Fahanka Siyaasadda Habaarbaa Innagaga Dhacay

0
Tuesday September 03, 2019 - 09:37:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fahanka Siyaasadda Habaarbaa Innagaga Dhacay

    waxaan maqlayey dad badan oo ka hadlaya mashruuca waddada ee la sheegayo inuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaan maqlayey dad badan oo ka hadlaya mashruuca waddada ee la sheegayo inuu
ka soo bilaabmayo Xamar ilaa Berbera. Waxay lahaayeen dadka aan ka sheekaynayaa waa horumar innoo soo kordhay, haddaba dadku malaha ma fahansanee ujeeddadu waxa weeyi oo laga wadaa in waddada laga dhisayo hal dal oo Somaliya ah taasina waa midda aynu marka horeba isku haynu oo ah in Somaliya iyo Somaliland ay laba dal oo jaar ah yihiin.


Haddaba, waddadaasi waxay la mid tahay uun mid djibouti laga dhisayo ama Ethiopia sabab ay Somaliland usoo gashaana ma jirto haddii aanu heshiisku ahayn mid ay sexeexday dawladda Somaliland. Somaliyana waxa habboon inay iska daayaan daandaansiga siyaasadeed ee ay markasta ku kacayso dawladaha shisheeye waa kuwo dalalkoodii horumarsaday oo jaarkooda kula nool wanaag iyo edeb. Waxba kama galin waxay bixinayaan cidda ay saamaynaysana iyaga waxba kama galin waanay ogyihiin Somaliland iyo Somaliya siday kala ahaayeen iyo waxay soo wada mareen iyo siday ukala tageen iyo meesha ay maanta kala joogaan.


Guntii iyo gabogabadii waxaan leeyahay dadka shacabka ah ee reer Somaliland waar nimanka aad xilka u dhiibateen way ogyihiin waxa la isku sirayo iyo nidaamka diblomaasiyadda la isku suul daarayo mawqifka ay iska taagaanna way ku soconayaan. Haseyeeshee, dadka ay matalayaan waa shacabka Somaliland ra'yigiinana waa la qiyaasayaaye fikradaha aad ka dhiibanaysaan arrimaha siyaasadda waala turjumayaaye iskaga fiirsada oo ha la iska daayo jawaabta degdegga ee aad bixinaysaan.


Dhaqaaleyahan:Xasan Cabdi Amman
Contact: 634901979
Email: [email protected]

  
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...