Isbaddelka Cimilada Aduunka Oo Saameyn Ku Yeeshay Geeska-afrikaha Cusub, Shirkadaha Waaweyn Ee Ganacsiga Oo Il-gacal Ku Eegaya Mandaqada,:- Qalinka: C.S.F(Jeesto).

0
Thursday September 05, 2019 - 10:49:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbaddelka Cimilada Aduunka Oo Saameyn Ku Yeeshay Geeska-afrikaha Cusub, Shirkadaha Waaweyn Ee Ganacsiga Oo Il-gacal Ku Eegaya Mandaqada,:- Qalinka: C.S.F(Jeesto).

    Mudooyinkan waxaan yara hakiyey Faalooyinkii mandaqada sababo hakad dhinaca Siyaasada Geeska oo iska shax-guursanayd,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudooyinkan waxaan yara hakiyey Faalooyinkii mandaqada sababo hakad dhinaca Siyaasada Geeska oo iska shax-guursanayd,
Balse ifafaalooyinkan  soo  baxaya usbuucyadan  danbe  ayaa waxay  dib  u istaadheen  xaaladii  iyo xamaasadii  amuuraha  gobalka yadoo  ay  sal-dhig u  tahay  Isbaddelka Cimilada  Aduunka  guud ahaanteed,  "Climate  Change And  Global  Warming”, Oo  inta  ugu badan  hada  laga fikiro  xal  u helidiisa  yadoo  ay Fundka  ugu  badan ku  bixiso Jimciyada  Quruumaha Ka  Dhexaysa.

 

Dunida  badankeedu waxay  ka  Halaan-haleysaa  Isbaddelka Cimilada oo  meel  barafley ah  ayaa  noqotey kulleyl  halka  meel kulleyl  ahina  ay noqotey  barafley,  Dhibaatadani ayey  ku  sifeeyaan qolada  culimada  degaanka ee  "  Environment Scienceka”,  Oo  xusey sababtu  iney  tahay "Chemical  Smokeska”  ka baxaya  wershadahan  fara-badan ee   qaarkood  ay  soo  saaraan (Chemical  Experimentska),  Kuwaasi oo  qiiqoodu  yagleelo "  Chemical and  Physical Change”,  Baddelaya  dabeecadii hore  ee  cimilada taasi  oo  barteedii ka  guureysa.

 

Isbaddeladani  waxay albaabo  jaanis  u fureen  arimaha  Dhaqaalaha Aduunka  ee  aadka loogu  hirdamayo,  Kuwaasi oo  ay  ku loolamayaan  Quwadaha  Dunida ama  hagayaasha  Siyaasada Iyo  Dhaqaalaha  aduunka oo u  badan  Reer galbeed,  Mandaqada  Geeska-afrika oo  ah  marin caalamiya  ayaa  hadaba loo  baahdey  iney ka  mid  noqdaan mishiinada  wareejinaya  Dhaqaalaha Aduunka  yaga  oo la  isticmaalayo  marin-biyoodyada  uu gobalku  leeyahay  si lays  kaga  kala goosho  isu-socodka  dunida, Qodobkan  ayaa  fududeynaya gaadhida  badeecooyinka  Aduunka quutayaasha  ah  ee Quwaduhu  ka  ganacsadaan.

 

Dhinaca  Cimilada geesku  muu  noqon mid  uu  Isbaddelkani si  dhaba  u baddelay  jawigiisa  Cimilo-gooreed  balse waxa  uu  Saameyn ugu  yeeshay  qodobo Siyaasadeed  iyo  kuwa dhaqaaleed, Sida  laga  helay Hay,adaha  Degaanka  Geeska-afrika wax  badan  iskama baddelin  hadii  laga tagiwaayo  waxoogaa  Kul ah  ayaa  ku soo  kordhey  mandaqada, Wadamada  Bariga  Afrika ayaa  ah  kuwa intooda   badani  fahansan tahay  amuurahani  isla markaana  u  sii Gogol-xaadhanaya  ka  faa’iidaynta korodhka  dhaqaale  ee talaabooyinkani.

 

Maxaa  Sal-dhig U  Noqonaya  Jaaniska Geeska  Cusub,  Waa Maxayse  Geeskan  Cusub Ee  La  Saadaalinayaa ????.

 

Qodobka  ugu weyn  ee  Sal-dhiga u  ah  jaaniska ay  wadamada  Bariga afrika  ka  helayaan boratanka  Ganacsiga  aduunka iyo  is-eryadka  quwadaha aduunku  waa  Casriyeynta Xeebaha  bariga  afrika ee  dhexaalka  u ah  dunida,  Kuwasoo wadiiqo  u  noqonaya tar-tanka  ganacsiga  dunida wax-soo-saarta  si  ay suuqyo  uga  helaan dunida  wax  quudata ee  Bariga  afrika ka  midka  yahay, Iyo  sidoo  kale "Raw  Material”, U  badan saliid  iyo   shidaal. Ku imanaya  nidaamka  (Geography Scholarsku), Yidhaahdaan "Continental Drifts  or  An Earth  Slope”  ama janjeedh  dhuleed  oo dhawaan  la  filayo.

 

Xeebaha  bariga afrika  waa  marino aduunka  intiisa  ugu muhiimsan  laysaga  kala gooshi  karayo,  Tusaale ahaan  waxa  ku yaala  marinta  "Red Sea”  oo  xuduud la  leh  "Pakistan gulf” ,  "Indian  Ocean” iyo  waliba  "Middle Eastka” Oo  ay  ka mid  yihiin  xadka dhinaca  Waqooyi-bari  ku leedahay  "Persian  Gulf”, Sidaa  awgeed  waxa fududaanaya  isku  gudubka alaabaha  ganacsiga ee  aduunku is-weydaarsanayo.

 

Sadaalaha  ugu danbeeyey  Ee  la xidhiidha  Saliida  iyo Shidaalka  ayaa  laysu waafaqey  iney  Bariga afrika  ku  imanayaan qaab  janjeedh  dhuleed ah  oo  ka dhacaya  xudunta  Khaliijka, Waa  asbaabaha  mandaqadani loo  xiisaynayo  waayo wadamo  aan  imika lahayn  "Oil  and Petroluem  Well”,  ayaa yeelanaya  dabeecad  "Geography” ahaan.

 

Waa  kaasi xiisaha  loo   qabo Geeska-afrikaha  cusub  ee la  naawilayo  mustaqbalka dhaw,  Yada  oo ifafaalihii  ka  muuqdo Shirerka  Caalamiga  ah  ee  Ganacsiga wadamada  China  iyo America  u  fidinayaan madaxda  wadamada  geeska yada  oo  lagu qabanayo  wadanka  kale laguna  xifaaltamayo  qaab qarsoon  si  aaney quwaduhu  u  dareensiin wadamada  soo  koraya.

 

Waxa  muuqata waqti-xaadirkan  soo  shaac-baxa hujuunka  amuurahani  kuwaasi oo  ay  tartamayaashu isu  maan-dhaafsan  yihiin qorsheyaasha  ku  aadan mustaqbalkan  ganacsi  ama dhaqaale  ee  marinkiisu yahay  Bariga  afrika, Lana  rabo  in isaga  laf  ahaantiisa laga  faa’iideysto  waa mandaqada’e.

Geesta  kale Geeska  cusubi  waa mid  ku  dhismaya fahanka  quwadaha  aduunka waxa  laga  dhaxlayo waayo  Dawladaha  gobalku waxay  kala  raaci doonaan  danahooda  waxaaney kala  kulmi  doonaan waabari  cusub  oo la  bilaabmaya  istaraatajiyadaha  ay kala  taageeraan.  Waxa abuurmi  doona  Gobal kala  mudan  oo ku  kala  duwan aragtida  isla  markaana ku  kala  adeg dhinaca  dhaqaalaha  sababtuna ay  tahay  isfahanka iyo  dheefta,  Halkaa waxa  ka  soo baxaya  kala  bislaansho dhinacyo  badan  iyo sii  kala  fogaansho saaxiibo  is  garabsada. 

 

Geeska  cusubi waa  mid  jaangoynaya Dhaqaale  badan  oo aduunku  yeesho  iyo waliba  suura-galka  Suuq dunidu  wax  ku kala  iibsato,  Waayo maanta  suuqa  dunidu ma,aha  quute  alaabeed ee  waa  dilaal u  dhaxeeya  dunida iyo  dalelka  soo  kobcaya,  Hadaba suuqyadani  waxa  saameeyey Cimilada  aduunka  ee fadalka  u  qaybisey jawiga  cusub. Geeskani  waxa uu  noqon  doonaa mid  la  koriyo maanka  umemka ku  dhaqan si  ay  ula  jaanqaadaan  dunida  yo macaamilaadka  dhex  maraya.

Gunta  iyo gaba-gabada  faalada  waxaan ku  af-meeri  doonaa  Bulsho  ahaan  waxaynu nahay  umad  ku dhaqan  marin-biyood  muhiima waliba  kuwa  ugu qaalisan  Geeska-afrika,  Hadaba waa  inaan  fahanaa Isbaddelka  ka  socda gobalka  si  aan qayb  uga  noqono Geeska  cusub.  Aragtideena waa  inaan  balaadhinaa oo  aan  ka fikirnaa  waxa  ka socda  Gobalka  dalkeenu ka  midka  yahay, Waa  inaynaan  ku mashquulin  dalkeena oo  kaliya balse  aan  la fahanaa  isbaddelka  geeska si  nolosheena  iyo xalka  mustaqbalkeenu  u fiicnaado.

 

Qalinka:  C/raxmaan  Sayid   Faarax  (Jeesto).

Diplomatic  Annalysts.

Gabiley/Somaliland.

[email protected]

Loading...
Loading...