan is-muujiyey waxa weli ay su’aali ka taagan tahay inta qarsoon ee ku jirta dadka la soo casuumay ee aanay cidi ogeyn ee aaminsan dhaqanka foosha xun ee Qoomu-luudka. Wakhtiyada dalagga beeruhu baxayaan, waxa jira hadhuudh kuwa kale ka madax dheer. Hadhuudhkaasi marka hore wuxuu ku faanaa I ARKAY--- I ARKAY, ka dibna dusha ayey shimbiro iyo cayayaan kaga degaan. Dabayshuna kolba dhan ayey u ridaa. Ugu dambeynta wuxuu ku calaacalaa I QARIYAAY—I QARIYAAY. Sidaasi oo kale meel kasta oo Ilaahay lagu caasiyaa waxa ay ku dambaysaa I qariyaay.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...